Madax dhaqameedka koonfurta Hargeysa oo taageer heshiiska xukuumaddu la gashay Dubia world

Madax Dhaqameedka ka soo Jeeda beelaha Dega Koonfurta, Bariga Iyo Badhtamaha Hargaysaayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargaysa, ayaa waxay taageero u muujiyeen xukuumadda Siilaanyo gaar ahaan heshiiskii ay la gashay DP Word ay ku maalgelinayso dekedda Berbera.

Madax Dhaqameedkan oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, Garaad Mustafe Maxamed Cumar, Caaqil Xasan Badmaax, Caaqil Faysal Axmed Guun, Caaqil Rashiid Faajeer, Oday Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil  Laangadhe, Oday Aabi Xujaale, Suldaan Cawil Fiiqle iyo madax dhaqameed kale.

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar oo faahfaahiyay ujeeddada ay shirkan jaraa’id u qabteen, waxaanu yidhi:

“Shirkan jaraa’id ayaa waxaa aanu u qabannay in aanu ku taageerno  Heshiiskii ay dawladda Somaliland la gashay imaaraadka Carabta ee ahayd in dekedda dib u habayn lagu sameeyo la dhiso la hagaajiyo, waxaanu u taageeraynaa, waxaa weeye dekeduhu way tartamayaan, jabuuti waynu ognahoo Dekedeenan mid laba laabkeed ah ayaaa laga dhisay, xamar-na Turki ayaa la wareegay, Dekeddeenu haddaanay Dekedaha Geeska Africa ku yaalla aanay la jaan qaadin de ma shaqeenayso.”

Caaqilka oo si watta hadalkiisa ayaa sheegay in aanay habooneen in reeraha qaar ay ka hor yimaadaan horumarinta Dekedda waxaana hadalkiisa ka mid ahaaa:

“ Cid gaar ahi in ay tidhaahdo heshiiska waanu diidannahay iyo in reer ka hadlaa laga qurux badan, horta cid wax diida oo Madaarada diida annaga ugu horeenne Reerkayga Halkan fadhiya, de wixii ka dhacayna waa la ogaa, maanta Madaarkii Hargaysa waa Madaar caalami ah, annagu ma xukunno, kama hadalno, immika haddi la wareejiyo annagu raali ayaanu ka nahay, waxaanu aminsanahay in Dekedduna la mid tahay, Reerka aanu walaalaha nahay waxaanu leenahay haddi Madaarrada iyo Dekedaha la kala yeesho de Dawlad noqon mayno.”

Waxaa isna Halkaasi ka hadlay Garaad Mustafe Maxamed Cumar waxaanu sheegay in ay madaxweynaha ku taageersan yihiin heshiiskaasi, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:

“Madaxweynah aynu doorannay hadi aanu heshiisba gali Karin de in aynu nidhaahno waa Madaxweyne waa laga wanaagsanyahay.”

Waxaa Iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil Rashiid Faajeer iyo Caaqil Faysal Axmed Guun waxaanay si isku mid ah u taageereen heshiiska Xukuumadda ay la gashay Shirkadda DP World ee lagu horumarinayo Dekedda Berbera.

Oday Cabdi Laandhgadhe iyo Caaqil Xasan Badmaax oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay taageersanyihiin heshiiskaasi, maadaama uu yahay ba yidhaahdeen Heshiis horumar horseedaya.

Suldaan Cawil Fiiqle oo ugu danbeentii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumadda ka filayeen mashaariic horumarineed, immikana ay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba ay ku taageersan yihiin heshiiskaasi lagu horumarinayo Dekedda Berbera.

bandhige@gmail.com