Caddaalad Nooceeya Ayaynu Rabna (Xasan Xuseen Cabdi “Haidaro”)

Soomaaliland waa meel caddaaladu tahay kala badsiga iyo boobka, inta badan caddaalada waxa ka sheekeeya kuwa jilicsan, kuwa kale waxa ay u tahay eray erayada kale la mida sida ganacsi ama gargaar oo kale. Waa koox dhalinyaro ah oo reero kala duduwan ka soo jeeda, sheekadu waxa ay daf tidhi caddaalada iyo matalaada reero hoosaadyada ama jilibada, madaxdi cadaaladuna waaba ay nala joogta nasiibkeeda, wiil dadka la haybsooco ka mid ah aya soo bandhigay sida loo jiidhay, kuwi kalena iyana wada cawde bari ilaa galbeed, nin waliba faan oo reerkisa faro-badi oo yara buun buuni, waana habeenki cod bixiyayaasha is diiwaan galiyay lagu dhawaaqay oo doodu xiiso gaara ayay samaynisa maadaama oo la qiyaasi karo cidwalba tiradeeda. Sheekada ugu yaabka badnaydi waxa ay ahayd marki u yidhi midi anaga waxa aanu haysanay 17 magacaabis madaxwayne, 2 waanagii iska celinay wali cadaaladu sidan haddi loo dhigo waxba naga maqan, jilib halkan waxa aan uga jeeda ilaa 10,000 qof oo  xildhibaan baarmaan soo saara ama sigay, dhalinyarti kalena wada cabatay oo soo bandhige cadaalad la’aanta dalka. Sarkaalki caddaalada nagala joogay isagaba cadaalad raadinaaya. Ana waxa aan idhi fikirkayga jilibkayga cadaaladi nagama maqna ayaan qaba raadcana uguma jiro, in kasta oo tirada matalaada madaxda dawlada marka la eego aan ugu hoosayno dhalinyarta goobta joogay, waxa aan garanwaayay waxa ay micno samaynayso in aan ana cawdo aniga oo ku hadlaya afka jilibkayga. Inta badan jilib kasta waraabe u taag ayaa dawlada ugu jira badankooduna waa ganacsato dawladnimada dilaala, caddaaladu marka ay jilibada joogto waa reerkayagu maxaa u cuna, marka ay siyaasiga joogtana waa maxa aan anigu cuna. Caddaalada waxa qeexideedu i so jiidatay sarkaal mucaarida oo mar walba cabashada reerkooda miqaaxiyaha ku so qaada, ayaan maalin ku idhi maxa idinka maqan, waxa uu yidhi isaga oo qoslaya aniga oo hebela ayaan xil haynin maanta.

Caddaalada shakhsiga taabanisa sida lahaanshaha dhuleed, shaqo heliseed ama garsoorka dadwaynaha waxa xoog badan ninki lacag haysta ama adeer adag le. Waxa dhacday in dhalinyaro wasaarad ka shaqeeya u cabasho tageen agaasimihi guud, iyaga oo u sheegay in cadaalad daro goobta ka jirto sida gunooyinka loo kala badsado iyada oo aan loo eegin xil iyo shaqo midna, marki ay doodooda si fiican u soo bandhigeen ee ay jiq kaga dhigeen agaasimihi wasaaradda, ayuu inta u iska qoslay ku yidhi adeer waa maxay waxan aad ka sheekaynisaan meesha ma aakhiro ayaad moodisaan waa maxay caddaaladan aad ka sheekaynisaan, aakhiro la suga caddaalada warkeeda. Yaabki meesha ka dhacay wiilashi dib looma arag iyaga oo wax ka maqan ka hadlaaya, wiilka sidan casharka loogu dhigay bal tu isna keeno waaba loo joogi ileen wu guntade godob tane. Fikirkayga caddaalada aakhiro in lala sugo waxa ka roon in la wada jabo ee dhalinyarooy jawaabtu ma dheera e is waydi Waraabaha reerkina matala macnaha uu samaynayo iyo cida aad taageerayso.

Waxa ay su’aasha wayni tahay siddeebay ugu suuro gashay diin laawaha dawladaha galbeedka in u ummadahooda cadaalad ku dabaalo iyo horumar. Aniga waxa ay ila tahay haddii caddaalada lagu cabiro indho beeleed waligeed la gaadhi maayo maxa yeelay reerku meel u ku dhamaado lama yaqaano, laakiin reerku waxa u isu taageersan kara in ay xildhibaano la soo baxaan taas oo noqonaysa dhinaca metalaada bulshada. Marka ay timaado dhanka fulinta dawlada waxa muhiima qofka wax qaban kara ee hal abuurka shaqo le, kaas oo waxtarka bulshada iyo fidinta adeega bulshada wax ka qaban kara. Marka Arrinku dawladnimada taagan tahay waa laba midkood ba dhacda in la sameeyo dawlad tayo le oo dadka wax u qabata oo adeega bulshada iyo daryeelkooda ka shaqaysa iyo in la sameeyo dawlad kuraas badan oo waraabo u taagyo la sameeyo si cid kasta loo qanciyo oo ninkii qaylo bataba meel loogu sameeyo uu ku mashquulo, tan danbe waxa ay keenisa in maamulku dabco oo musuqa iyo tuugadu caadi noqoto sifo waraabe u taagu u hayn karo odayada reerkooda.

Xasan Xuseen Cabdi “Haidaro”

Bare Sare iyo Cilmi Baadhe

hhmadaxyare@hotmail.com