Dadweynaha Turkigu waxay u codeeyeen wax-ka-beddelka Dastuurka, waxay guul u tahay Erdogan

 

Warbaahinta dawladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in la soo saaray natiijadii codbixintii Dastuurka taas oo ah in 51.4% ay taageereen in awoodo dheeraad ah la siiyo madaxweynaha dalkaas halka 48.6% ay ka soo hor jeesteen.

In kastoo natiijadani ay guul u tahay Madaxweyne Erdogan haddana waxay muujinaysaa in ay dalkaas ka jirto kala-qaybsanaan xoog badan. Mucaaradka dalkaas, gaar ahaan xisbiga la yidhaa Republican People’s Party (CHP) ayaa sheegay in ay dood ka qabaan natiijada Dastuurka.

Waxay maamulka ku eedeeyeen in ay wax ka beddeleen shuruucdii aftida iyadoo lagu gudo jiro codayntii aftida. Waxay sheegeen in ay taageerayaashooda ugu baaqaan in ay bannaan-baxyo weyn isugu soo baxaan maanta oo Isniin ah.

Isbeddelkan ayaa noqonaya kii ugu waynaa ee lagu samaynayo Dastuurka dalkaas muddo ku dhaw qarni tan iyo markii ay burburtay dawladdii Cusmaaniyiintu 1023-dii.

Isbeddelkan dastuurka lagu sameeyey ayaa ka kooban 18 qodob oo lagu muransanaa, taas oo ay sabab u ahayd kala-qaybsanaanta weyn ee ka dhex jirta dalka Turkiga tan iyo markii uu fashilmay Inqilaabkii milatary bishii July 2016.

Madaxweynaha Turkiga oo hadal u jeediyey taageereyaashiisa oo u dabaaldegayey guusha ayaa sheegay in ay jireen waddamo reer-galbeed ah oo faro-galin ku hayey kuwaas oo ay dadka Turkigu ka guulaysteen. Erdogan waxa kale oo uu sheegay in ay shaqo badan u taallo dadka Turkiga ah.

Isbeddelkan lagu sameeyey Dastuurku waxa uu Madaxweyne Ordogan u saamaxayaa in uu samayn karo isbeddelo uu muddo dheer ku taamayey laakiin duruufo sharci ka hor taagnaayeen.

Bandhige@gmail.com