Colaaddii 1994 -1997 sidee bay ku qaraxday? (WQ: Mustafa Kaydsane)

Xukuumadda Mw Cigaal l[AhuN] waxay qaadatay aragti ah in ciidanka fadhiya gegida dayuuradaha ee Hargeysa ay yihiin kuwa u daacad ah Jabhadda Mw Tuur l[AhuN]

kaga dhawaaqay Addis-ababa iyo Xil Jaamac M Qaalin “Jaamac Yare”.

Odayaashii dhaqanka ee beesha ciidamadaasi waxay ku taliyeen in iyaga loo dhaafo xalinta arinta ciidamadaas iyagoo markaa culays ba’an ku hayey siyaasi Jaamac Yare oo ahaa guddoomiyaha guddida beesha.

Maxaa dhacay markaa?

Xukuumadda Mw Cigaa waxay qaadatay go’aan kadis ah oo ah “in la weerao gegida diyaaradaha”. Dad badan baa oo haldoorka bulshada ah ayaa ka hawlgalay in gulufkaasi la hakiyo, lkn arintaa laguma guulaysan. Gulufkiina subax hore ayuu dhacay si fudud ayaanay xukuumaddu ula wareegtay gegidii, maalintaa dhaawac iyo dhimasho midna ma dhicin. Jabhadii meesha deganaydna waxay dib ugu guureen degaanka Toon oo aan halkaa wax badan ka fogayn.

Hadda na dib baa ergooyinku isu dhaafeen iyadoo aan ka mid ahaa wakhtigaa dadkii ku talinayey in aan dhalinyaradaa lagaga daba tagin Toon ee odayaasha dhaqanka ee beeshooda laga warsugo. Waxaanu lahayn “40 kaa wiil yaanay inagu noqonin reer, qaranku reero is dilaya ayuu u dhiman doonaa” ee cagta ha loo dhigo.

Xukuumaddii wakhtigaasi dhagaha ayey ka furaysatay dhamaan talooyinkii nabad-doonida ee loo soo jeediyey.

Sidii qorshaheedu ahaa ayey xukuumadu kaga dhabaysay goor subax ah. Isla maalintaa duhurnimadii ayaa qayb kamid ah ciidamada qaranka ee jabhadaas weeraray ay kula kala qaysameen dagaalkii oo ay la soo safteen kuwii falaagada ahaa ee la daba socday. 1:02 oo durnimo ayuu dagaalkii ku soo fiday magaalada. Dagaalkii maalintaa sida fudud u qarxay 15. 11. 1994 damintiisu waxay qarankan ku qaadatay dhiig badan oo daatay, waxana si dhib leh lagu soo afjaray 1997.

Madaxweynaha maanta wuxu maalintaa ahaa foolaadka xukuumaddii Cigaal iyo Wasiirka Daakhiliga. Wuu garanayaa xanuunkii qaranku ka maray dagaalkaa la baajin karayey wakhtigiisii. Waxan xasuustaa isaga oo Wasiir Muuse Biixi Baarlamaanka hortiisa ka soo jeedinaya talo dhaxalgal ah – sidii colaadaas aan cidina guul ka gaadhi karin loo joojin lahaa. Waxan ku rajo waynahay in la heli karo khudbadaas oo duuban.

Goor aan goor ahayn oo dhan walba dhibi dhacday ayaa siyaasi iyo dhaqan ba la garwaaqsaday in nabad laga shaqeeyo. Colaadii sida fuddud u dhacday ayaa lagu soo dabaalay si ad iyo ad u dhib badan. Oo waxa ba dhib ahayd markii dambe  in la helo kalsoonidii iyo is aaminkii lagu wada xaajoon lahaa. Allah mahadii waxa sanad dhan laga shaqayn nayey sidii markale Soomaalilaan kalsooni dawladdeed ku dhisani ay dib ugu amba qaadi lahayd. Waana ta aynu maanta hadhsanayno ee  kuwii aan maalintaa dhalanini ay bulshada ka yihiin 75%.

Sidaas darteed madaxweyne Muuse Biixi waxa la gudboon in aanu galin khaladkii ay gashay xukuumaddii uu ka tirsanaa 1994. Ha dhagaysato haldoorka ummadda iyo madax-dhaqameedka u heelan in ay nabada Sanaag soo dabaalaan. Arinta Kor. Caare na waa inuu u soo afjaraa sidii uu Mw Siilaanyo u soo afjaray colaadii Sool iyo Jabhadii Khaatumo.

Xaalada dhaqaale, dublamaasiyaddeed iyo amni ee inagu xeeran iyo ilaalinta midnimadeena qarnimo ayaa sidaa waajib ka dhigaysa “isu dabaalista inta wada joogta iyo raadinta inta wali inaga maqan”.

 

“Hadal waayeel waa guud mar”

 

Xalku ma foga

Nabad & Caano

Mustafa Kaydsane