Dhuxusha Shidisteeda haddii la joojiyo maxay dadku wax ku karsanayaan (WQ: Qareen Khadar Ibraahim Aar)

Waxa aynu in badan ka maqalnaa Warbaahinta kala duwan, iyada oo laga hadlaayo in la joojiyo jarista iyo xaalufinta dhirta, isla markana dhirta laga daayo dhuxusha laga shidanaayo taasi oo markasta lagu macneeyo in dhulka iyo deegaankaba uu nabaad-guur ku imanayo.

Sida runta waxay ila tahay in aanay fiicnayn in dhirtii Illaahay inagu manaystay aynu dabar goyno dhammaantoodna aynu dhuxul ka shidnoa, taasi oo inoo keeni karta in dhulkeenu uu nowqdo mid xaalufa oo dhammaanba ay dhirtii ka dhammaatay.

Balse haddaba wali ma la iswaydiiyay sababta dhirta looga shido dhuxusha, waxa ay ila tahay in su’aashaasi aanu qofka mugdi kaga jirin, in dhuxush laga shidayaa ay tahay mid inaga lafteenu aynu ku noolayn, maanta qoys kasta oo ku nool dhulka Soomaalida waxa uu wax ku karsadaa dhuxul.

Haddii aad qiimayn ku samayso baahida aynu wakhtigan xaadirka u qabno dhuxusha, aniga waxa ay ila tahay waa mid aad u balaadhan, qofkasta oo Soomaali ahi ugu yaraan waxa uu wax cunaa maalintii saddex jeer oo kala ah quraac, qado iyo casho iyada oo ay soo raacdo wakhtiyo kale oo iyagana ay dadku wax karsadaan.

Dhammaan dadkaasi waxa ay ku nool yihiin waxna ku karsadaan waa dhuxusha laga shido dhirta. Waxa intaas dheer Maqaaxiyaha aadka u faraha badan ee iyaguna maalinkasta isticmaala dhuxush, taasi waxa ay ku tusinaysaa in isticmaalka dhuxushu uu yahay halbawlahii nolosheena oo dhan.

Dad badan ayaa waxa ay maalin kasta ka hadlaan joojinta iyo dabar goynta dhirta waxaana laga yabaa in dadkaasi dhammaan marka ay guryahooda dib ugu noqdaan waxa ay wax ku cunaan waxna loogu kariyaa waa dhuxusha.

Ma jiro sida ay aniga ila tahay qof Soomaali ah oo aan maanta dhuxul wax loogu karin, haddii sida ay dadka qaar u fikiraan hal maalin ay joogsato dhuxushu, waxa ay ila tahay in dhulka aynu ku nool nahayba aan la arkeen cid wax karsata.

Anigu ma dhiiri galinayo in dhirteena la xaalufiyo, balse waxa aan ka hadlayaa inta aynu jibbeda iyo lab-lakaca iska dayno aynu xaqiiqda isu sheegno, waa kee maanta qoyska ka maarmay wax ku karsiga dhuxusha, ma jirto lamana helaayo, xataa nimanka waddanka Madaxda ka ah iyaga ayaa ugu dhuxul isticmaal badan oo dharigoodaba aan dabka laga qaadin, haddana waxa ay maalinkasta warbaahinta lasoo taagan yihiin shidista dhuxusha ha la joojiyo.

Haddaba inta aynu maalin walba ku celcelinayno joojinta iyo shidista dhuxusha, waxa ay ila tahay waxba yaan taas wakhti la iskaga lumin, wax suuragalayana maaha, inta ay dadka noloshoodii oo dhammi ku xidhan tahay wax ku karsiga dhuxusha, dadkuna ay helayaan waxkale oo booska dhuxusha ay ku badalaan istaagi mayso shidista dhuxushu maalinkastana waa ay sii kordhaysaa oo waxa ay la jaanqafdaysaa taranka dadka ee badanaya.

In dhuxusha shiditaankeedu uu bato waxa qayb wayn iyana ka ah korodhka dadka oo markasta sii badanaayo, magaalooyinka oo sii waynaanaya, ugu yaraan qofkasta waxa uu maalintii u baahan yahay laba kiilo oo dhuxula oo uu wax ku karsado, yaa u haya waxkale oo uu ku badasho, mise waxa aynu ognahay in aynaan dhuxusha joojin karayn kadibna waxa ay inaga qabsatay dhuxusha ha la joojiyo.

Waxyaabaha hadda lafteeda lagu yarayn karo waxa ka mid ah in la joojiyo oo laga hortago kuwa ka ganacsade ee u iibka geeya waddamada shisheeyo, waxa hubaala in waddanka guddihiisa dhuxusha lagu isticmaalo ay ka badan tahay tan dibedda looga dhoofiyo, Madaxda dalka waxa waajib ku ah inta ay leeyihiin dhuxusha ha la joojiyo, malaha waxa ka haboonayd horta in ay joojiyo dhuxusha dibedda loo iibgaynaayo.

Waxa aan ku talin lahaa inta aynu wakhti iyo dadaal iskaga luminayno joojinta dhuxusha, waxa ila fiican in aynu ka fikirno sidii loo heli lahaa waxkale oo dhuxusha aynu ku badalano, dadkuna wax ku karsadaan, markaasi ayaa dhuxushu ay sideeda u istaagaysaa ama way yaranaysaa isticmaalkeedu.

Dhuxushu waxbadan ayay inoo tartaa, waana aynu ku nool nahay, lacagta yar ee aynu gadbada dhuxula ku kala iibsanaana waddanka ayay gashaa, dhuxushana dhirteena ayaynu ka shidanaa, balse waxa jira qaadka oo aan dhulkeena aan ka bixin, faa’iidana aan inoo lahayn lacagtiisuna dibedda inooga baxdo, waxa fiican in kaas loo fikiro sidii loo joojin lahaa.

Dadku way jeclaan lahaayeen in dhuxushan wax u badala loo keeno, waayo waxa ay ku qabaan dhib aad u badan oo kala ah:-

  • Dhuxushi waxa ay leedahay kaarbon khatar ku ah noolaha.
  • Dhuxusha waxa badan qashinkeeda iyo danbaskeeda.
  • Goobaha aynu wax ku karsanaa waa kuwa ugu nadafad daran.
  • Guryaheena waxay ku sababtaa qashin aad u badan.

Dadka Adduunka ku nooli waxa ay wax ku karsadaan saddexdan oo kala ah:

  • Laydh (koronto)
  • Shoolada gaasta
  • Dhuxul dhagax

Dhuxushan aynu wax ku karsano, inagu waxa aynu maraynaa shaygii Adduunku kasoo bilaabay in uu wax ku karsado, oo ah dhuxusha dhirta.

Guntii iyo gabagabadii, wax’yaaba aan isleeyahay waa lagaga maarmi karaa dhuxusha waxa ugu dhaw inaga oo lasoo baxno dhuxul dhagaxda waddankeena ku jirta, taasi oo haddii loo hagar baxo lasoo saari karo, dadkuna ay kaga raysan lahaayeen dhibaatooyinka badan ee dhuxushu ay leedahay.

Waxaan ku talin lahaa Dawlad iyo shacaba gacmaha inta la is qabsado ha lagu dadaalo sidii dhuxusha wax badala dadka loogu keeni lahaa, hana la iska daayo in maalinkasta aynu wakhtiga iskaga lumino wax aynaan samayn karayn oo nolosheena oo dhammi ku xidhan tahay.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar