#Nadiifi Boorama

 

Hordhac

Nadaafaddu waxay aasaas u tahay nolasha bani’aadamka marka laga eego xag caafimaad iyo mid nololeedba. Nadaafaddu waxay ka bilaabantaa shaqsiga oo nadiifiya oogada jidhkiisa, dharka uu xidhanayo, goobta uu dagan yahay (Guriga) iyo deegaanka uu ku nool yahay sida waddooyinka iyo  goobaha lagu kulmo. Intan oo aad nadiifisaayi waxay ku dhaxal siinaysaa in aad qurux badnaato jeclaatana in aad mar walba joogto goobtaas nadiifta ah.

Guriga aad ku nooshahay waqti walba waad ka shaqaysaa waxaanad isku daydaa ugu yaraan in uu yahay goob ka fayo qabta qashinka iyo wixii la hal maala. Si aad taas u hesho waxaad ku bixisaa naf iyo maalba. Waxaase ayaan daro ah in marka aad gurigaa ka soo baxdo  aad sanka maro ku duubato inta aad ka gaadhayso goob kale oo nadiif ah. Waa su’aal ee yaa kuu maqan oo kuu nadiifinaya inta u dhaxaysa labadan goobood oo kaaga mas’uul ah?

Haa, waa hubaal dawladda ayaa kaga mas’uul ah balse maaha jawaab dhammaystiran. Waxaa ka mas’uul ah adiga akhrisanaya maqaalkan, waayo cidda qashinka abuurtaa waa adiga iyo aniga, cidda qashinka waddooyinka dhigtaa waa adiga iyo aniga, cidda nadaafaddeeda looga fadhiyaa waa adiga iyo aniga, cidda ay tahay in ay la xisaabtanto ciddii xilka u qaadday  waa adiga iyo aniga. Mar hadduu arrinku sidaa yahay maxaa inoo xal ah?

Xalku waxa uu ku jiraa in aad nadaafaddaada ilaaliso oo saddex arrimood mid uun ku ilaaliso- ficil, hadal iyo in aad dhibsato nadaafad daradda haddii labadaa hore mid kood aanad samayn karayn. Ficil kaga qayb qaado oo qashinka basri, hadal kaga qayb qaado oo qoyskaaga in aad wax u sheegto ka bilaw, haddii intaaba aanad samayn karin ugu yaraan qalbiga ka nac siduu Rasuulku naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee inoo sheegay xadiis uu macnihiisu ahaa:

 “Ninkii xume arkaw gacanta wax kaga qabo,  haddii aanad karayn carabka, haddii aanad karayn qalbiga ka nac”

Waxaad maanta ka qayb qaadan kartaa olalaha nadaafada ee ka socda Boorama adiga ku taageeraya muruq, maal iyo maan.  Maqaal kan kooban waxaan jecelehay in aan kaga qayb qaato hawsha fiican ee  ka socoto magaalada Boorama ee loo bixiyay #NadiifiBoorama. Olalahan nadiifi Boorama waxaa  hor kacaya dhalin caqliga iyo garashada u saaxiib ah oo samo falayaal ah. Fikirka  NadiifiBoorama waxaa curiyay Mukhtaar Xasan Maydhane, waxaana la fuliyay hablo iyo innamo damiir iyo dadnimo u ehel ah Rabi ha ka raali noqdo ee.

                            “Inta qashin uu kuu jiro ayuu cudur kuu jiraa”

Nadiifi Boorama

Nadiifi Boorama ma mashruuc baa? Ma urur siyaasadeed baa? Ma urur aan dawli ahayn baa (NGO)? Ma shaqo abuurbaa ? Muxuu yahay. Intaaba maaha!! Nadiifi Boorama waa Nadiifi Boorama. Eray saddexeeya maba laha “Nadiifi Boorama”.

Arrinka ay ku hawlan yihiin dhallinta Boorama ee ah #NadiifiBoorma waa mid soo jiitay dhammaan inta damiirka wanaagsan, samaha ka shaqaysa ee waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba joogta. “Maraa waaxid waad igu banaantihiin mar haddii Boorama oo nadiif ah himiladu tahay.  Mar haddii biyo mareenadii, waddooyinkii, seerihii Boorama iyo dugsiyadii oo nadiif ah ay himilada koobaad tahay waa tallaabo togan.”  Aragti waxaa igu jirta aad u durugsan oo leh “dhawaan la arki maayo qashin yaalla waddooyinka, goobaha waxbarashada iyo goobaha nafta lagu nasiyo ee uu ka mid yahay Seerihii Boorama”. Waxaan jecelehay in aan saddex arrimood kaga hadlo maqaalkan oo kala ah; Maxaa lagaa filayaa akhriste; Maxaan lagaa filyan akhriste iyo  Waarista hawsha Nadiifi Boorama

Maxaa lagaa filayaa?

Saddex arimood inaad samayso ayaa lagaa filaa, hadiise aanad wada awoodin mid kood fuli.

Waxaa lagaa filayaa in aad  muruq, maal iyo maan aad la garab istaagto dhallinta ku hawlan nadafaadda deegaanka. Waxaa lagaa rabaa akhriste in aad muruqaaga galiso oo aad waqti u hurto sidii loo nadiifin lahaa qashinka buuxa, haddii aanad awoodin taa oo ay duruufuhu kuu saamixi waayaan maalkaaga gali oo ha kala bakhaylin in aad bixiso wixii aad awooddo haba yaraato’e. Haddii taasi suuragal kuu noqon waydo maankaaga ama caqligaaga ku taageer ducana ugu dar. Waxaa kugu filan in aad u ducayso oo aad  ka sheegto hadal fiican si ay dhiiri galin ugu noqoto.

Maxaan lagaa filyan akhriste

Fadhi-ku-dirir lagaama filayo. Haddii aad aragti fiican hayso la wadaag bahda Nadiifi Boorama balse dhalleecayn iyo dacaayad raqiis ah lagaama filayo. Lagaama filayo in aad hagar daamo ku samayso bahda Nadiifi Boorama. Lagaama filayo akhriste in aad qashin ku daadiso aqalkaaga gudihiisa, dibaddiisa, waddooyinka, goobaha nasashada iyo goobaha biyo fadhiisiga ah. Akhriste lagaama filayo in aad daad raacin ku samayso qashinka waqtiga roobku da’ayo. Haddii aanad wax khayr ah ku darsan karin afkaaga hayso, ha lagaa amaan helo duca-qabe.

Waarista Nadiifi Boorama

Nadiifi Boorama maaha arin ku dhammaanaysa bil, bilo ama sanad balse waa arin bar bilaw leh aanse bar dhamaad lahayn. Arrinka hadda socdaa waa kaar jabin balse waxaan rajaynayaa inta kaar jabintu socoto in la diyaarin doono xal waara oo horseed u noqda nadaafadda Boorame. Arrinta waarista Nadiifi Boorame waa qaybta ugu adag uguna hawsha badan una baahan tacab, kharash iyo wakhti. Waxaan rajaynayaa in dawladda hoose iyada oo kooshanaysa dadka u ehelka ah aqoonta in ay diyaarin doonto qorshasha istraatijiyda NadiifiBoorama ee 5-10 sanno.

Sideedaba in hawl la bilaabaayi way fududahay balse in la joogteeyaayi ma sahlana. Dhallinta Nadiifi Boorama ku dhawaaqday waxay ka dareen celiyeen damiirkoodii waa kuwaa shaqada fiican qabtay ee dhammaan qaybihii bulshada ee kala duwanaa midba si uga qayb qaatay balse su’aashu waxay tahay intee in leeg ayuu sii jiri karayaa olalahan nadiifi Boorama?

Waxaan qabaa in uu cimrigiisu gaaban yahay balse laga dhigi karo mid waara abid haddii laba arrimood la isla helo. Arrinka koobaad waa helista goobihii qashin kaydinta inta aan lagayn goobta qashin qubka. Arrinka labadaa oo ah ubucda nadaafadda ayaa ah in dadka la baro qaabka qashinka loo kaydiyo inta aan goobta qashin ururiska la gayn. Tani waxay la macno tahay in dhaqanka ku saabsan nadaafadda gaar ahaan qashinka la baddalo.  Waxa ay dadku ka dhigtaan dhaqan in la badalaayi waa hawl adag, habase ahaatee waa shaqo la qaban karo haddii loo diyaar garoobo.

Waxaa loo baahan yahay in la sameeyo waxa  af-ka qalaad loogu yeedho “ behavioral change” oo ah dhaqan-badal; waa iyada oo labadalayo waxa ay dadku dhaqan ka dhigteen. Arrinka dhaqan badalka Nadiifiboorama wuxuu ka soo bilaabmayaa guriga wuxuuna ku dhammanaaya goobta qashin-qubka. Tusaale ahaan xaafadda waa in la barro qaabka qashinka loo kaydiyo inta aan goobta qashin-ururiska la gayn, kadibna la baro qaabka loo geeyo goobta qashin-ururiska halkaas oo ay ka qaadi doonan cidda loo idmaday in ay gayso goobta qashin-qubka. Si loo sameeyo isbadalkaa waa in la sameeyo wacyi galin joogta ah oo leh maqal iyo muuqal.  Arrinkani wuxu u baahan yahay  in lala shaqeeyo cida u ehelka ah ee garanaysa qaabka ugu habboon ee loo maareeyo qashinka.

Gabagabadii, NadiifiBoorame waxay tusaale u noqon kartaa magaaloyinka kale ee waddanka sidoo kale waxay tusaale u noqon kartaa in haday dadku isku tashadaan ay wax wadda qabsan karaan iyaga oo aan cidkale u baahi tagin. NadiifiBoorame wuxuu halbawle u yahay caafimaadka dadka deegaanka ku dhaqan, wuxuu aragti suuban u yahay dhallinta ku mashquushay waxaan dani ugu jirin, wuxuu tusaale u yahay in ciddii fikir suubban ummadda u keentaa la garab istaagayo oo aan la odhanayn kumaa wata hawshaa.

NadiifiBoorama waa aragti caafimaad qabta yaan la wasakhayn ee sidaa ay u nadiifta u tahay haloo daayo. Dawladda Hoose iyo shirkadda qaabilsan qashin-gurka magaalada Boorama waxay u tahay fursad ee haka faa’idaystaan oo hadiyaariyaan qorshihii qashinka magalaada lagaga guri lahaa inta hawshan ololaha nadaafaddu socoto. Waxaa hubaal ah in ay dhallinta NadiifiBorama bilawday ay muddo kooban sii wadi doonan hawshan balse cida ay masuuliyaddu saaran tahay ay tahay cidda xilka u qaadday.

Nadiifi Boorama waa NadiifiBoorama

Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim