Isla markiiba, waxay Jinaw u sheegtay Cige iyo Daahir in ay u yeedhaan wadaadka xerow-ga ah ee malcaamadda dhiga, maasaajidkana tujiya. Oo halkan ay fadhido lagu meheriyo Dhudi, geedkan hoostiisa! Cige oo aad u faraxsan iyo Daahir waxay u yeedheen, wadaadkii xerowga ahaa iyo dhawr oday oo kale. Intii ay odayaasha ku maqnaayeen, Jinaw waxay sii diyaarisay gogol badan iyo laba kildhi oo shaah ah, oo xawaash leh. Durba waxaa soo muuqday, Cige iyo Daahir, toddoba oday, iyo wadaadkii xerowga ahaa, oo wada socda. Salaan dabadeed, gogoshii loo dhigay ayay ku fadhiisteen, kolkaasaa wadaadkii gudo-galay hawshii meherka. Dhudi oo la waydiiyay in ay raalli ku tahay in lagu meheriyo Cige, ayaa ku jawaabtay “Haa”. Sidaas ayay Dhudi ku noqotay marwo xilo u ah Cige. Mar wadaadku waydiiyey, waxa meherkeedu noqonayo, oo ay garan weyday wax ay ku hadasho, ayuu Cige wadaadkii ku yidhi, haddii ay raalli ku tahay anigaa u qabanaya, oo waxaan ku mehersanayaa qiimaha toban qaalmood oo kala soconaya. Dhudi, oo ku faraxday weydiinta meherka ee jawaabteeda uu ka furtay saygeedu ayaa tidhi “Raalli baan ku ahay”. Sidaas ayuu wadaadkii hawshii meherka Cige iyo Dhudi ku geba-gebeeyay.
Cige, casarkaa casar uga farxad badan muu arag, intuu wadaadkii mushqaayad siiyay, odayaashiina duco siiyay, ayuu yidhi u qiimeeya Dhudi meherkeeda si aan deg-deg ugu siiyo. Odayaashan, inta badan nin meher siiyay ooridiisu ma jiro, qaarna lama hadal hayaanba. Laakiin, waa yeeleen codsigii Cige, oo markii ay isla rog-rogeen, qaalin walba waxay ku qiimeeyeen soddon rubbood oo lacagtii Hindiya ah (India Money), wadartoodiina waxay noqotay saddex boqol oo rubbood.
Odayaashii, oo mid iyo toban rubbood uu u siiyay, wadaadkii oo uu soddon siiyay, iyo shaadaligii oo uu toban rubbood ugu talo-galay, ayuu Cige goobtii ku bixiyay. Ducada ayaa markii wadaadkii dhammeeyay, kolba oday gadh-casi uga dambeeyay ka kale, isagoo kiishaddiisana is leh, tolow ma dhinac baad ka dhaafisay tobankii rubbood! Goobtii waxaa lagu kala dareeray iyadoo qof waliba dhankiisa u faraxsan yahay. Haddii, wadaadkii iyo odayaashii qol-qolka dhaafeenna, Jinaw ayaa Cige iyo Daahir si hoose ugu sheegtay in ay halkan ka cashayn doonaan caawa. “May! Casho xeradayadii ayay nooga bisishahay” ayay isku mar Cige iyo Daahir yidhaahdeen. Jinaw, ayaa tidhi “Hadalkaa loo noqon maayo! Halkan ayay cashadiinnu caawa diyaar ka tahay”.
Cige iyo Daahir, waxay ka daba-baxeen odayaashii iyo wadaadkii, oo maqribkii ay kula tukadeen masaajidkii. Haddii salaaddii laga baxayna, wadaadkii xerowga ahaa, mar kale ayuu jamacii uga duceeyay, in reerkaa maanta la dhisay uu noqdo reer lagu badhaadho. Muddo nusa-saac ku dhow ayaa ducada iyo aammiintu is-daba-hayeen. Wiil iyo caano!
Jinaw iyo Dhudi, markiiba waxay bilaabeen in ay sameeyaan sabaayad, Jinaw ayaa aad u taqaanna sida loo sameeyo sabaayadda, Dhudina way caawinaysaa, waana cashar cusub oo si dad-ban ay u baranayso. Maqribkii goortii ay tukadeen, ayay markiiba dhammeeyeen cashadii, kolkaasay shaah xawaash badan leh karisay, oo ka buuxisay darmuusteeda iglamida (England) ah, ee xaajigeeda mooyaane, aanay cid kaleba wax ugu shibin. Jinaw, intaa kuma joogine, gurigeedii ila-xidhka dugsoonaa, ayay gogoshay oo ka dhigtay sidii aroos oo kale.
Salaaddii cishe haddii laga soo baxayna, waxaa yimi Cige iyo Daahir, oo loo diyaar yahay. Qol-qolka haddii ay soo dhaafeen, oo reerkii salaameen, ayuu Daahir markiiba nabad-gelyeeyay Cige iyo reerkii uu u yimiba. Jinaw, Iyana waxba kama dambeyn Daahir, intay Dhudi ku tidhi faynuuska shita, ood-rogadana adkaysta, ayay u wareegtay xaajiyad laba carruur ah haysata, oo iyadana odaygeedii uu ku maqan yahay, halka odaygii Jinaw ku maqan yahay –waa Ardal-sawaaxil, oo ay u sheegtay in caawa ay reer dhistay, isla mar ahaantaana, ay caawa halkan u hoyanayso, islaantiina si fiican ayay uga ajiibtay oo u soo dhowaysay.
Dhudi markii ay aragtay in loo kala tegay iyada iyo Cige, ayay bilawday in ay gudato waajibkeeda laga sugayo ee haweennimo. Intay faynuuskii haaf-tiriigga ahaa, oo galabta ay Jinaw safaysay shidday, ayay Cige fadhiisisay, kolkaasay ood-rogadii qol-qolka soo adkaysay. Kolkay soo noqotayna, cashadii inta ay u keentay, ayay Iyana soo ag-fadhiisatay. Cige waa nin fur-furan, oo kaftan badan, sidii uu ugu sheekaynayey, marna inaadeer iyo hadal macaan ugu lahaa, ayuu kaga bi’iyay qajilaaddii, oo tusay in uu in badan dusha ka jeclaa, iminkana uu ku faraxsan yahay in ay noqoto ooridiisa xalaasha ah. Markii ay si fiican u casheeyeen, ayay Dhudi inta ay weelkii kala hagaajisay, oo gogoshii dib u hurguftay, ayay kebeddii daaha ahayd, soo daysay, oo si fiican u adkaysay kadinkii aqalka. Habeenkaasi, wuxuu u ahaa farxad iyo ray-rayn, dhammaan dadkii isugu yimi meherka Dhudi iyo Cige. Farxadda ugu badanina, waa ta ay la kulmeen Cige iyo Dhudi.
La Soco
W.Q: Maxamuud Axmed Oday
moxamud_oday@yahoo.co.uk
Burco, Somaliland