Dhimashada reer Xaraf iyo dibiro-dhacsiga Muuse (W.Q: DRs. Hoodo Yusuf)

Juun 15-keedii 2010, dadwaynaha Xaraf ku dhaqani waxay Qado sharaf u sameeyeen hoggaanka Kulmiye oo ay hoggaaminaayeen Madaxwayne Siilaanyo iyo Colonel Muuse Biixi. Waqtigaas  Reer XARAF waxay ku jireen  barwaaqo, waxaany wafdiga ka dhergiyeen subag sixin, caano iyo hilib .

Waxay ku balanqaadeen in ay codkooda siinayaan Kulmiye  waanay ka dhabeeyeen.  Maanta, sida aynu warbaahinta ku aragnay, waxa Xaraf ku geeriyooday dada jilicsan oo u dhintay gaajo iyo haraad.

Xaraf waxay qasriga Madaxtooyada iyo Xafiiska Kulmiye u jirtaa  masaafo kar yar 15 kiiloo mitir. Waxa taa barbar socota xaflado waawayn oo  ay qabsanyaan hoggaanka Kulmiye, madax-dhaqameed, ganacsato, aqoonyahano iyo culimo kasoo jeeda deegaanka Xaraf.

Xafladaas waxa lagu qabtaa Hotel Mansour, Green Plaza, Xaraf, Crown Plaza iyo qaar kaloo badan. Waxay dhammaantood ku yaaleen  Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa. Dadka xafladaahaas kasoo baxa waxa ka muuqda nimco,  ladnaan, kibir iyo xaydh-daac, agtoodana reer Xaraf ayaa ku  dhimanaya, iyagana waxa hoday Saldanad iyo siyaasad.

Xaraf waxaan leeyahay Siilaanyo wuu seexday, Muusena waa kaa. Mulkiilayaasha  hudheelada waawayni ha joojiyaan xafladaha dibiro-dhacsiga ah inta abaarta lagu jiro.

Fadlan Hoos guji oo daawo qado sharaftii reer Xara fee 15-kii June,2010.

Drs Hoodo Yusuf,  London, UK.

yhoodo@hotmail.com