Faallo: Heshiiska xukuumadda Somaliland la gashay DP World Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”)

 

Sida aan u fahmay muddada Heshiiskan maalgashiga Dekedda Berbera ee DP World iyo Dawladda Somaliland muddadiisu maaha soddon sannadood ee waa afartan sannadood.

Shirkad Joint Venture ah ayaa la samayn doonaa oo iyadu maaraynta maalgashiga iyo horumarinta Dekedda Berbera la wareegi doonta waxaana loo kala yeelanayaan sidii hore loo sheegay 65% DP World 35% Somaliland.

Heshiiska maalgashiga waxa loo fulin doonaa wejiyo, wejiga ugu horeeya waxa la bilaabi doona sannad kadib marka laga soo baxo ama la buuxiyo qodobada iyo shuruudaha heshiiska waxanu ku dhamaandoonaa 24 bilood.

Waxaan is leeyahay haddii wax waliba caadi noqdaan muddada wajiga hore waxa lagu dhamaystiri karaa saddex ilaa afar sannadood laga bilaabo maanta oo si rasmi ah loo kala saxeexday.

Adigu horaanta 2020-ka kama horayn karto in ay hawlgasho dekedda cusub ee DP World Berbera. Waa haddii aan haba yaraato eh wax carqalad ihi ka hor iman sida aan qiyaasayo.

Dhinaca kale way muuqataa himadda DP World ay u hayso hirgelinta mashruucan iyo sida ay u danaynayso taasina maaha sabab la’aan ee waxa u muuqda sayladda cusub ee muhiimka ah ee dhinaca Bariga Afrika iyo buqcadda istraatajiga ah ee ay dhacdo Berbera. Laakiin dhinaca Somaliland duruufaha ku xeeran mashruucani maaha kuwo si dhib yar looga gudbi karo dadkeediina ma muuqdo ee waxaad moodaa waxa u muuqda DP World in aanay u muuqanin madaxda sare ee Somaliland waayo way ka aragti dhaw yihiin DP World danaysiyada gaarka ahina way iska jiri karaan oo lagaba yaabi karo mararka qaarkood in ay kaba muhiimsanaan karaan danta guud. Taas oo abuuri karta khilaaf xoogan oo kuligiiba ku salaysan danaha is diidan ee dhinaca Somaliland.

Gaar ahaan marxaladdan xasaasiga ah ee ay kaabiga ina soo saareen labada doorasho ee is huwani inaga oo og in ay jiraan arrimo badan oo la isku maandhaafsan yahay.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh haddii mashruucani uu ka badbaado dabaylaha iyo duufaanada kacsan xiligan oo aanay saamayn ku yeelanin habsami u socodka hawlaha mashruucan muddada aan ilaa hadda la hubin inta ay noqon doonto ee u hadhsan xukuumaddan waxa laga yaabaa in mashruucani uu markaa ka badbaadi karo in uu ku fashilo bilawgiisaba. Haddii uu ka badbaado oo doorashadu qabsoonto dabcan Madaxwaynaha la doorto iyo xukuumaddiisa ayay u taalaa in ay la wareegaan dibna u eegaan wixii madmadow ahna kala xidhiidhaan madaxda DP World mana ka shaki qabo in la is fahmi doono waayo maaha waxa la diidan yahay ama laga shakisan yahay Maalgashiga lagu hormarinayo Dekedda Berbera ee waxaad moodaa in kala shakigu yahay inaga guddaheena.

Sidaa daraadeed mashruucan oo aan anigu hore u taageeray qaladaadka aan arkayo ee jiraa ilaa hadda waxba kamay bedelin taageeradii aan u hayay mashruucan waayo waxaan u arkaa in uu dan u yahay dadkayga iyo dalkayga. Haddii ay wax ka qaldan yihiina maaha Qura’aan iyada oo laga wada duulayo danaha la wada leeyahay mashruucan in la sixi karo ayaan aaminsan ahay laakiin maaha mudada u hadhsan xukuumaddan ee waa in loo samraa oo la sugaa wakhtiga ugu haboon ee kale ee wax la sixi karo.

Cali Guray