Faataa dhugleh (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Nin madaxda ka mid ah oo dad u khudbadaynaayay ayaa laga hayaa madaxdu dadka way ka maskax badan yihiin, waxaanu ku sababeeyay maskax badnidaas, waxay helaan buu yidhi talooyin fara badan.

Kalmadii ayaa aad ii taabatay oo aan is waydiiyay tolow hadalkaas ma dhab baa?  Hadalkii ayaan ka fikiray, bal horta xaga diinta hadii aynu ka eegno, Rasuulkeenu SCW, la taliyayaasha madaxda laba uun buu ku sheegay, wasiir wanaagsan oo  wanaaga fara ninka madaxda ah hadii u falana ku kal kaaliya, iyo wasiir xun oo xumaha fara kuna kal kaaliya, ama waa sidii uu yidhi eh Rasuulku SCW.  Labadaa wasiir uun buu inoo sheegay qaar badan inoomuu sheegin.

Hadii aad dadka ka maskax badantihiin iyo hadii kalaba waa la arkaa raadkaad dhigaysaan, kaad ka tagtaana waa loo soo joogi oo taariikhda ayaa sheegi iyo jiilash dambe.  Kuwii lixdankii tuurayba, tallo xumaantoodii waa taa soomali oo dhan midhihiisii guranaysa eh. Idinka la arki doonee.

Soomalidu waxay ku maah maahdaa nin is faanshay waa Ri is nuugtay. Carabtuna waxay tidhaa hadal aan ku gartee. Waayo qofku marka uu hadlo ayuunbaa shakhsiyadiisa la gartaa.

Nin sheekh ah ayaa ardaydiisii wax u dhigaayay, markaa sheekha lugaha ayaa u fidsanaa, nin aad u haybad badan ayaa usoo galay, markaasuu sheekhii xishooday oo uu lugihii laabtay, sidii loo joogay ayuun buu ninkii haybada lahaa suaal aan u qalmin meeqaankiisii waydiiyay sheekhii. Sheekhii wuu uga jawaabay suaashii, waxaanu yidhi waxay ii gaadhay markii aan lugah iska fidsan lahaa (wuxu sheekhu uga jeedaa ninkan arargitidiisa iyo caqligiisu isma laha).

Kollay dadka bani-aadamku ma jeclo qofka ku sifooba laba sifo, kibirka iyo faanka.  Reer Hargaysana qofkaas oo kale waxay yidhaahdaan Faataa Dhugleh.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Dadku maamul xumo ayuunbay ka cabanayaan uun 

Xamar ayaa carqaladaynaysa saldhiga 

Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen

Ribo Ribo Ribo 

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com