Golaha wakiiladu yay matalaan (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Golaha wakiilada waxa doorta shacabka, waxaanay u adeegaan danta shacabka.  Bal arrinka dakada Berbera ee shacabkii ay aad uga qayliyeen nimankan ansixiyay eega.

Shicibyahaw dhegwaynta ihi kuma matalaan nimankani waad riyoonaysaa, waa niman jeebkood iyo calooshooda la ciyaara kolba qoladii halkaa u buuxisa ayay sacabka u tumaan. Hadii aad doonayso inay sacabka kuu tumaan labadaa u buuxi hadii kale intaan adiga lagu iibin waad ladantahay eh iska aamus. Hadii aad kacdoon inagu kicisana mid iyaga ah uunbaad saari, kaana bari uun baad ka qaylin.

Caalamka gabigiisa dadkan matalaa waa wada qawlaysato, aduunka xaabada cidna uma danayso, intaan lagu shidan waad ladantahay.  Hadii aad ka sii badbadisana waa lagu shidan, sidii awalba laguu shidan jiray ma wax jiraad isu qabtaa. Ma tihid wax jira (you are non existing society).

Waar ha dawakhina nimankan cid baa meesha dhigatay oo ay danahooda u fuliyaan, shicibyahaw ma waxaad moodaysaa inaad adigu dooratay maad dooran.  Doorashadan aad ku dawakhday nimanka inabarya waxay ka yidhaahdeen ma taqaan.( It is not your vote that counts, but what counts are those who count)macnaheedu waxa weeye codkaagu qiimo malaha ee waxa qiima leh kuwa tirinaya ayaa cidii loogu talo galay soo saara.  Dawladiihii kaa waawaynaa ayaa afduuban adigoo shalay raad bartay wixii ku hagi lahaana ka tagay oo diintaada ah ayaad doonaysaa inaad tashato. Imika saw doorasho maraykanka lagama filaayo mar hore ayaa la sii cayimay mushraxa waana laysla og yahay.

Imika wadankeena taxaaluf ayaa ka jiray midkalena waa la samaynayaa xisbi xibiyada ka mid ah  waa substation labadaa taxaaluf ayaa isku haya kuu raaco ayuunbaa guulaysta, guulaysanayana. laakiin sidaad mooday uma shaqeeyo ee wuxu u shaqeeyaa (vice versa) ninka raga ihi wuu fahmayaa (vice versa) doqona loo sheegimaayo.

Muxuu xisbigaas usoo baxaa marwalba oo loo reebaa axsaab ka taageero badnaaa waxaa loogu talaglay in labdaa taxaaluf ku tartamaan.

Waar waad riyoonaysaan arimuhu sida ay idiinla muuqdaan maaha si kale ayaa loo shaqeeyaa, dadku waa wada laba wajiileh. Marba waji ayaa lagu shaqaystaa ha ina dawakhnina intaan layna wada iibin waynu ladan nahay eh.  Sidii barigii koonfur laynooga iibiyay shuruud la,aan.  Caalamk waligeed kamay dhicin dad maamulkooda dhiiba bilaa shuruud, markaa wali waan ladanahay.

Miyaanad arag wixii turkiga ka dhacay dawladan muuqta mooyee dawlad qarsoon baa jirta, markaa taa qarsoon ayaa talisa. Tan muuqataa waa shax markii la doono ayaa laga takhalusaa. Maanta wuxuu turkigu u muuqdaa inuu guulaystay waayo wuxuu iska caabiyay dawladii qarsoonayd, inagu wali ma dhawin manaynaan fahmin in dawlad qarsoon jirto, wali kaama dhawa ha dawakhin miyirso.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com