Dhex kama aha dawladda Turkigu wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya (WQ: Farxaan Cabdi Ciise)

Sababta dib u dhaca wadda-hadalada Soomaaliya ayaa sabab u ah cilaaqaadka u dhaxeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga oo aan dhex ka ahay wada-hadaladani.

Tan iyo intii ay bilaabmeen wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa mar kast waxa yimaada dib-u-dhac balaadhan oo ka yimaadda dhinaca dawladda Federaalka Soomaaliya, wada-hadaladaasi oo lagu qabto waddanka Turkiga, haddaba markaan ka imano wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa jira waxyaabo aad odhan karto dib-u-dhaca wada-hadalada ayaa waxay tahay sababta ugu weyni in ay madaxda Turkigu dhex-dhexaad ka noqdaan wada-hadalada, balse waxay dhinaca saaraan dawladda Federaalka Soomaaliya.

Erdogan

2011-kii ayey ahayd markii uu Madaxweynaha Turkigu iyo wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku tageen Soomaaliya gaar ahaan magaalo madaxdeeda Muqdisho, maanta oo laga jooga afar sanno iyo badh ayaa waxa uu ku tegay safarkiisii labaad, taasina waxay ku tusaysaa juhdiga uu Madaxweyne Erdogan uu ku bogaadinayo in ay wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay ka gacan siinayaan dawladda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba waa maxay sababta weyn ee xukuumadda Somaliland ay dawladdaha caalamka ugu baaqi laadahay in ay wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay uga furi lahaayeen waddani kale oo laga wareejiyo dawladda Turkiga, maadaamo oo ay gacan hoose wada leeyihiin Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxwaynaha Turkiga Recept Dayib Erdogan iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Turkiga.

Aan yara dul istaago wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa mar kasta xumaada cilaaqadka dawladda Federaalka Soomaaliya oo keena dib-u-dhaca wada-hadaladani, iyaga oo ka walaacsan amaba diidan gooni isu-taaga Jamhuuriyada Somaliland, waxa ay mar kasta dib u sii jiidaan wada-hadalada inoo dhaxeeya.

La Soco Taxanaha Qoraalkani
W/Q Farhan Abdi Issa
Email:Farxaancabdi18@gmail.com
Tell: 0633449547/0634521328
Gabiley