18-ka bisha May iyo fasiraadaha ka dhalan ka kara (WQ: Maxamed Cumar Jibriil “MOJ”)

Qoraalka bisha shanaad haddii Soomaali lagu fasiro waa ficil amar oo diidmo muujiya May ama Maya

Tusaale: May=Maya ama diidnay ma doonayo  iyo wixii la mid ah

Tirada sideed iyo toban 18-ka, oo la kala qaadayna waa sidan:

Xaraf xisaabeedka Kow 1=  wuxu tilmaamaa  midnimo kali ama shay  aan la wehelin laakiin xarafka May hadii lagu daro wuxu noqonayaa diidmo midnimo tiro kow ka badan ama ka yar  0 ama 2

Tusaale : hadii  kow 1 lagu daro ficilka May ama Maya wuxuu noqon karaa midnimo ma rabo

xarafka sideed 8 wuxu ka joogaa sideedii gobol 1960-kii ay ka dhalatay Jamhuuriyadii Soomaaliyeed

18= sideed iyo tobankii gobol ee 1991-kii dawladdu ku burburtay

Bulshada somaliland waxay ku hadaaqasay 25-kii sanno ee la soo dhaafay erayaddan:

  1. May (Maya midnimo “No unity”)
  2. May (Maya 8-deedii gobol ee 1960-kii midoobay “No eight regions in 1960”)
  3. May (Maya) 18-kii gobol ee jiray 1991-kii  “No eighteen regions in 1991”)
  4. May Muqdisho oo dib loola midoobo Maya
  5. May mar klae oo ay Soomaaliyai calan wadaagto May
  6. May mar kale oo la khiyaamo May
  7. May mar kale oo lana xasuuqo May
  8. May mar kale oo lana muquuniyo May
  9. May mooryaan maamulka noo qabata May
  10. May xidig cad oo calanka lagu dhex qoro May
  11. May ……….. May ……… May ………… May ……. May …… May

Akhriste adiga oo aad ugu fiirsanaya qoraalka kor ku xusan ficilka diidmada sheega ee Afka Soomaaliga iyo bisha May xidhiidhka ka dhexeeyaa ma yahay mid lagu guulaystay oo midho dhalay mise laab la kac aan meeshii  lagu waday gaadhin oo aan u muuqan mid guulaystay.

Bisha May ma tahay mid qalanta buunbuunada ay ku sameeyeen bulshada ku dhaqan Jamhuuriyada Somaliland mise waa maalin la siiyay meeqaam ka awood badan oo aanay u qalmin.

Su’aal

Dawladda Somaliland shacabka 25-ka sanno ficilka diidmada midnimadda ah ee May la soo taagnaa ma u haysaa wax lagaga maarmo midnimo mise sida muddooyinka danbe dhacda maalinba mid ka mid ah xukuumadda talada haysa iyo siyaasiyiinta qaybo ka mid ah ayaa ku shaqo tagi shaadhka midnimadda iyaga oo maalina Hargeysa May la soo taagan oo ku dhagan gooni goosi marna Muqdisho ka degaya iyaga oo ku dhawaaqaya Soomaali ha is raacdo iyo ma kala maaranto.

Su’aal

Dawladda Soomaaliya  ma haysaa qorshe bulshada 25-ka sanno gooni goosi ku dhawaaqaysay ay ku garowsato oo ay ku ogolaato rabitaanka ay wadato iyada oo aan dhag u dhigayn siyaasi calooshii la ciyaar ah oo aan si dhab ah u matali karin bulshada uu magaceeda sito isla markaana aan la cadayn karin damaca runta ah ee uu xambaarsanyahay ma marka uu Hargeysa joogo ee uu May midnimo leeyahay ayuu run sheegayaa mise marka uu Muqdisho yimaad ee uu Haa midnimo leeyahay…………..

 

Maxamed Cumar Jibril “Moj”

Mx7lee@gmail.com