Daacad waa nin da’a ahaan jiray 46 sanno, wuxuu ka mid yahay dadka firfircoon, ee u dhuun daloolo arimaha siyaasada, had iyo goor wuxuu tagaa madaxtooyada oo uu ku xidhan yahay asxaab badana ku leeyahay, waan nin muxaafida oo taageera xisbul xaakimka ma jecla mucaaradada iyo in cida xukunka haysta laga soo horjeesto , aad iyo aad baanu u jecel yahay in uu mar uun xil qabto, Daacad wuxuu sidaa ahaado oo uu ku riyoodo siyaaasada una difaaco xukuumada ama qoraalo hasoo qoro ama warbaahinta la iska arko ha ka hadlee , waxaa habeen habeenada ka mid ah la soo hadlay wasiir ka tirsan xukumada oo ay saaxiib dhow ahaayeen, wuxuu ugu bushaareeyey in uu ku jiro liiska isku shaandhaynta iyo magacaabista cusub ee soo baxaya aroorta markuu waagu beryo masuul sarena laga dhigay.,
Aad iyo aad ayuu farxay, isagoo dhawr jeer ku cel celiyey ma iga hubtaa ma iga hubtaa wasiir
Wasiirkiina wuxuu ugu jawaabay , haa waan kaa hubaan ,waanan arkay magacaacaago saddexan oo ku jira liiska, saacadaa laga bilaabo waxaad tahay wasiir buuxa ee taas niyada u sheeg, oo aroorta warbaahinta kala soco haddii eebbe idmo afkeenuna waa isku amaan macnaha cid kale haw sheegin.
Qayladii ka dhacaysay awgeed, ileen goor dambe oo habeenimo la hurdo ayey ahayde, waxaa soo kaakacay xaaskiisii iyo carruurtii oo yaabay mar qudha ayey waydiiyeen waxaa ku dhacay ee uu la qaylinayey, waxaanu u sheegay oo ugu bushaareeyey in xil loo magaacaby oo laga dhigay wasiir , intay aad uu farxeen qoyskiisa ayey Xaaskiisana ku tidhi:
“Maansha allah in badan baad daba socotay dawlada hamblayo xaaji ilaahay hakugu asturo xilkaa culus ee laguu dhiibay.”
Daacad habeenkii oo dhan ma seexeen oo farxad ayuu iska la garan la’aa , ileen waa wuxuu ku riyoon jiraye ,
Subaxdii markii idaacadii BBCdu soo gashay ayuu shitay rikoodhiisi yaraa si uu u dhegaysto, qodobadii warka ayaa lagu soo digreetada cusub ee xalay saacadihii dambe madaxweynuhu soo saaray, kadib markii la akhriyey isku shaandhayntii iyo magacaabistii cusub oo dhamaystiran warkiina sidaas ku dhamaaday magaciisiba la xaadirin ama kama maqalba wariyihii daadihinayey, sidaas baanu ku dhamaaday warkaasi, Daacad isagoo yaaban oo aan wali qancin ayuu intuu gaadhigiisii soo kaxaystay suuqii yimid waxaanu soo iibsaday shan jaraa’id, kii koobaad ilaa kii shanaad buu sidaa isha u mariyey oo wada akhriyey nasiib daro wuu ka waayey magaciisii iyo xil loo magacaabay toona ma jiro , Wuu naxay dareenkiisa wuu is bedaly, in mudo ahna wuu aamusnaa, wuu yara fikiray, wuxuu go’aansaday in uu la hadlo wasiirkii u sheegay arinta, markii uu waydiiyey ee uu ku yidhi mee xilkii aad sheegaysay ee la ii magacaabay sownigan meel kastaba iska waayey maxaa dhacay?.
Wasiirkiina Wuxuu ugu jawaabay waxbaa is bedelay!
Haddaba akhriste haddii aad ahaan lahayd Daacad oo arinkan oo kale kugu dhaco maxaad samayn lahayd?, imisa qof oo hore oo aad garanayso ayey ku dhacday arintan oo kale ?
Saamayn intee leeg ayey ku yeelan kartaa mustaqbalka qofka iyo noloshashiisaba ?
Ku darsoo dhamaanteenba wada xil sugayaal baynu nahay …………
WQ: Kamaal Xassan Isaaq
Tell: 063-4402758
Hargeysa Somaliland