Waa suaal lays waydiiyo, waxaad arkaysaa iyaga oo shaqooyinkii raga ku cidhiidhiyay meelwalba. Anaga oo wakaalada biyah joogna ayay Islaani tidhi Allayleh bagaa raggii haamaanada ahaa laga takhulusay, waxay hadalkaa u tidhi shaqaalaha lacagta qabanya oo dhan ayaa dumar ah. Anoo meesha jooga ayaa u jawaabay oo ku idhi oo maydinkaa dhaama idinkuba waxa idinsoo gala waad isku qurxisaan uun eh.
Jariirad aan bari hore akhriyay ayaa dumarka shaqaysata la baadhay bal lacagta sida ay u kharash gareeyaan waxaa la ogaaday uun in ay inta badan u isticmaalaan sidii aya iskugu qurxin lahaayeen, dumarkeenuna kuwaa aduunka ayuun bay la mid yihiin hadii aanay kaba sii kharash badnayn.
Soo bixida ay soo bexeena dumurkuna fasaadkii uun bay sii kordhiyeen. Oday odayaashii hore ka mid ahaa ee balwadu jiidatay ayaa lagu yidhi isaga oo dibada jooga waar hebel xaafadii magac xumayd waa la baabiiyay, odaygii ayaa wadankii yimid wuxuu arkay waxan isdaba fadhiya wuxuu yidhi waar maxaad ii tidhaahdeen waa la baabiiyay maad I tidhaahdaan suuqa ayaa lagu firdhiyay intan uun baanu samayn jirna eh.
Bal ka warama haddii ay talo inoo qaban lahaayeena, waa taa waddanka Bangaladhash oo ay gabadh u taliso caalamkii islaamku yaaban yahay ee kolba nin caalim ah oo da ah ay ku daldalayaan, oo ay afkaarta uun ku kala tageen. Bal ka warama hadii furriinkana loo dhiibilahaa, dee guriba muu taagnaadeen.
Diinteenuna waxay inagu boorinaysaa in dumarku guryaha ku nagaadaan. Nin macalin ah oo jaamacadah wax ka dhiga ayaa laga hayaa sidee loogu celin inantaa yar ee illaa yaraantii lagu barbariya in guriga laga soo saaro.
Mashaakilka ina haystaa waa badan yihiin dumarkaa dibada usoo dareerayna waa qayb ka mid ah mashaakilkeena.
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:
Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay
Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?
Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan
Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega
Dajjaal iyo labadiisii salladood
11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd
Luqadee ayaa wax lagu baranayaa
Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn
Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday
Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega
Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?
Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?
Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa
Maxaad ka taqaanaa dadka waala?
Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?
Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?
Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com