Dowladda Hoose waan dhaliilayaa laakiin fowdo ma ogoli (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Kalmadda dowlad hoose ama Municipality asalkeeda hore waxa laga soo dheegay kalmad faransiis an Municipalite’ ama eray latin ah Municipalis macneheedu waxa weeyaan (Duty holders) adeeg bixiyayaal waxay adeegga ku bixinayaan cashuurta dadka laga qaado iyo ay ka helaan dowladda dhexe ee qaran ahaan loo garto.

Howlaha ugu waaweyn waxa ka mid ah ee waajib loogu leeyahay inay kor u qaadan bilicda magaalada.nadaafadda waddooyinka meelaha dadku maro moolalka ay wasakhdu raacdo.

Waxba ku dheeraan mayno ee waxan filayaa Caasimadda hargeisa oo meel kasta oo aad eegtoba Fooqyo tiro badan ka muuqdaan oo casri ah qiyaastii maalin kasta 10 fooq ayaa la bilaabaa dhismohooda ayaad Is odhanaysaa hase magaalada oo sii fidaysa isuna Bedelaysa (Metro-politan) oo tuulooyinkii u dhowaa ku soo darsamayaan halkaasna howshii ay sii badanayso uun waxa xusid mudan  wadooyinku way tiro yar yihiin waana cidhiidhi gaadiidkii ayaa sii kordhaya gaadhi kastoo yimaadda howl ayuu soo kordhinayaa  waxanad ku arkaysaa hogag ka dhex qodan siigada ka kacaysaa xad ma laha.habeenada roobku da”o maalmaha ka danbaysa ayaabay siigadu ugu daran tahay oo daadka ayaa ciid badan wadooyinka soo dhiga ka dibna habeenka xigtaba waxad arkaysaa Siigada oo boodhka ka kacaya markay baabuurtu xawaare kugu ag maraan xashiishku waa la mid waxyaabahas waa waxyaabaha hoos u dhigaya Nolosha dadka ama Demography(live expectancy)  waayo waxa hoos u dhacaya caafimaadkii iyo saxadii waxana lagu qiyaasaa Cimriga dadka reer Somaliland Cel celis ahaan (47).

Sidaas oo ay tahay Dowladda hoose maaha mayorka oo  keliya haba ugu waynaadee  ee gole deegaan ayaa jira waxa jira Xoghayaha fulinta dhaq-dhaqaaq ay kaga gilgilanayaan ma aragno talo qaran in laga galo ma soo jeedinayaan Madaxweynaha cabasho ma hor dhigayaan oo anaga itaalkayagii waa kaas ma odhanayan.

Dadweynaha reer hargeisa waa dad gob ah oo samir badan iyagoo ilaashanaya waddankooda ayay waxyaabo badan indhaha ka qarsanayaan dabcan waana dow in duruufo jira iyo waxyaabo badan la tix geliyo hase ahaatee waligeed inay socoto maaha ee waa in laga koraa oo la qaan gaadhaa.

Qofka muwaadinka ahi marka uu arko inuu jiro isla xisaabtan (accountability) marka uu dareemo in dowladdu danaynayso noloshiisa ee la leeyahay wllo maxaa idinka xun intaas waanu idiin qabannay inta kalena waanu soo wadnaa ee noo dulqaatta wuxuu helayaa kalsooni.

Ugu danbayn waxa fiican in la arko daah furnaan(transparency) waa in laga yeesho talo qaran cidii dhaliisha leh waa in  madaxa loo saaraa taarikkh madowna ay ku gashaa kalsooni iyo aaminaad ayuu helayaa muwaadinku marka uu arko in sharciga loo simanyahay oo wax kastaa toos u socdaan.

Dowladda dhexe waa inay wax dhaqaajisaa,sidoo kale ganacsatadu waa inay kacaan waa in loo midoobaa sidii noloshan adag ee caasimaddu ku jirto looga bixi lahaa waana in la qaataa Siyaasadda ah (Participatory system) waa in talo la waydiiyaa dadka oo la yidhaa waa wixiinii ee maxaynu yeellaa.

Waa in loo qiraa muwadinka cashuurta laga qaaday haa wllo cashuur waanu kaa qaadnay ee waxaas iyo waxaas oo aanan ku talo gelin ayaa naga hor yimi ee imikana nagala qayb qaado xoog iyo xoolo waana inay noqotaa wax lagu qanci karo.

Midna lama ogolaan karo oo inooma fiicna Xaafad heblaayo mayor ayay magacawday waxaas waynu ka kornay 27 sanadood ayaynu dowlad nahay waxa fiican inaynu ka fikirno maxay Somaliland Gobolka ku soo kordhin kartaa waxana fiican in aad hoos u eegto dadyowga geeska afrika Somali.Yemen.Ethiopian iyo umad badan ayaa magangelyo ugu soo yaacay Somaliland waa in muwaadinku ku xisaabtama xageed shalay ka soo dhaqaaqday halkeed maanta Socotaa maxaa kuu hadhsan geeddi socodkaagii waxa la cabbiraa waxa loo yaqaan (Limestone) macnaha hadaad ka tagtay Hargeisa oo aad Berbera ku sii socoto markaad dacar-budhuq socoto waa limestone badhna waad gudubtay badhna waa kuu hadhsanyahay maaha inaad gadaal uga noqoto.

 

Wabilaahi towfiiq

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com