Wasiirka waxbarashada iyo ku-simaha Agaasimaha HYDA waxay wada-jir u dhagax dhigeen dhismaayaal lagu kordhinyo todoba dugsi oo ku yaalla Hargeysa

Wasiirka waxbarashada Cabdilahi Ibraahim Habane iyo kusimaha Agaasimaha fulinta ee ururka HYDA Iid Cumar Cisman ayaa waxa si wada-jir ah u dhagax dhigeen xarumo barbaarinta carruurta oo laga hirgalin doono toboda dugsi oo ku yaalla Hargeysa.

Xarumaha ayaa waaxa lagu barbaarin doonaa carruurta daโ€™doodu u dhaxayso 3 -6 jir ee dhigta todabadan dugsi ee lagu kordhinayo,

Mashruucan oo ah mid tijaabo ah islamarkaana hadda ay ugu horaysa in laga fuliyo dugsiyada dawliga ah waxa fulinaysa Hayโ€™ada Wadaniga ah HYDA oo kaashanaysa wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre oo maalgalinayso Hayโ€™ada PHARO Foundation.

Xarumaha Barbaarinta ee loo sameeynayo dugsiyadan ayaa waxa loo talo galay in waxbarashada carruurta kor loo qaado isla mar ahaantana natiijada ka soo baxda uu noqdo saameyn wanaagsan oo ay weligood manaafacsadaan. Iyadoo xarumahan barbaarinta qayb weyn ka qaadanayso dhismaha saxda ah ee xaga maanka iyo fahanka carruurta.

Mashruucan oo ah mid tijaabo ah wuxu socon doona muddo 2 sanno ah kaas oo laga fulindoono 7 dugsil oo kuwa hoose dhexe ah oo midkiiba 2 kalaas (class) oo suuliyadoodii wata lagu dari doono.

Uruka waddaniga ee HYDA oo mar walwalba ku hawlan kor u qaadida adeegyada kala duwan ee bulshada haddaba iyadoo kaashaynaysa Wasaaradda Waxbarashada kana duulaysa siiyaasada waxbarashada ee shanta sanno ee socda, waxay ahmiyad badan siinayaan siday uga midho dhallin lahayd mashruucan tijaabada ah iyadoo hiigsanaysa in dalka oo dhan la gaadhsiiyo si ubadka bulshadeena uu helaan barbarian sax ah.

Mashruucan oo tijaabo ah ayaa waxa uu noqonayaa mashruucii ugu horeeyey laga hirgaliyo gayiga Somaliland, kaas oo socon doonna muddo laba sanno ah, sidoo kalena waxa ka faaโ€™iidaysan doona mashruucan arday gaadhaysa 420 oo ka kala iman doona dugsiyadda hoose ee Hargeysa, sidoo kalena waxa uu mashruucani tababar siin doonaa 28 macalin iyo samaynta manhajka barbaarinta carruurta Somlailand, halka dugsiyadda hoose ee mashruucan ka socon doonna loo dhisi doono 14 fasal oo dugsigiiba laga dhisi doono 2 fasal iyo suuliyo.

Halkan hoose ka daawo muqaalka warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=sBzt3q-Oj6E&feature=youtu.be

2 (1) 3 (1) 4

bandhige@gmail.com