Caleemasaarka Muuse Biixi ee maanta, ma u farxad baa, mise waa u werwer? (Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

 

Waa hidaha iyo Caadada ay nolosha insaanku leedahay inay u qaybsamaan kuwa madax noqda oo wax hogaamiya, in kuwo raaciyad ah oo la maamulo, labadan qaybood ee insaanku u qaybsamay dunida guudkeeda, marka laga hadlayo qaabdhismeedka guud ee maareynta noloshooda, waxay mid waliba leedahay muhiimadeeda gaarka ah, oo ah kan madaxda noqdaa waa mid ixtiraam, maamuus, iyo sharfid ka helaya dadka dhexdooda, kaasoo ka gedisan muuqaalka guud ee raaciyadu leedahay, waxay ku kala gedisan yihiin xajmiga waajibaadka saaran, iyo qoto-dheerida xisaabta amaanadda la qaadayo ku leedahay kan qaaday ilaahay agtiisa maalinta Qiyaamaha, oo ah maalin leh waayaheeda iyo werwerkeeda gaarka ah.

Ayaamo kooban oo ifka dushiisa lagaaga sacab tumo, lagaaga mshxarado, laguna hor-cararaa waa muddo ay hubaal tahay inay gebagabadeedu dhowdahay, tan ruuxa caqliga leh, cabqariga ah, ee maskaxda furani uu maanka ku hayo markastaa, waxay tahay maxsuulka Gebegabada noloshiisa iyo waxa ay la gababoobi doonto taasoo wajihideedu ay lama dhaafaan tahay, xil iyo deraja kastoo aad haysaana aanay ka baajinaynin, waxaana muhiim ah in dhaldhalaalka aduunyada iyo mulkigiisa tambareeriga ah ayย  kaaga filaato in badan oo kaaga horaysay hanashadeeda , oo ay aduunyadu koolkoolisay oo saaka qabri kaga sugan, waxa keliya ee ย maxsuulka u ahina ay yihiin wixii u hormarsaday ilaahay agtiisa shar iyo kheyrba.

Hadaba, maanta oo ay taariikhdu tahay 13/12/2017, waxaa xilka Madaxweynenimo ee Soomaalilandย  loo caleemo saarayaa Mr Muuse Biixiย  Cabdi, oo in badan u soo Gucleeyayย  hanashadda Kursiga saaka loo dhaarinayo, Suโ€™aasha aan isweydiinayaa waxay tahay, ย waxay maanta muuse uga dhigan tahay, ma maalin farxadeed bay u tahay marka la eego madaxweynanimada Maanta loo caleema saarayo, ย mise waxay u tahay maalin werwer marka loo eego xisaabta ilaahay agtiisa ku sugaysa ee amaanadda uu qaadayaa ay leedahay? Anigu ma hubo kay u tahay, balse, waxaann ogahay in Qaadista Xilka iyo Amaanadu ay yihiin kuwo mudan in laga werwero, ee aan loo dhoola-caddeyn, taas dartedna, waxay ila tahay inaanu ilaawin xilka uu maanta qaadayo iyo Saymaha ku gadaaman, ee ah inuu dhaxlay maamulida iyo hagida dal ay la degtay qabyaalad iyo kala qabsanaan bulsho, musuqmaasuq ku baahay dhaqankii iyo noloshii mujtamaca oo dhan, nidaamkii iyo kala danbeyntii dawladnimo oo si weyn u wiiqan, kuwaasoo dhamaantood u baahan in lagu wajaho caqli, karti, daacadnimo iyo hogaamin ku qotonta goโ€™aan qaadasho xoogan oo aan talo wadaag iyo ka baaraan-degid ka madnayn.

Dhinaca kale, Madaxwene Muuse, wuxuu haystaa fursadda ah in dad badani qabaan inuu yahay nin goโ€™aan adag oo wax bedeli kara, iyo mujtamaca intiisa badan oo u ooman isbedel wax ku ool ah oo ka saara nolosha maanta lagu jiro, kuwaasoo u heelan inay taageeraan isbedelka ay ka filayaan hogaamiyaha cusub, sadex arimood ayuuna hogaamiyaha cusubi ku xaqiijin karaa ka faaiidaysiga fursaha uu haysto oo kala ah: 1. Inuu la yimaado waxqabad ku qotoma barnaamijkii xisbigiisa, kuna toosnaado ku dhaqanka sharciga iyo qawaaniinta dalka isagoo naftiisa iyo tan qoyskiisa ka bilaabaya 2. Inaanu nidaamkiisa kusoo darin masuuliyiintii horey ugu caan baxay musuqmaasuqa iyo qaraabo kiilka 3. Inaanu noqon mid kursi jacaylka iyo maal-urursigu madax maro, ee uu noqdo mid ay madax-marto wadaniyadda, alle ka cabsiga iyo ku werwerida waayaha dadkiisu qabaan sidii uu wax uga qaban lahaa, una fahmo inaanu kursiga lahayn, ee umadda leedahay, isaguna yahay Khaadim loo doortay inuu umadda u adeego.

Gebagabadii, waxaan isleeyahay haddii uu madaxweynaha Cusubi xaqiijiyo qodobada kor ku xusan xaqiijintooda iyo fulintooda, wuxuu noqon doona Hogaamiye Guulaysta if iyo Aakhiroba, aadna looga jecel yahay ilaahay agtiisa iyo adoomadiisaba, kana taga shacab iyo dal badhaadhe iyo kalagacal kuwada nool, hadii kalena wuxuu noqon doonaa mid dhaxal xumaysta sidii ay noqdeen kuwo badan oo ka horeeyay oo dunida soo marayba, ilaahow ka yeel kanย  Guulaysta.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qainkii: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

Burco,

Email,ย husseinlucky@hotmail.com