War xumo dugsi ma fadhiistee! Inanka yar ee rajayga ah, ee libaaxu qaatay warkiisii meel walba waa ka dhacay. Reer-beedihii, magaaladii iyo meel walba waa gaadhay warkii. Dhudi iyadoo dhaaminaysa qarbedkii ay ka iibin jirtay dumarka magaalada, gaar ahaan xaafadda bilaysku deggan yahay, oo dul-taagan ceel, ayay maqashay xaawalayda ku sheekaysanaysa, in wiil yar uu libaax qaatay. Iyadoo aan is ogayn ayay qarbadkii dhulka dhigtay, oo dhegta u dhigtay labada dumar ah ee is-waraysanaysa. Haddii warkii u baxay, waxay yaqiinsatay, in tilmaanta geelasha iyo goobta libaaxu ku cunay inanka yari ay tahay halkii ugu war-dambaysay curadkeedii Cali-mahad iyo geelashoodii. Naxdintii iyo wareerkii ay ka qaadday warkaa, Dhudi markii ay qarbedkii dhaamisay, oo ay guri-baalleedkii xaafadda ugu sokeeyay u geysay kuma ay soo noqon ceelkii!
Dhibaatadii, quudhsigii, iyo hoos-u-eegiddii ay ku qabtay dumarka ay bilaysku qabaan, waxaa kaga xun oo ay ku illawday warka dhiillada leh ee sheegaya in libaax cunay wiil yar. Intay qarbedkii oo madhan qaaday ayay ku hor-tuurtay qol-qolkii Jinaw. Oo intay si dhaqsa ah u fadhiisatay oo ku tiirsatay aloolka ku dhisan aqalka Jinaw ayay fooddadeedii wejiga ku qarisay, oo oohin hoose miciinsatay. Bisinka! Bisinka, naa maxaa ku helay, ayay jinaw ku tidhi. Jinaw, waa islaan ay xaaji-Guhaad oo Dhudi aabbaheed ah habra-wadaag yihiin. Waa islaan aan carruur lahayn, oo odaygeedii sidii uu ingiriis ugu qaaday sawaaxil aan il-dambe saarin. Sidii ay u degtay xaafaddan yar ee oodley-da ah, ayay u sugaysaa xaajigeedii. Cidda keliya ee wehelka u ahina waa Dhudi. Jinaw intay ka soo kacday, geedkii ay harrar-ka ku hoos samaynaysay, ayay ku soo foororsatay Dhudi, oo ku tidhi “ Eeddo maxaa ku helay, ma naagihii baa isugu kaa tegay” Ila hadal eeddo, ayay u raacisay. Dhudi, oo ilmadu qoysay, oo fooddadeeda ay iskaga bi’inaysay aad mooddo in biyo la geliyay, ayaa tidhi “inan yar, oo tilmaantii Cali-mahad leh ayaa la sheegay in libaax qaatay” intaa markay tidhina, waxaa laban-laabantay ilmada ka da’aysa iyo hiq-hiqda, ay ka keenayso hibashada fogi!
Jinaw, ayaa iyana is-hayn kari weyday oo ilmaysay. Ilaahay baan u baryayaa in aanu Cali-mahad noqone, eeddo aammu aynu warka dhab ahaantiisa sugnee, ayay ugu qalbi qaboojisay. Dhudi, ilmadii ayay iska bi’isay, oo ay is-tidhi calool adayg. Waxay hoos isugu sheegtay, in haddii libaax cuno iyo hadii kaleba, aabbihii ayaa dhabarkaaga ka rogaye, adigu maad dayicin!
Dhudi, muddo laba gu’ ah ayay ku sugaysay gurigii aabbaheed xaaji-Guhaad iyo hooyadeed Siraad, bal mar uun inuu Faarax-goray u jiidh-naxo inankiisa Cali-mahad, oo ku soo celiyo gacanta hooyadii Dhudi! Bal mar uun in aabbaheed xaaji-Guhaad, u tago Faarax-goray iyo walaalkii Diiriye-gooraan, oo uu u sheego in wiilka yar hooyadii cid u dhaantaa ma jirtee, loo soo celiyo. Hase yeeshee, taasi dhinacna kama suuro-gelin. Labada dhinac, waxaa dhex-yaalla oo keliya, ee ay dareensan yihiin, waa geelii labaatanka ahaa, iyo rayfal-kii dhega-darmaanka ahaa ee ay yaradka u kala qaateen. Qalbi-xanuunka iyo dhibta Dhudi iyo Cali-mahad midba meel cidla ah ku keliyaystay, iyaga uma bilawna.
Dhudi, Markii ay ku adkaatay sugiddii iyo wer-werkii, isla mar ahaantaana, lagu ceebeeyo in ay tahay carmal, curadkeediina looga dhaartay, calool-xumadii ay ka qaadday dhibaatooyinkaa is-barkan, ayaa ku kalliifay in ay ka caymaddo gurigii hooyadeed, oo ay ku soo libidhay magaaladan. Jinaw, oo ku badhaadhay wehelka, raro samaynta, farshaxanka iyo kartida Dhudi, ayaa Iyana ay wada noolaayeen, muddo laba sano ah.
Dhudi, maalintaasi kaga darnayd kun maalmood oo jiilaal ah, gabbalka dhacayna ugama duwanayn gabbal-baas. Habeenkii oo dhan ma ay seexan, ee waxay ilaahay ka baryaysay, in wiilka yar ee libaaxu qaatay aanu ahayn Cali-mahad. Warka ugu horreeya ee ay heli karaan, waa safraha ka imanaya degmadii reerihii ay mar u dhaxday, ee uu ka dhashay wiilkeeda Cali-mahad. Safruhu, waxay ka imanayaan reer-beedihiiye, uma war-hayaan geela dayrtii dhawayd kor u hayaamay, iyo raggii kaxaystay waxa ay joogaan! Warka kale, ee ay heli karaan waa iyadoo ay magaalada ka ogaadaan, cidda wiilka yari ahaa. Maxaa yeeley, geeridu ma qarsoonto, tanina waa tu aan geeri keliya ahayne, waxaa ku lammaan xanuunka ruux yar, oo nool oo libaax qaatay.
La soco.
W.Q: Maxamuud Axmed Oday
moxamud_oday@yahoo.co.uk
Burco, Somaliland