Faahfaahin: Nuxurka qoraalkii kasoo baxay daneeyayaasha dimuqraadiyadda Somaliland ee beesha caalamka (WQ: Envoy Abdirizak Dinaari)

Xisbiga waddani wuu gutey, waajibaadkisii ka saarna siyaasadda arimaha dibada iyo dimuqradiyada Somaliland halkey mareyso. Waxii intaas dhaafsisan dareenka iyo aragtidda ey beesha caalamku ku qabto dalkeena waa kuwa iyadoo qoraal ah inala wadaagtey.

Hadii xisbul-xaakimku isku dayo inuu ku qanciyo waxyabaha la isku hayo. waxaan qabaa in aaney suurta galeyn. waayo dowladaha Somaliland daneeya dimuqaradiyaddeda inama kala jecla.

Balse hadba waxey saxaan waxii ey u arkaan iney dalkeena iyo dadkeena u wanaagsan tahey oo ey ka mid yihiin. ilaalinta xaquqal insaanka, Xoriyadda saxafadda, hananka dimuqradiyadda iyo dowladda wanaaga. ilaalinta iyo sareynta sharciga iyo arimaha doorashooyinka.

Intaasba hada waxa muuqata iney xukumadeenu ka talaabsatey kuna dhaqantey hanaan ka baxsan waxyabaha uu tilmaamayo dastuurkeenu in la ilaaliyo. Sidaas darteed waxaan shacabka tageersan xisbiga ka jaahil-saaryaa qof waliba sidu doono ayuu u fekeri karaa ama isu odhan karaa adna dareenka la wadaag dowladaha Somaliland ka tageera hanaanka doorashooyinka.

Marka hadda xukumadda fariinta loo soo direy nuxurkeeddu fahamka guud ee la rabo inuu madaxweynu ka jawaabo waxu dhigan yahey siddan;-

1. In la ixtiraamo Heshiiskii saddexda xisbi ee july 2019

2. In aan la xidhxidhin siyasiyiinta asxaabta iyo shacabka dareenkoodda cabirayaa ama xoriyadda hadalka

3. In dib looga fiirsaddo mudo kordhin golaha wakiladda ee khilaafsan heshiiskii july 2019. kaaso dhigaya in dorashadu dhacdo 2020.

4. In aaney golayaashu deegaanku sharciyad heysan ila april 2019 taasna macnaheedu yahey iney doorasho dalka ka dhacdo.

5. In la dhiso Komishan lagu wada kalsoon yahey heystana dhamaan kalsoonidda asxaabta qaranka iyo daneeyayaasha arimaha doorashooyinka

Nuxurka guud ee qoraalka European union-ku waxu u daraana in aan mudo kordhin la sameyn arinta komishankana la isla meel dhigo laguna xaliyo wax lagu wadda kalsoon yahey asxaabtuna heshiis ku tahey.

Waxaan jeclahey iney tageerayaasha xisbigu fahmaan, Xisbigu shaqadiisii siyaasiga aheyd wuu heysta waxaan idinku baaqaya mar walba inaad ku shaqeysaan dareenka xisbiga masuliyiintiisa.

Gudomiyaha xisbigu mar walba isagoo ixtiraamaya sharciga dalka iyo ilaalinta dastuurka waxu u gutaa waajibaadkiiisa si xilkasnimo leh oo ey ka dheertahey dareen cadifadeed. waxu caalamka la leeyahey xidhiidh qoto-dheer oo diplomasiyadeed anaguna waxaanu nahey gacan yarayashiisa la shaqeeya.

Waxa xukumadda la isku haya maaha naceyb laba shaqsi ama reerood. waxaa la isku hayaa waa hanaanka dimuqraddiyadii dalka iyo dowladd wanaagii in mar walba asxaabta qaranku ku soo leexiso xukumadda.

Dalkeena dimuqradiyadisii iyo dowladd wanaaga lagu ilaaliyo hadba madaxweynaha jooga. iyadoo laga duulayo xeerarka dalka u yaal oo ey ka mid tahey tii malintii dhoweyd xisbigu ku dhawaaqey ee aheyd iney tageerayaasha xisbigu isugu yimaadan xarunta xisbiga.

 

BAYAAMINTA INTA FAHMIN NUXURKA

QORAALKA DANEYAYASHA DIMUQRADIYADDA SOMALILAND

 

https://eeas.europa.eu/delegations/somalia_en/71087/JOINT%20STATEMENT%20ON%20DELAYS%20TO%20SOMALILAND%20PARLIAMENTARY%20AND%20LOCAL%20COUNCIL%20ELECTIONS