Daruur yar oo aan hadhsaday (WQ: Liibaan Cawaale Liibaan “LCL”)

Ma aha maalintii u horeysay ee aan halkan ku arko gabadhan ! Marwalba oo aan halkan ku arko indhaheedu waa kuwo ani igu maqan! Ana maskaxdayda uma ogolaado in ay ku jeesato meel kale sababtoo qofkan horjooga ee soo eegaya  ayaan amar ku siiya in indhuhu ku ildoogsadaan Si uu qalbiguna ugu qaboobo. Aad ayay u qurux baddan tahay. Waxa ay ku labisan tahay cabayad madow. Garabkana waxa u saaran boorso iyadna cadan iyo madaw isugu jirta sidoo kale Fuwaalka ay xidhan tahay oo midabkiisu buluug yahay ayaa ka duwan, marka laga tago kabaha isboortiga ee ay xidhan tahay oo iyagna cadaan ah. Gacanteeda midig na waxa ay ku wadataa Mobile Iphone ah oo cad. Murayadda indhaha ugu xirana waa Sun Glass(Murayadda Cadceda) oo nooca labada waqtiba la xidho ah. Qaabka ay u soo socoto, waxa aad moodaaba, hablihii dharka xayaysiinayay! Cadceedu way sii galbanaysaa. Falaadhaheedi  ugu dambeeyay waxa ay aad u iftiiminayaan midabka mariinka ah ee gabadha ilaahay ku manaystey.
Maalmo baddan ayay qofka sidaas u shidan aayar igu dhaaftay anoon la hadal ama aanan baranba. Aar ma si ban ahaa? Mooyi. Maanta se, waaba la jooga akhriste. Maxaa fardo la iski hayo la iskaga faani! Judhii aan isku soo dhowaanayba waxa dariiqa soo istaagtey bajaj. Gabadhiina markiiba way kortey. Mooyi malaha intii aan iyada ku maqnaa ayay u baaqdey bajajta! Ana waan ka daba korey! Shaw Guled Simba ayaaba hawshiisa iska wata. Dirawalkii heestii ha dhaafiyo. Gabadhiina markiiba ha tiraah walal heesta kusoo celi. Si is moogaan ah ana aan la soo boodo, Haa waa hees macaan soo celi oo fadlan dalac walal! Goor aan. codeeyayba waan garan waayay!  Halkaas fursad ayaaba ka dhalatey. Mushkiladba se waa hadii u fursadan aan hadalka ku furfurto sideen fursad labaad ku heli? Haddii kalmadaada koowaad soo jiidato, waa maxay kalmadda labaad ee ay ku sii furfuran karto gabadhu sheekadda.
Waxaaba la jooga albaabkii Haji Dahir Stadium!(halka bajajtu ku istaagto) Bal eeg intuu xoog u wadey imisa fursadood ayuu naga lumiyay. Bal bajaj danbe nagu arag! Oo haday iyadu markale soo raacdo kawaran? De waanu iska raaci haddana! Oo sowdiga balan ku qaadey inaad bajaj danbe raacayn! Aar ka soco adu! Gabadhii ha tiraah,
“Walaal saad ma leedahay? ” “Wiilkii, Walal ma isticmaalo! ” De lacag caash ah ma sito ee maxaan sameeya? ” Nin labba fursadood laga khasaariyay ileen waa ani. Markiiba 5000shiling aan u dhiibo. Farxadii awgeedna aan u raaciyo baaqigana waa intaad nasoo dhoweysay ee mahadsanid. maanta faxalsaniyaa ! Hadda namaba soo dhoweyn! ” Dirawalkii bajaajta, ha idhaahdo, “Waad mahadsan tahay walal oo ha iska dhaqaaqo”. Ana ileen lacag aanan ugu talogalin ba aayar baxdee, hoosta aan ka guuxo anoo leh” War orod waxba ha noo mahadceline” Gabadhii iyadna ha tiraah, ” Walal waad mahadsan tahay ee isheeg Numberkaaga, adiga oo aan iga diidayn, qof dhan oo qurux baddan miyaa codsigeeda koowad laga diida? Yaa? Oo fursadi may na ahayn midii la odhan jirey “Fursad Dahab ah”. Judhiiba waan u sheegay numberka. Kadib waxa aan ka codsaday Rays Hotel oo noo dhow inaan kasoo wada bunayno iyadna way iga caqbashay. Kaftan iyo sheeko wadaag kadib waan kala tagnay balse waxa aan ku balanay in aan isla soo xiriirno.
Xaalku marka uu halkaas marayo waxa soo dhacay taleefankayga ! ” Hello. Haa war Liibaan waa 7Am aroornimo ee hurdada ka kac. Yaa ma 7diiba? Haa. Wayahay 15 daqiiqo kadib Hotelka aan iskugu nimaadno. Akhriste shaw ileen waan “daruurtan yar ee aan hadhsaday daqiiqadaha kooban waa riyo oo afartii darbi ee qolkaba ma dhaafin.
Liibaan Awaleh Liibaan (LCL)