Wasiirka wasaaradda Qorshaynta ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday waddanka Iswidhan

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Cali Ismaaciil Xuseen “Cali shoombe” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday safaarada waddanka Iswidhan ee fadhigoodu yahay Nayroobi.

Weftigan oo uu hoggaaminyey Safiirka waddanka Iswidhan u fadhiya waddanka Kiiniya Mr PER iyo madaxa waaxda barnamijyada caalamiga ah ee waddanka Iswidhan (Head of international program department) Lisbeth Peterson oo ay waheliyaan xubno ka socda xafiiska SYD oo ah hay’ad iswidhish ah oo xarunteeda Somalia iyo Somaliland ay tahay magaalada Hargeysa.

Ujeedada shirkan ayaa ahayd sidii ay waddanka Iswidhan uga mid noqon lahaayeen sanduuqa caawimada Somaliland ee SDF oo ay ku bahoobeen wadamada Ingiriiska, Norway,Holland iyo Denmark.

Intii shirkani socday waxay wasiirka iyo weftiga ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen mashaariicda horumarineed ee waddanka Somaliland gaar ahaan mashaariicda sanduuqa caawimada Somaliland ee SDF waxaana wasiirku xusay mudnaanta sanduuqa caawimada Somaliland u leehay qaranka Somaliland, sidoo waxa uu wasiirku u sheegay weftigan  in ay sanduuqan ay ku dawladdu gacanta ku hayso ku salaysan yahay baahiyaha ku qorsan buuga qorshaha horumarineed ee waddanka Somaliland (NDP),

bandhige@gmail.com