Faa’iidada caafimaad ee Toonta (WQ: Dr Faris Al Attas)

Faa,iidada caafimaad-ka Toonta

Toontu waxa kujiro ย dhammaan qaybaha Nafaqada oo waxay qani ku tahay #fiitamiinada sida:

vitamin C ย vitamin B6 ย thiamin iyo pantothenic acid.

sidoo kale waxaa laga helaa #Macdanta ย sida: manganese phosphorus calcium, iron, iyo zinc.

1.Toontu Waxay Sare U Qaadaa Difaaca Jirka:

waxaa aad ugu badan Fiitamiin C, B6 iyo macdanaha sillium iyo magnesium kuwaasi oo sare ugu qaado difaaca jirka.

2. Waxay Horumarisaa Caafimaadka #Wadnaha: toontu waxay yaraysaa cadaadiska dhiigga Waxay Kantarooshaa Dhiig-Karka: Cilmi Baadhis ayaa waxay caddeysay in toontu ay hoos u dhigto dhiig karka iyo kalestaroolka.

3. Waxay La Dagaalantaa Elerjiga:

Toonta Waxaa ku jira maadooyin la dagaalamo fayraska iyo inflamation-ka kuwaasoo jidhka ka caawiya inuu la dagaalamo noocyada kala duwan ee elerjiga ama xasaasiyadda.

4. waxay ka hortagtaa oo yaraysaa qaybo kamid ah cancerka.

5.Toonta waxaa ku jiro madoonyin ladagaalamo bacterida gooryaanka iyo virus-ka.

6. Toontu waxay u fiicantahay dadka qabo sonkorowga .

7. Goryaanka caloosha ku dhasha ayey dishaa.

Toonta siyaabo kala duwan ayaa u isticmaali kartaa sida:

1- in aad sided ku cunto

2- sidoo kale in aad shido ayaa waxaa ku darsan kartaa 2 qaando malab ah.

3- in aad kar kariso ayaa si gaar ah u cuni kartaa cuntada ugu cuni kartaa.

4- sidoo kale cream- ahaan waa u mari kartaa haraga sida dadka haraga ku leh canbaarta iyo nabaraha uu keeno jeermska fung.

Cunida Toonta iyo basasha waxey keentaa in qofka cuno aad ugu soo urto.

Mana jira habab gaar ah oo gabi ahaan ba lagu joojin karo urta.

Balse waxaa jira siyaabo uu qofka ku yaryen karo urta badan.

1- inta aadan cunin kar kari toona ama cunta ku kari si urta u yarado.

2- sidoo kale isticmaal markaa cunyo ka dib biyha afka lagu luq luqada sida Chlorine Dioxide Mouthwash.

3- sidoo kale waxaa adeegsan kartaa

Essential Oils.

weel yar biya ku shubo oo ku dar 3 dhibcood salida Essential Oils ee ku luq luqo isticmaalka ka dib Ee toonta.

3- cunida toonta ka dib waxaa wanagsn in qofka dib uu u cadysto isla marjasna uu isticmaalo xanjada.

4- cab biya badan ugu yaraan 2.5 litter maalin waliba maxaa yeelay cabida biyha badan waxey hoos u dhigta urta.

5- cunida toonta ka dib cab green tea ama koob caana ah.

6- cab 1qaando apple cider vinegar

cunta ka hor iyo ka dib

 

Dr Doogle

 

Riix hoos:

https://www.facebook.com/Dr.Doogle/