Diin-laawaha gaalku dhaay, doofarada aan gudnayn maxay dulmi faafiyeen (WQ: Cabdi Caawiye)

Waxaan daah iyo daboolba saarnayn in waddankeenan ay kusoo badanayaan dad cadaana ama ajaaniba oo bilaa diin ah, dhaqan xumana inoola yimid. Sheekh Aadan-Siiro ayaa soo hadal qaaday nin gaal ah oo magaalada Hargeysa joogay oo hablaheena maalinba mid loo geeyaa dad badan ayaa ka hadlay arrinkaa oo u sheegay dad masuula laakiin cid wax ka qabata waayey.

Waa ayaan darro inteeda le’eeg in dadkeenii oo arkaaya hablahoodii oo la fasahaadinaayo daawanaaya, Allah Akbar waxa lagu ducaystaa Illaahayow na dil oo hana doorin.

Rasuulka ayaa wuxuu yidhi ma taqaanaan Dayuuska?

Waxay yidhaahdeen maya Rasuulkii Illaahayow ma naqaano ee noo sheeg.

Rasuulku wuxuu yidhi:

“Dayuusku waa qofka dadkiisa ama ehelkiisa xumaanta u ogolaada ee aan ka qaban.”

Maanta waxa Hargeysa jooga nin ka mida ragga ragga qaba adduunka ugu waa weyn macnaha  (Ragga ragga guursada).

Magaciisu waa Anderson Cooper waliba waa kuwa u ololeeya in la badiyo raga-raga u taga, waxaan la sii yaabay isagoo tagay iskuul ka mida iskuulada caddaanka ku xidhan oo sawiraan la soo dhigay baraha Facebook-ga isagoo hablo yar yar oo xijaaban sawiraan  kula jira.

Miyeynaan dhiig lahayn miyeynaan dhiidhiyeyn miyaanaynaan ahayn dad ay damqayso diintu, Waxaan is odhan jirey Sheeekh Aadan Sunne gardaruu u dhaleeceeya laakiin walaahi Sheekh Aadan wuxuu arkaayey wax aan idhaha laga qabsan karin.

Dawladeenuna waxay eegtaa kola ninka saanta cad. Waxaynu nahay waddankii ugu horeeyey ee Islaam ah ee uu cago dhigto wuxuuna ka faa’iidaynayaa xirfadiisa saxafinimo ee uu ka sito telefeshanka Maraykanka kuwa caansan ku jira.

Abwaan Hadraawi ayaa isagoo inoo sheegaya waxay damacsan yihiin saan-cadaalayaashu wuxuu yidhi:

Carwada dibjirkay dhalaan

Hadday kugu soo durkaan

Ducaa laga hoos galaa

Maxay damal weyn shiteen

Maxay qudhac deebiyeen

Waay dab sudheen dhirtii

Dhulkay midab dooriyeen

Bal eeg degelkii hufnaa

Bir iyo waxa daasad yaal

Bal eega dalkii xalaa

waxay lafo daadiyeen

 

Shil baa dunidii ka dhacay

Daacuun halisaa ku fiday

Duufaan simay baa la tegay

Doofaarrada aan gudnayn

Diin-laawaha gaalku dhalay

Maxay dulin faafiyeen

Maxay samo duudsiyeen

Maxay godob daaqsadeen

Maxay denbi xoogsadeen

Maxay dabar soo xardheen

 

Maxay dabin soo shaqleen

Danbeed maran soo asleen

Waxay dumiyeen aqoon

Ilaa dura soo taxnayd

Waxay damiyeen ilays

U daaran qof meel lahaa

Waxay kala daadiyeen

Daryeel isu dheelli tiran

Naf daahira bay legdeen

Docdeeda xun dhiiriyeen

 

Dan bay canlabeebiyeen

Dawgeedu xidhiidhsanaa

Waxay iga soo duween

Jidkaan isku daawan jiray

Waxay dibad yaaliyeen

Nin tiisa u door ahaa

In loo dawaray rabeen

Da’diisa nimaan baryeen

Waxay ka dhigeen dadkii

Af iyo labadiisa daan

 

Duugii ubadkay cuneen

Wixii jiray bay dubteen

Dusuud madhan bay dhigeen

Halkii beri doobi yiil

Waxay danbas tuumiyeen

Rugtii digo loo yiqiin

Duxdii noloshay tireen

Waxay debciyeen naftii

Waxay dacwadheen hankii

Waxay isku soo dareen

 

Dadkii kala caagganaa

Intii gabadh diib lahayd

Daf iyo kaman baa la tegay

Dhulkii darrimaha lahaa

Deegaantiyo baadku yiil

Dabaylo cas baa ka kacay

Dorraatiyo guulihii

Dallaallimadii dhisnayd

Wixii dalag meersanaa

Daaduun qaxay baa ka dhacay

Qalinkii Cabdi Cawiye