Qaramada Midoobay waxay ku baaqday in la badbaadiyo wada-hadalada Suuriya oo qarka u saaran in ay burburaan

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Suuriya, Staffan De Mistura, ayaa waxa uu ugu baaqay Maraykanka iyo Ruushka in ay bilaabaan hannaan degdeg ah oo heersare ah si loo badbaadiyo wada-hadallada nabadda ee Suuriya.

De Mistura oo xog siinayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa uu sheegay in xabbad joojinta Suuriya ay afka uun laga sheegay balse ay suurto gal tahay in ay burburto.

Sidoo kale waxa uu sheegay ergaygu in loo baahan yahay in colaadda la yareeyo, waxa uuna rajaynayaa in wadahadallada Geneva dib loo bilaabi doono bisha May.

Kaddib markii dhowr jeer lagu xadgudbay xabbad joojinta, ayaa mucaaridka Suuriya waxa ay todobaadkii la soo dhaafay isaga baxeen wada-hallada, iyagoo sheegay in aanay ku soo laaban doonin ilaa gargaar dheeraad ah looga dirayo magaalooyinka la goโ€™doomiyay.

Mr De Mistura ayaa sheegay in rabshadaha ka taagan guddaha waddanka Suuriya ay socdeen xilli inta badan wada-hadallada ay dhacayeen.

bandhige@gmail.com