Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa u jawaabay musharaxa xisbiga jamhuuriga Donald Trump oo ku eedaymo xukuumadda uu hoggaaminayo.
Trump ayaa waxa uu si weyn u cambaareeyey siyaasada Barack Obama iyo xisbigiisa.
Sidoo kale waxa uu xmsharaxa inta badan cadays nacaybka soo galootiga Maraykanka iyo Muslimka Donald Trump ayaa u jeediyeyna taageerayaashii ku sheegay in ay Soomaalidu yihiin dad soo galooti ah oo doonaya in ay ku biiraan kooxda Daacish.
Obama ayaa waxa uu sheegay in aanay micno badan ku fadhiyin hadalada Trump oo ah qaar looga bartay.
Sidoo kale Obama waxa uu sheegay in ay Daacish ay doonayso kala dilka Islaamka iyo Maraykanka, taasi oo iyagan ku garab taagan yahay Trump oo wada isku dirka Muslimka iyo Maraykan.
Waxa kale oo uu Obama ku eedeeyey Donald Trump in siyaasadiisa ay tahay mid qaldan, oo dadweynaha Maraykanka kala qoqobaysa.