6 sanno oo wax yar dhiman ayaa loo tirinayaa cimrigi xukuumadda taladda xiligan haysa ee Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu madaxweynuhu hoggaanka iyo talada dalka qabtay 26-ka Juun 2010-kii, tan iyo xiligaas hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo waxay noqotay mid aan la mahadin, waxaana taariikhda u gashay xukuumaddii boobka musuq maasuqa iyo weliba xaraashka hantida dadweynaha.
Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo xiligan ku joogta muddo kordhin waxay noqotay mid ku astaysan hayb sooc iyo weliba xigtaysi kala qoqob bulsho iyo xulafaysi iskooxaysi aan hore uga jirin xukuumaddihii ka horeeyay.
Marka laga yimaado in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iibisay ilihii dhaqaale ee dalka waxa iyana xusid mudan in la xaraasho hantidii guud iyo dhulka danta guud, guud ahaanbana waxay xukuumaddu iibisay hantidii dawladda siiba dhulkii danta guud xisbiyada mucaaridka iyo xukumadaha dambe ee yimaadaana walaac ayay ka muujinayaan in inyar oo kamid ah lagu soo gaadhi doona, waxaana meesha ka baxay haykalkii iyo nidaamki dawladnimo ee Somaliland lahayd.
Dhinac kale curyaaminta xukumadda madaxweyne Siilaanyo kuma koobna dhaxal wareejinta hantida qaran hase yeeshe waxa iyana ay door weyn ka qaadatay adeegsiga warbaahinta qaarkood iyagoona samaystay haโayado ka madax banaan kuwa dawladda oo xambaara dana gaar ahaaneed oo ay leeyihiin ashqaas dhaqaale buuran ku bixisa in ay weeraraan hadba cida loogu talo galay duulaanka.
Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhaqamada ku cusub hoggaaminta Somaliland ee ay soo kordhisay intay jirtay waxa ka mid ah in ay xisbiyada mucaaridka iyo weliba siyaasiyiinta madaxa banaan ee Iftiimiya dhaca iyo boobka lagu hayo Dadka Shacabka ah loo adeegsado in sharaftooda lagu wiiqo weeraro lagu qaado oo loo mariyo saxaafada madaxa banaan qaarkeed.
Lasoco, Faallo ku aadan wadciga xiligan iyo musuqa xukuumadda
Dr. Nuur Cabdiraxmaan