Akhristayaal dhammaantiin aad ayaan idiin Salaamayaa, waxaanan idin leeyahay Salaamu Calaykum, intiinii sheekada qaybtii sideedaad la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo Ninkii dhalinyarada ahaa, xaaskisii iyo inankii yaraa ee uu dhalay dhammaatood ay doon ka raaceen waddanka Liibiya iyaga oo u tahriibay waddanka Talyaaniga.
Asxaabey aniga oo ah qoraaga sheekadan idiin soo gudbinaya, ayaa waxa aan waydiiyay saaxiibkayga ay qisadani ku dhacday, waxa aad iga warantaa tahriibkaagii hore waxa aan dareemaya in uu ahaa mid ay dhib badani ay kaasoo gaadhay, inkastoo aad ahayd kaligaa dhulkana aad maraysay, balse markan danbe waxa kula socday xaaskaagii iyo ilmo yar oo aad dhashay, walibana waxa aad ku safraysay waxa uu ahaa bad, maxay ayaad dareemaysay markaasi?
waxa uu iigu jawaaabay:
Runtii tahriibkaygii hore ee dhulka iyo kan aan badda kusoo galay waa uu kala duwanaa, waayo markan danbe waxaa ila socotay xaaskaygii aan aadka u jeclaa, waxaa kale oo na wehelinayay curadkayagii aanu dhalnay, waxa kale oo aanu ku safraynay waxa uu ahaa bad, taasi oo xataa haddii dhibaato idinku dhacdo aydaan helayn cid idiin gurmata Illaahay mooyaane.
Isaga oo sheekada halkii inoga sii wadana waa kan:-
Saaxibayaal waxa aanu Liibiya ka baxnay wakhti habeenimo ah waxa aanu afka saaray badwaynta, waxaanu dhex mushaaxnay biyo iyo mawjado aan kala go’lahayn, waxaaanu galnay jawi aad u cabsi badan, waxaa isula kaaya eekaaday oo aanu kala garan waynay baddii iyo cirkii.
Doonida aanu saaran nahay sida aanu mar danbe ku war helay waa dooni muddo aad u badan cidla iska taalay, waa dooni aanu socodkeedu aad u fiicnayn, waa dooni yar oo aan loogu talo-galin marka horaba in ay dad qaado, inkasta oo aany ku saaran nahay dad gaadhaya inta u dhaxeeya 100 ilaa 80.
Dhammaantayo waxa aanu fadhinaa sidaan horeba idinku soo sheegay khanka hoose ee doonta, marba marka ka danbaysa waxa nagu sii siyaadaysa cabsida naga haysa socodka doonta oo aad u liita, waxa lasoo gaadhay shantii aroornimo waxa aanu aniga iyo xaaskaygii u kacnay in aanu tukano Salaadi subax.
Markii waagii si fiican u baryay ayaan anigu waxa aan usoo baxay dusha sare ee doonta, si aan u indha-indheeyo meesha aanu marayno iyo sida uu xaalku yahay, cabaar markii aan korka iska joogay, ayaa xaaskaygii waxa ay korka iigu keentay inankii yara ee aanu dhalnay, waxaanay igu tidhi walaal macaane waan yar seexanayaaye Ilmaha yar halkan korka ku yar hay, markaan soo tooso ayaan kaa qaadi doonaaye.
Aniga iyo inankaygii yaraa ayaa korka ku sugan wax dhibata ah oo na haystana ma jirto aan ahayn in aanu cabsi wayn ka qabno socodka doonta oo ah mid aad u gaabis ah, mararka qaarna ciladoobaya.
Aniga oo korkii Doonta saaran ayaa hal mar waxa aan dareemay in doontu ay dhinac u ciirtay, kadibna waxa si lama filaana qaylo uga yeedhay dadkii ku jiray khankii hoose ee doonta ee ay xaaskaygu ka mid ahayd.
Waxa aan si dhakhsa ah Inankaygii yaraa dhabta ugu saaray nin i agfadhiyay waxaan ku cararay bal in aan ka war doono khankii hoose ee ay xaaskaygu ku jirtay, waxaa sida mawjada iga horyimi dadkii khanka hoose ku jiray oo qaylo iyo isriix riix ku jira, waxa aan damcay in aan waydaarto oo khanka hoose u dhaadhaco, waxa iga horyimi markiiba mawjado biyo ah oo khankii hoosaba buux dhaafiyey.
Waa ay igu adkaatay in aan halkaasi dhaafo, maadaama ay doontiiba halis u tahay in ay dhinaca dhigto, haddana waxa aan usoo orday dhinacii Inankaygii yaraa, waxa aan arkay Inankaygii yaraa oo ninkii aan u dhiibay uu cidla ku tuuray, kadibna waan soo qaaday isaga oo ooyaya, waxa ay doontii bilawday in ay dhinaca u ciirto.
Waxa i qabsaday xaalad aad u xun, markan waan ka quustay raadinta xaaskaygii, waxa ay xaaladu maraysaa sidii aanu u badbaadi lahayn aniga iyo Inanka yar ee aan dhalay, waxa aan doonta dhinaceeda kasoo furfurtay taayir gaadhi oo ku xidhnaa, markii aan arkay in doontii ay u dhammaatay dadkiina intii dabaasha taqaanay markiiba ay badda isku tuureen ayaan inankaygii yaraa inta aan xagasha gashaday waxa aan la dabashay badwaynta aniga oo taayirkii dacalka haysta.
Waxa aanu dul sabaynaynaa aniga iyo Inankii yaraa badda dusheeda waxa dhammaan hareeraha iiga muuqda dad badan oo baaxaa-dagaya, qaar ka mida waxa ay ku qaylinayaan oo ay leeyihiin:
“I badbaadiya.”
Qofkasta oo i yidhaa i badnbaadi waxa aan ka fogadaa labaatan talaabo waayo, ma badbaadin karo oo xaaladaydii iyo tii Ilmahayga yar ayaa halis ku jirtay.
Sidaan u arkaayey ayay doontii ay badda quustay, dad aan ka badnayn toban qof ayaa iiga muuqda badda dusheeda oo dabaalanaya, balse dhammaan dadkii kale oo dhami waa ay wada geeriyoodeen, shaki igagama jiro in xaaskaygii ay ka mid tahay dadka dhintay, ee waliba ku qaraqmay doonta gudaheeda.
Anigu waxa aan dacalka haystaa taayirkii aan doonta kasoo furtay waxa aan dusha ka saaray oo ku fadhiisiyay inankaygii yaraa, waa uu ooyayaa waxaanu ku sugan yahay xaalad aad u daran, waxa aan samayn karaa ma jirto aan ahayn in aan ka ilaaliyo in uu Biyaha badda ku dhaco.
Goobtan ay doontu nagula gadoontay ma garan karno meel ay tahay, dhankasta oo aad eegto waxa kaaga muuqanaysa baddii, waxa aanu ku jiraa xaalad aad u xun, waxa aanu badda guddaheeda dul heehaabaynaa saacado aad u badan, waxa ay doontu nala gadoontay waabarigii haddana saacadu waxa ay maraysaa casar gaaban.
Waxa aan cabsi wayn ka qabaa in haddii saacado kale aanu sidan badda kusii ahaano anay dhici karayn in aniga iyo Inankayga yariba in aanu sii noolaano.
Saaxiibayaal annaga oo sidii badda u dul heehaabayna ayaa waxa meel iga durugsan iiga muuqday, qof ila eekaaday xaaskaygii, balse madaxa biyaha kula jira, waxa aan u fiirsaday dharkii ay xidhnayd, kadibna tayirkii ayaan kusoo dabaashay aniga oo Inankaygii yaraana gacan ku haya.
Waxa aan kor imi qofkii, intii anan anigu garan ayaa waxa markiiba qayliyay Inankaygii yaraa oo gartay in ay hooyadii tahay, waxa uu damcay in uu iska kay tuuro una tago hooyadii, waxa aan soo qabtay qofkii badda dul sabaynayay garabka aniga oo doonaya in aan ogaado qofka uu yahay.
Markii aan dhinaca u rogay waxa aan arkay in ay tahay Xaaskaygii aan jeclaa, Ilmahaygan aan sidana hooyadii ahayd, balse mayd ah oo dhimatay.
Aniga oo ah qoraaga sheekadan waxa aan idiin sheegayaa Saaxiibkeen markii uu sheekada halkaa marinayey ayaa waxa ay noqotay in aanu sii wadi karin waxa uu galay xaalad aad u adag oo aniga laftayda igu noqotay argagax.
Wakhti yar ka bacdi waxa aan waydiiyay ma iiga sheekayn kartaa dareen kaga, markii aad aragtay xaaskaagii oo mayd ah isla markaana badda dul sabaynaysa, adiga iyo Ilmahaagii yaraana aad badwayn ku dhex jirtaan idinka oo dacalka haysta taayir yar, oo ay dhiciba karto mararka qaar in uu idinka fakado, bal ii sheeg xaalada aad marka dareentay.
Waxa uu iiga bilaabay sheekada:-
Waa wax lala yaabo ah in Xaaskayga markii aan dul tagay maydkeeda intii aanan garan waxa iga hor gartay Inankayga yar ee aan dhalay, waxa aan ogaaday carruurtu in ay ka garasho badan tahay dadka waaweyn xaaladaha qaar khaasatan hooyada iyo sida ay u gartaan. Taas waxaaba kasii daran markii inankii yaraa ka jeedsan waayey maydka hooyadii, isaga oo Ilmo iyo oohinba dhammaystay ayaa waxa uu ku eegayaa daymo naxariisle.
Bal qofkastaw waxa aad sawirataa adiga oo badwayn ay dooni kugula dagtay, dhammaan dadkii wada dhinteen, Maydkii Xaaskaagu uu agtaada yaalo oo biyaha baddu ay marba kugusoo dhirbaaxayaan, adiga iyo Inan yar oo aad dhashayna aad dacalka ka laaladaan taayir yar oo ay dhici karto in uu idinka fakado.
Iyada oo arrimuhu ay hallkaasi marayaan ayaan waxa aan afka ka dhigi waayay baryada Illaahay, waxa aan ku celcelinayay anigoo waliba Ilmaynaya oo qaylinaya:
“Illaahow na badbaadi, Illaahow na badbaadi.”
Daqiiqado yar ka bacdi ayaa waxa si lama filaana noo kor timi diyaarad Helikobtara kadibna inta ay sawiro naga qaatatay ayay naga tagtay, isla wakhtigii waxa meel aan nagaba dheerayn nooga soo muuqday Markab wayb oo Talyaaniga laga leeyahay, kaasi oo na badbaadiyay.
Waxa aanu nolol ku fuulay Markabkii aniga iyo wiilkaygii yaraa oo xaalad khatara ku jira, waxa kale oo na weheliyay oo dadkii doontana ka mid ahaa afar nin oo kale, markii ay na daad-gureeyeen ayaa waxa ay markiiba iga qaadeen Ilmihii yaraa iyaga oo baadhis caafimaad ula dhaqaaqay.
Akhristaw markii markabkii nala dhaqaaqay ayaa waxa aan soo milic saday indhahayguna ay marqudha ka jeedsan wayeen maydkii Xaaskayga oo mawjadaha baddu ay hadba dhinac u tuurayaan. ilmadu waxa ay qooysay dhabanadayda, murugadu way igu laban laaban-tay. Waxa marba ii muuqanaya maryaheedii ay sidatay ee aan ku aqaanay oo biyaha badda iiga dhex muuqda.
Waxa aniga oo arkaya aan badwayn kaga dhaqaaqay qofkaan adduunka u jeclaa, habarwadaagtay, walaashaydii nolosha aan lasoo qaybsaday, wehelkaygii qaaliga ahaa, gabadhii i bartay milgaha iyo sharafta jacaylka, sidaan u eegaayay ee aanay markaliya iga libdhin ayaa mawjadaha baddu iga qariyeen maydkeedii, kadibna aniga oo aan is ogayn ayaan markabka guddahiisa ku dhacay kuna miyir doorsoomay.
Dadka badankoodu waxa ay u haystaan hadiiba badda adigoo ku jira uu idin badbaadiyo markab laga leeyahay Dawladdaha Yurub in diifta iyo darxumadu ay halkaasi kaga hadhayso, balse akhriste layaab wuu danbeeyaa,
la soco qaybta 10aad.
Qofkasta oo sheekadan qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconayaa barahayga hoos ku qoran:-
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar