Maxaad ii oggoshahay? (WQ: Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim)

 

In wax la isku ogolaadaayi waxay ka mid tahay mabaadii’da waa wayn ee ay diinteena suubani ku dhisan tahay isla markaana ay dhiiri galiso. Wax isku ogolaansho la’aanta waxay la macno tahay “Xaasidnimo” oo in badan Nabigeenii suubanaa Calayhi Salaatu Wasalaam ilaahay ka magan galay.

Dadku in ay wax isku ogalaadani waa aasaaska wada noolaanshaha, in ay wax ku hirdamaanina waa sunaha nolasha. Tani macnaheedu waxa weeyi, nolasha halagu tartamo xag cibaado iyo xag aduunyaba balse hala isku ogolaado.

Hadii nolasha aduunyadda  lagaaga fiican yahay ku farax oo ha dhibsan ileen kolay ka xumaanshahaagu nolasha qof kale waxna u kordhin maayo waxna ka dhimmi maayo balse waxaa la hubaa in uu adiga dhiikar kugu ridi.

Inan dhalin yar ah ayaa xikmadan maalin dhawayd ka sheekeyey wuxuu yidhi “ Nin baa dhakhtar u tagay wuxuuna ku yidhi dhakhtaroow waan bukaa!! Dhakhtarkii ayaa ugu jawaabay side laguu hayaa? Wuxuu yidhi ninkii dhakhtaroow markaan arko qof nolashiisii wax wanaagsani ku soo kordheen waan ka naxayaa, waxayna igu noqotay xanuun ee arinkaa iga caawi. Dhakhtarkii ayaa ugu jawaabay oo yidhi “arinkaagu ma sahlna balse mudo isii aan baadhis kuu soo sameeyee”. Waa yahay todoba bari kadib ayaan kuu iman ayuu ug jawaabay ninkii. Dhakhtarkii ayay kolmeen ninkii todoba bari kadib; wuxuu ku yidhi dhakhtarkii “ Dawadaadii waan waayay lamana heli karo waayo ILAAHAY in uu qof waxsiiyo dayn maayo adiguna Naxdin dayn maysid markaa arinkaagu inta aad ka naxayso qof ilaahay wax siiyay xanuunkaasi kaa tagi maayo.”

Waxaynu aad iskugu xamanaa ama iskugu xariiqnaa in dhaqanka Soomaalidu uu ku badan yahay wax isku ogolaansho la’aantu. Malahayga waxaan is idhi dhibta ugu badan ee haysataaba waa arinkan ileen waa masiibo hadii aan waxba la isku ogalaan ee.

Haddaba aynu dul istaagno waxyaaba aynaan isku ogolayn. Kasoo bilow fataatiirtii caruurnimada ilaa madaxtinimada wadanka waxba la iskuma ogola. Fataatiir hadii la wada ciyaarayo la iskuma ogala in hebal kaa xoolo bato, hadii shabadaan la ciyaarayo looma ogola in heblaayo kaa badiso, kubad hadii la ciyaarayo looma ogola in kooxda kale kaa guulaysato, hebalka xisaabta ku fiican looma ogala, sheekha ku fican tafsiirka looma ogala, siyaasiga siyaasada ku fican looma ogla, ka hanti ilaahay siiyay looma ogola, reerka alle caruur badan ku arsaaqay looma ogola caruurta, lamaanaha is qaba ee is  jecel looma ogala waayo waa dhaqan biis, guri qurux badan ka dhistaa looma ogola waayo waa israaf, ka shaqo ku guulaysta looma ogola waayo waa isku reer, ka bilaa camalka ah ee guursadda inan qurux badan looma ogola waayo muxuu siin, ka sifiican u soo xaragooda looma ogola waayo waa istus, gabadha si fiican xaqeeda u sheegata looma ogola waayo dumarnimo ayayna ogolayn …… wad uun halkay kula gasho waad arki.

Arimaha aan kor ku soo xusay dhamaantood way jiraan waana wax u baahan in la daraasadeeyo xagay sartu ka qudhun santahay.

Baadhis rasmi ah maan samayn balse fiiro gaara oo aan siiyay qaabka awlaadeena aynu u korino ayaaba sal u ah aragtidayda.

Awlaadeen waxaynu la jecel nahay wax walba oo fiican. Hadii ay tahay waxbarashada waxaynu la rabnaa in uu noqdo ka koobaad mar walba, hadii kubad uu ciyaarayo waa in uu badiyaa, hadii ay ilmo isdilaan waa in uu isagu guulaystaa, shaqada  ugu fiican waa in uu isagu helaa. Wax walba oo nolasha wanaagsan waa in uu isagu noqdaa qofka ugu horeeya ee hela. Waa qayrkaa oo sagaal bilood caloosha lagu siday,  sidee ayuu kaaga guulaystaa ? waa ereyada aynu ku guubaabino awlaada

Arin xun maaha waanan jecelehay in ubadka sidaa lagu barbaariyo balse ubadka qaybtii kale ee muhiimka ahayd ayaynaan u sheegin. Ubadka kuma barbaarino umana sheegno hadii lagaa guulaysto adiga oo ku dadaalaya in aad guulaysato u ogolow qofka kale una hambalyee oo la farax guusha uu gaadhay. Haka xumaan guusha uu gaadhay ilaahay baa siiyay balse dadaalkaaga laba laab.

Tani waxay suuro galin in la helo ubad ku baraara wax isku ogalaansho iyada oo meesha ka saari doonta wadna xanuun iyo dhiikar ku dhaca jiilasha danbe ee soo socda. Caruurta aynu barno kuna barbaarino in ay wax isku ogolaadaan. Aynu ka soo bilawno guriga dhaxdiisa oo inta wada dhalatay wax ha isku oglaato, hana isku hambalyayso guusha mid kood soo gaadho. La arag qoys marka inantu qaado jaa’isada dugsiga inanku uu afka buuro halkii ay ka ahayd in uu garab istaago kuna faano in ay walaashii guulaysatay.

Gabagabadii way adag tahay dhaqan aad leedahay in aad ku badasho maalimo ama bilo kooban balse isku day oo iska yeel yeel in aad qofka kale wax u ogoshahay una tahniyadee, waxaa laga yaaba muddo kadib in ay kuu noqoto dhaqan adiguna halkaa aad kaga badbaado wadna xanuun iyo dhiikar cidna ku qaadsiin balse aad adigu is qaad siisay.

Ogow nolashaada oo dhan waan kuu ogalahay ilaahayna hakuu barakeeyo !!!!!

 

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Cabdirisaaq Abaadir 

Jacaylku waa falcelin

Maya xal ku-meel-gaadh ah

Dooddii qalinka iyo warqadda

Falanqaynta sheekada “Bakayle iyo Diin” 

 

Abdirisak Abadir Ibrahim

Rome, Italy

abadir01@yahoo.com