Ra’iisel wasaaraha Suudaan ayaa loo doortay gudoomiyaha urur goboleedka IGAD

Ra’iisal wasaaraha wadanka Suudaan Abdalla Hamdock ayaa loo doortay gudoomiyaha Urur-goboleedka IGAD.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD iyo wakiilo ka socda Dowlaha Afrika ayaa ku kulmay Shir Madaxeedkii 13-aad ee Caadiga ahaa kaasi oo ka dhacay Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia halkaas oo Hamdock loo doortay Hogaamiyaha ururka.

Hamdock Wuxuu xilka kala wareegayaa Ra’iisel wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo isagu xilkaas hayey tan iyo 2018.

Hogaamiyaasha la qayb galay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Yoweri Museveni, Salva Kiir, Maxamed C/laahi Farmaajo, Ismaaciil Cumar Geelleh.

Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Workneh Ghebeyehu ayaa ah xoghayaha Urur goboleedka IGAD Wuxuuna kala wareegay danjiraha Kenya Mahboub Maalim.

Xubnaha IGAD waxay ka kooban yihiin waddamada Geeska Afrika (Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya iyo Ereteriya), Dooxada Niil (Suudaan iyo Koofurta Suudaan) iyo gobolka Geeska Afrika ee Weyn (Kenya iyo Uganda).

Bandhige@gmail.com