Faallo iyo falanqayn Axmed Ismaciil Samatar oo ku biiray Xisbiga Kulmiye (WQ: Qareen Khadar Ibraahim Aar)

Pro Axmed Ismaciil Samatar waa nin ku dhashay Somaliland gaar ahaan Gobolka Gabiley, waa nin ku faana kuna faraxsan wakhtigan xaadirka ka qayb noqoshada siyasada Somaliland, madama uu wakhti hore kusoo hungoobay hankii iyo hamadii uu lahaa ee dhinaca Muqdisho.

Axmed Ismaciil waxa uu wakhti wakhtiyada ka mid ah isu soo sharaxay in uu Madaxwayne ka noqdo Soomaaliya taasi oo uu ku hungoobay, kadibna uu ku soo laabtay Somaliland, halkaasi oo si garasho iyo caqli ku jiro loogu soo dhaweeyay.

Waxa uu shalay si rasmi ah ugu biiray masraxa siyaasada Somaliland, Pro Axmed Ismaciil Samatar waa Aqoonyahan muddo aad u badan ay laabta kaga jirtay in uu mar uun ka muuqdo masraxa salaanka siyasada.

Axmed waxaa in badan uu ka hadlay warbaahinta, waxa uu in badan ka faaloday siyaasada iyo sida loo horumarin lahaa Somaliland, Axmed waxa uu in badan Carabkiisa uu ku celceliyay in marnaba aan Somaliland qaabkii loo aqoonsan laha aanay u marin jidki ku haboonaa.

Axmed Ismaciil waa nin inta badan ay dhacdo in marka uu hadlayo jeedinayana khudbadaha ay dadkuu aad u dhagaystaan una dhag raariciyaan, jeclaystaana hadaladiisa oo la odhan karo waxa ay u badan yihiin waano iyo wax isu sheeg.

Axmed waa nin marka uu doono Heesa, walibana in badan lagu arkay masraxyada TV yada iyada oo looga garaacayo Kamanka โ€œCuudkaโ€, inkastoo inta aan ka arkay uu Hal hees oo kaliya kusoo celceliyo.

Axmed Ismaciil Samatar waa nin aad u qurbaha ugu raagay, wakhtigan xaadirkana ay haysto dilaayo iyo dareen waddan jacayl, balse haddana kama maqna la qabsi la’aanta dadka iyo dalka taasi oo aad ka dareemayso fikradaha uu inta badan soo gudbiyo.

Axmed Ismaciil waa nin inta badan marka uu hadlaayo ay ka muuqato nacaybka Qabyaaladu, taasi oo la odhan karo haddii uu ku adkaysto waxa uu wax badan kaga duwanan doonaa siyasiyiinta dalka, ee Qabyaalada iyo Qolo qolada shaqada ka dhigtay.

Haddaba madaama uu Axmed Ismaciil Maanta lugta la galay siyaasada Somaliland, maxay ayaa looga baahan yahay in uu qabto ama uu ka run sheego waxyaabahii faraha badnaa ee uu ka jeedin jiray Jaamacadaha iyo TV-yada.

Inta badan dadka siyasada odorosaa waxa ay yidhaahdaan siyaasadu waa sida Guurka, oo marka hore ee aad dibedda ka joogto waa wax si fiican looga faaloon karo loona sharaxi karo qaladadkeeda iyo wanaageeda, balse marka aad guddaha u gasho waa ay ka duwan tahay sidii la filaayay.

Axmed Ismaciil Samatar waxa ay dadka qaar ay u arkaan in uu yahay nin si fudud u xanaaqa aadna u cadho dhaw, waxa la iswaydinayaa ma u dul qaadan karaa Axmed Saaxafada Somaliland ee rag badan oo siyaasiyiina ciil iyo cadho baday.

Waxa kale oo ay siyaasadu leedahay dabar iyo hoggaan ku qabanaya marka aad Xisbi ku biirto, kaasi oo kuu diidaya faladii iyo falanqayntii faraha badnayd, Axmed Ismaciilna waxa uu ahaa raga ku caan baxay sheegista waxa ay qaladka u arkaan, balse hadda qalad waa Ina’daanwaynee muxuu yeeli doonaa.

Dadka qaar waxa ay is waydiinayan Axmed Ismaciil Samatar sidee ayuu u wajahi doona siyaasada wajiyada badan ku shaqaysa, sida Qabyaalada, nin jaclaysiga, saaxiibtinimada iyo kana siib kana saar.

Suura’gal ma tahay Axmed Ismaciil in uu sida finiinka uga soo boodo Xisbiga Kulmiye, oo mararka qaar siyaasadiisu sida Jirjiroolaha u shaqaysa, mise Axmed laftiisu waxa uu la iman doonaa siyasad u shaqeeysa sida Maska.

Dadka qaarkii waxa ay is waydiinayaan Axmed maxay ayuu ku doortay ku biirista Xisbiga Kulmiye, haddana dadka qaar waxa ay ku doodayaan in ay adag tahay in uu Axmed ku biiro labada Xisbi ee mucaaredka mid ahaan sababta oo ah, Axmed ma rabo dhari iminka dabka la’saarayo in uu dul fadhiisto.

Axmed Ismaciil waa nin kasoo jeeda siyasad ahaan Gobolka Awdal, haddaba madaama mararka qaar reer Awdal iyo Somaliland is’fahan waa uu ka dhex dhaco dhinaca siyaasada Guud ee dalka (gooni’isutaaga) maxay ayuu Axmed ku soo kordhindoona isu soo dhawaynta iyo isfahansiiska Somaliland iyo reer Awdal.

Waxa hubaala in uu noqonaayo Axmed Ismaciil wakhtigan xaadirkaa siyaasiga ugu tunka roon siyaasiyiinta Gobolka Awdal, malaga yabaa in uu Gobolka ku soo kordhiyo khilaaf iyo tashuush horleh oo soo kala dhex gala siyaasiyiinta gobolka Awdal oo uu ugu horeeyo Madaxwayne ku xigeenka Saylici.

Pro Axmed Ismaciil waxa ay walaalo yihiin Pro Cabdi Ismaciil Samatar oo ah nin wali taagan mawqifkii Somaliweyn ee uu Axmad waa hore kasoo huleelay, haddaba Axmed suura’gal ma ka noqon kartaa in uu walaalkiina kusoo jaheeyo siyaasada Somaliland.

Axmed Ismaciil waxa ay saaxibo dhaw ahaayeen Ismaaciil Buubaa iyo Cali Khaliif Galaydh, waxaanu in badan Axmed warbaahinta ka sheegay in uu hayo talada lagu hanan karaayo Bariga Somaliland iyo saaxiibkii Cali Khaliif, haddaba ma noqon doona mid taladisii la qaato.

Haddaba Axmed Ismaaciil si ay isula jaanqaado hamadisii iyo riyadisii siyaasadeed ee uu inta badan ku tamayay, waxa kaliya oo hadda u hadhay waxa uu yahay, madaama uu Xisbigii Kulmiye ee Dawlada uu ku biiray, waxa khasab noqonaysa in iyana loo magacaabo Jago Wasiirnimo, si uu ugu xasilo badhidana uu dhulka u dhigo, taladisa iyo taagtisana ay dadka iyo dalkuba u munafacaadsadaan.

Layskuma hayo in Axmed loo magacaabi doono Wasiir, balse waxa la iswaydiinayaa Axmed maxay ayuu laabta ka jecel yahay in loo magacaabo, ma wasiirka Arrimaha Dibedda, oo maxaa ku jaban haddii loo magacaabo wasiirka Waxbarashada, madama uu yahay in aqoon fiican u leh dhinaca waxbarashada maadiga ah.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa:

โ€œNin xil qaaday eed qaad.โ€

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

WQ: Qareen khadar Ibraahim Aar