Had iyo jeer waxaan maqlaa wadahadal baa Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maraya dalka Turkiga, wada hadalkaas oo aan anigu u qabo in uu yahay mid madhaleys ah, oo waqti lumis ah, oo aan cilmi badan ku fadhiyin.
Waayo, nin baa waa hore yidhi:
“Weligey gar la igama helin.”
Markaas baa la weydiiyey sababta:
Waxuu ku jawaabey:
“Gartayda debedda ayaan ku sii akhristaa, oo haddii aan arko inaanan garba lahayn geedkaba ma tago.”
Ninka la odhan jirey Axmed koorjaan oo ahaa nin fariid ah, oo raganimo ku dhan tahay bay arrin Faras la xidhiidha isku maandhaafeen nin kale oo la odhan jirey Aw Moxamuud. Markaas baa rag ay Aw Moxamuud ilmaadeer yihiin arkeen inuu xaalku Axmed koorjaan meel xun la marayo oo uu doonayo inuu dhagar geysto, sidaas darteed nimankii waxay u yimaadeen Axmed koorjaan oo ay ku yidhaahdeen waar ninka gar u dhigo, annagaa ka gar marin doonee.
Axmed koorjaan waxuu yidhi waxaan ninkaas la garnaqsan lahaa markaan helo ninkii geedka soo fadhiisin lahaa, ninkii isaguna garta dhex noogu qaadi lahaa, iyo ninkii marka garta laga helo( Aw Maxamuud) koley wuu kici doonaaye ninkii soo fadhiisin lahaa. Saddexdii waxay kala noqdeen Ducaale Cilmi oo geedka soo fadhiisiyey Aw Moxamuud, Ina Sanweyne oo garta naqay iyo seed Cawed oo markuu kaco fadhiisin doona. Markii geed kii la yimi buu Axmed koorjaan hadana yidhi Saddex gartayda ma gasho, Allah ma yaqaan, Aniga ima yaqaan, iyo Aw Moxamuud yaqaan; halkaas baa ragii uu ujeeday Axmed koorjaan laga saaray gobtii garta.
Waxuu hadana Axmed koorjaan yidhi Saddex kale gartayda ma gasho, Naas jiid( nin la dhalay), lug jiid( nin Moxamuud la xidid ah), nafac jiid (nin xoolaha iyo dhaqaalaha reerka wax ku qaba; saddexdaas danbe ee uu ujeedayna meeshii baa iyana laga saaray. Gartii baa la galay, Ina Sanweyne baa kiiskii iyo denbigii saaray Aw Moxamuud, sidii laga filayey buu yeelay aw Moxamuud oo waxuu isku dayey inuu kaco isagoo ka cadhaysan garta laga helay, Waxase soo fadhiisiyey Seed Cawed oo ku yidhi waar soo fadhiiso oo garta qaado. Sidii buu Axmed koorjaan gartii ku helay.
Hadaba, markay arrini ay kala dhex marto dad is haya waxa la yidhaahdaa qofkaas hebel marka la helo waqtigeeda, rageeda, iyo madasheeda gar baan u dhiganayaa, taasoo ay micnaheeddu tahay waqtiga ay ku haboon tahay, oo ay jiraan dadkii noo gar qaadi lahaa, iyo goobtii aanu ku garnaqsaneyney baan isla sugayaa.
Markaas, xukuumada Somaliland saddexdaas midna ma hayso oo Turkigu dhex kama noqon karo mushkilada Somaliland iyo Somaliyaa ka dhex taagan, waayo isagii baa ka soo horjeeda Kurdiyiinta doonaysa inay ka go’aan dalka Turkiga, sidaas darteed dee sidaas uu Axmed koorjaan u daadifeeyey markhatiyadii aanu ku kalsoonayn, bay ahayd inaynu garano mowqifka Turkiga iyo dhex dhexasdnimadiisa.
Ta labaad, hadii aynu ka eegno dhinaca waqtiga la kulmayo, xukumada Somalilland iyo ta Somaliyaba waa Xukuumado ay waqti yari u hadheen, oo weliba ta Somaliland ay ku joogto waqti ay golaha guurtidu ay u kordhisey.
Waxa markaas haboon inta xukuumad kale oo dadka ka haysata kalsooni ay imanayso, waxa fiican inuu madaxweyne Siilaanyo uu hakad iyo joojin geliyo wada hadalkan madhaleyska ah, sababtoo ah waa waqti lumis uun. Wada hadalka Turkigu waa faashil waayo Turkigu daacad iyo dhex dhexaad toona kama aha qadiyadan meesha taala; xukuumada Somalilandna uma aha waqtigeedii, rageedii,iyo goobteedii toona; Somaliyana uma muuqato inay yihiin dad qiimayn kara wada hadalku siduu innagu yahay, oo ta kale maba aha dad la soo doortay (elected government)ee waa dad magacow iyo xul ( selection) dawlad ku ah, waqtigoodiina uu dhamaad yahay. Waxaan kusoo koobayaa, khasab maaha markuu Turkigu inoo yeedhaba, inaynu inagoo balas balastaas hayna dayuurad iska fuulno, oo aynu wada hadal ku sheeg aynu natiijadiisa malayn karno waqti iyo xoolaha Ummadaba ku lumino.