Cuntada diyaaraddaha Itoobiya: shareecada ma waafaqsantahay? (WQ: Mohamad Hirsi G Abdibashir)

Inta ugu badan waxa aan raacaa diyaaradda ethiopian airlines.

Cuntada waa la sii dalban karaa, haddii aad aanad cunin cuntada u ah jooogtada ama beegaalka. Dadku sababo kala duwan ayey cunto gaar ah u dalbadaan. waxa ka mid ah:
1- diini: sida cunto muslin iyo cunto yahuudi
2- Caafimaad: Sida dadka xasaasiyadda ku leh cuntooyinka qaar
3- caagganaan: sida dadka ka caagga hilibka noolaha ama oonta xoolaha oo dhan.

kii ay doontaba ha ahaatee xaq ayaad u leedahay in aad dalbato cuntada kugu habboon marka aad tigidhka goosanayso.

Anigu badiyaa waxan dalbadaa Cuntooyinka badda -Sea food- si guud ama kalluunka si gaar ahaaneed.

Yurub ilaa Addis si wanaagsan ayuu dalabkaygaasi u shaqeeyaa.
Laakiin Hargeysa-Addis ma helo dalabkaygaa. Waxa diyaaradda lagu qaybiyaa cunto keli ah oo ah ; roodhi lagu dhex riday hilib digaag xalleef ah. Hilib digaaggaas lama sheegin sida loo gawracay in uu yahay mid waafaqsan sharewcada islaamka. Balse waxa iska cad in uu yahay hilib loo gawracay sida halbeegga u ah diyaaraddaas. Yacnii hab aan islaami ahayn. Cuniddiisuna xaaraan ayey ka noqonayaaa qofka muslinka ah.

Haddaba, laba arrimoodba ma
qabtaan dadka rakaabka ah:
1- in dalabkooda gaar ahaaneed loo fulin waayo iyo
2- In loo diyaariyo cunto aan waafaqsanayn nadaamka diintooda

Waxa ay ahayd in wasaaradda qaabilsan madaarka ay arrintaas heshiis gaar ah kala gasho maamulka diyaaradda. Haddii aanay diyaarin karin hilib loo gawracay si waafaqsan sharewcada, waa in ay kalluun siiyaan rakaabka -Hargeysa iyo Addis.

Aad ayaan uga niyad xumaadaa mar kasta arrintaas.