Sannadii 1949 (muddo 66 sano ka hor) ayaa uu Yuusuf Sibaaci, qoraaga weyn ee reer Masar ahaa uu qorey sheeko faneed aad u xiiso badan. Waxa uu uga magac dhigey “dhulkii labawajileyda”. Farriinta ay sheekadu xambaarsantahay waxa uu kaga faallooneyey nidaamki siyaasadeed ee dalka Masar iyo guud ahaan habdhaqankii dadka. Waxaad se mooddaa ina farriinta sheekaddu ay ilaa imika ka warrameyso xaalka nololeed ee umaddo badan. Waa tan sheekadu
Mascuud abu Sacad waa nin xaas leh oo ah shaqaalaha dawladda. Mascuud ma jecel shaqaddiisa iyo guud ahaanba noloshiisa waayo waxa uu ku dhex dulman yahay kali talisnimadda maamulkiisa, shaqadda iyo xaaskiisa buuqa badan. Maalin maalamah ka mid ah isaga oo aad uga niyad xun nolosha dullinimo iyo saboolnimo ee aanu wax ba ka qaban kareyn ayaa waxa uu arkey tukaan ku yaala duleedka wabigga Nile. “Tukaanka ii binta Anshaxa (hab-dhaqanadda)” ayaa ku qornaa wajahaddiisa. Mascuud uu qaadan waayey waxa kuqoran tukaanta Waxa uu hubiyey in araggiisu uu saxdii yahay, waxa uun xaqiiqsadey ina indhihiisu waxa ay arkayaan ay run tahay —Tukaanka iibiinta Anshaxa ama hab-dhaqannada.
Kamaba hakan ina uu ku weecdo tukaanka si uu uga wareysto waxa uu iibineyo. Waxa uu u sheegay odeygii ganacsaduhu in uu iibineyo anshaxa iyo hab dhaqannada kala duwan sida; geesinimadda, naxariista, runta , daacadnimadda, iwm, iyo in uu qofkastana ka caawiyo habdhaqanka uu u baahan yahay si nolosha uu rabo u gaadho.
Mascuud oo aad u la yaaban kiishaashkan budada ee tukaanka buuxa ayaa ku yidhi “kanna waa maxay?” Odeygii baa ugu jawaabey ” waa geesinimadda.” Mascuud waxa uu dalbadey in loo miiso kiish geesinnimo ah. Laakiin odeygi waxa uu u sheegay in uu qaadan karo in ku filan toban cisho; maaddaama sida uu wax uu iibiyo ay tahay in lagu qiyaaso muddada uu rabo qofku in uu lahaado hab-dhaqankaas. Xisaabta qiimahuna waa inoo iyo maalinta xiisaabta.
Mascuud gurrigii ayuu yimid isaga oo wata budadii geesinimada muddo toban cisho ah. Isla markiiba biyo ayuu ku laaqdey waa uu cabbey Waxa uu bilaabey in uu si dhakhso ah isku baddalo, waxa uu yeeshay dabeecado aan hore lagu aqoon. Waxa uu u soo baxay xafaddii uu degganaa waxa uuna bilaabey ina uu u gargaaro kuwii la dulmineyay oo u ka difaaco wax yaabo badan oo uu hore uga cabsanjirey. Laakiin waxa uu la kulmey dhib faro badan iyo daal ilaa laga eryey shaqadii madaama uu si geesinimo leh ugu jawaabey odeygii kalitaliska ee maamulka shaqadiisa.
Isagga oo daal badan ka muuqdo ayuu ku noqdey odeygii gaancasadaha “ maalin kaliya ayey waxa oo dhiba iga soo gaadhey geesinimada, maxaad iga fileysaa sagaalka cisho ee hadhey? Fadlan iigu baddel hab-dhaqan kale, duqonniimo, labawajiilenimo, khiyaamo, nacableyn”ayuu Mascuud ugu caalcaley odeygii. Nasiibdarro waxa uu u sheegey ganacsadihii in dhamaan hab-dhaqannaadasi ay hore u dhammaadeen madaama ay ugu dalab badan yihiin oo loogu isticmaal badanyahay.
Macuud isagga oo xasuusaney kadeedki geesinimadda ayaa u ka dalbadey in uu waxa uun ugu baddelo. Waxa uu ganacsadihii ugu baddelay budadii anshaxa dabacsanaanta, waxa uun bilaabey naxariis iyo dabcasaanaan hore looga baran. Waxa uu bilaabey ina uu u beer jeleeco dadkii baahnaa ,waxa uu diyaar u ahaa ina uu u huro dharkiisa cidka kasta oo baahi kamuuqato ilaa uu u saarey dharkisii wiil baahan. Lakiin anshaxanna ma uu dhaamin geesinimadii.
Reerkii Mascuud waxa ay ka shikiyeen ina uu waashey. Markii laga yaabey dabacsanaata iyo naxariista badan,ayaa waxa ay u qoresheeyeen ina lageeyo cisbitaalka dhimirka, waxa uu u baxasadey ilaa tukaankii iibinta hab-dhaqanadda si uu odeygii gargaar u waydiisto iyo ina uu wax kaqabto xaaladda uu ku jiro. Maadaama ay muddada uu qaatey qofka ay ku xidhantahay inta uu lahaaneyo habdhaqanka ayaa waxa uu ka codsadey ina uu lajoogo inta uu ku soo noqoneyo dabciggiisii hore.
Habeenki iyaga oo wada caweynaya aya Mascuud uu arkey kiish ka mid ah kiishashkii Anshaxa, waxa uu na ka wareysatey odegyii hab-dhaqanka uu yahay,waxauuna u sheegay odeygii “hadii ay dadku cabbi lahaayeen anshaxa in istuska iyo labawajiilnimadu, waxa ay u dhaqmi lahaayeen qofnimadooda runta, waxa dibadda u soo bixi lahaa dullinimadooda, khiyaamadooda, beenta ay isku sheegayaan waxaana dadka ka dhex bilaabmi lahaa dhibaatooyin badan.”
Mascuud waxa isla markiiba maanka ku qabtey ina kiishkan ku daro biyaha wabiga Nile ee ah isha Biyaha magaaladdu kacabto. Habeenkii odeygii markii uu seexday ayaa uu la soo baxsadey kiishkii ay ku jirtey budada daacadnimada ilaa magaaladdi wada cabteybiyihii oo habdhaqankii kufaafey dadkii oo dhan. Waxa isbaddelay dhammaan habdhaqanadii dadkaasi lahaayeen waxaana caddaatey khiyaamada iyo labacanleytoodi.
ka dib markii Musharaxiintii siyaasaddu ay cabbeen biyihii ayaa iyaga oo shicibkii ka dooney cod kula hadleen “ Eyahow eydu dhashay na doorta anagga si aanu u noqono rag loo raxleeyo, cidda na doorta waxa ay leedahay shanshilin,ka na dooran waayana Aabihii nacdal ha ku taallo” raga sidan u hadley waxa ay rabaan cod! Waa rgagii hore looga bartey balanqaadyeda beenta ah. Imaamkii masjidka ayaa isagan markii uu cabey biyihii ee uu kameydhmey labawajiladii khudabadiisa ku qiraya ina uu khashiishad ku sitey cimamdiisa, isla khudbaddana uu shanjeer hore ugu akhriyey.
Markii danbe biyihii waxa ay gaadhen ilaa garsoorayaashii maxakamadda oo gartii si caddaalada ku jirto ugu soo rideen intii ladulmiyey, waxa ayna u soo baxeen waddooyinka iyaga oo ku baaqeya “ ha dhaco labawajilnimadu, khiyaamo jirimayso maanta dabadeed, ha guuleysato habdhaqanka wanaagsani”.
Turjumidda: Umayma Cabdilahi Ciise Good