Eng Faysal Cali Waraabe doorashadii 2010-kii beelihii u codeeyey iyo kuwii ka codeeyey (WQ: Drs. Hoodo Yusuf)

Waxaan warbaahinta ku arkay taageerayaasha Eng Faysal Cali Waraabe oo ku eedeeyay Beesha Galbeedka Burco in aanay codkooda siinin Eng Faysal doorashadii June, 2010-kii, sida awgeedna aanay la shiri  doonin,  codna aanay siin doonin Guddoomiye Cirro.  Markaan dhawaaqa arkay, waxaan dib u eegay tiradii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Qaranka “valid votes”, June 2010. Guud ahaan EngineerFaysal Cali Waraabe  wuxuu helay 92,459 cod oo u dhiganta 17%, Madaxwayne Daahir Riyaale 178,881 ( 33% ), Madaxwayne Siilaanyo 266,906 ( 50% ).

Hadaba, si aan u  kula baandheeyo  beelaha taageeray Enginner Faysal Cali Waraabe iyo kuwa qawaday, waxaan soo qaatay degmooyinka ay beelaha sooca ahi “ Single clans “ u badan yihiin sida BaligubadleOodwayne, Badhan,  Saylac iyo Garadag. Waxaan dhaafay  magaalooyinka waawayn ee la wada dego  HargeysaBurco,  Berbera iyo Ceerigaabo.

Sida ku cad shaxda  Table A, waxa Engineer Faysal Cali Waraabe qawaday oo codyar siiyay beelaha kala deggan- Saylac  184 cod, Lughaya  143 cod, Baligubadle  709 cod, Gabiilay  1,858  iyo  Garadag 186 cod. Dhinaca kale, sida ku cad shaxda  Table B, waxa Engineer Faysal Cali Waraabe taageeray  oo cod buuran  siiyay beelaha kala deggan Salaxlay 11,222 cod,  Oodwayne  5,146 cod iyo Badhan 965 cod.

Halkaa waxa ka muuqata in dhawaaqa kasoo yeedhay taageerayaasha Eng Faysal Cali Waraabe uu yahay war khaldan oo xaqiiqada ka fog, laakinse ujeedooyin kale laga leeyahay, oo ah Eng Faysal mar saddexaad tartamo si Col Muuse Biixi jidka logo xaadho.

TABLE A  :  DEGMOOYINKA DHABRKA U JEEDIYAY  ENG FAYSAL

  DISTRICT RIYAALE SIILAANYO FAYSAL TOTAL

Valid votes

1 Saylac 4,256 3,209 184 7,649
    56% 42% 2%  
2 Lughaya 2,080 2,074 143 4,297
    49% 48% 3%  
3 Baligubadle 1,813 4,984 709 7,506
    24% 67% 9%  
4 Gabiilay 12,341 38,305 1,858 52,504
    24% 73% 3%  
5 Garadag 735 4,131 186 5,052
    15% 82% 3%  

 

TABLE B: DEGMOOYINKA TAAGEERAY ENG FAYSAL CALI WARAABE

  DISTRICT RIYAALE SIILAANYO FAYSAL TOTAL

Valid votes

1 Salaxlay 423 999 9,800 11,222
    4% 9% 87%  
2 Badhan 734 126 965 1,825
    40% 7% 53%  
3 Oodwayne 4,480 4,940 5,146 14,566
    31% 34% 35%  

 

Drs Hoodo Yusuf , Uk, London.

yhoodo@yahoo.com.