Falsafada doodda iyo muranka joogtada ah (WQ: Axmed-Yaasiin Sheekh Cumar)

Xiskiyo iyo maanku waa ehel is garabsada waxayna isu kaashadaan si cilmiyaysan la dagaalanka dhibka iyo xumaha ee lasoo darsa shakhsiga damiirka wanaagsan si dib ula qaabeeyaan garashada togan ee nolosha u horseeda guul iyo badhaadhe.

Sida dabiiciga aroortii markuu waagu baryo waxaa waqtigeedii dhacaa maalintii tagtay iyo waayaheedii balse tusaale kama dhigano wixii tagay, ta taagana ma toocsano mida soo socotana hadalkeedโ€™ba daa, waayo qorshe ma lihi oo hawlahayga qabyada ah wax ka qabashadooda cidkalaan u cuskaday .

Maansooyinkii hore waxay gubaabo iyo ididiilo u ahaayeen jiritaanka nolosheena oo waxay sawir dhaba kusoo koobi jiray kala duwanaanshiyaha iyo dhacdooyinka dhabta ah ee bini aadanka.

Waxaan jecelahay dhagaysiga maansada uu leeyahay Xasan sh muumin

Caqligii wanaagsani

Itaal inuu ka roonyahay

Bal eegoo u fiirsadaa

Goroyadu ilmaheeda

Arooribay dhigtaayo

ย Aboodigu ku laayaaย ย ย ย ย 

Shinbirtuna aroosay

Ilaxidhoo ammaana bay

Ubadkeeda seexisaa

Waa tusaale wanaagsan oo si kooban u qeexaysa caqliga wanaagsani siduu hawlihiisa u xalin karo xoog iyo xeeladโ€™ba

Mawduucani waxaan si kooban u sababayn doonaa waxyaabaha keena silsiladaha joogtada ah ee muranka oo marin habaabiya aqoon isweydaarsiga bulshada dhexdeeda .

Ficilada isdifaaca iyo adadaygu waxay salka ku hayaan heerka aqooneed iyo mabaadiida sida caadiga ah garaadka qofku la qabsaday ee uu ka dhaxlo ehelkiisa,qabiilkiisa iyo deegaankiisaba, ficilkan isdifaaca waxaa keena isbadal dareen oo ku yimaada qofka marka uu doodayo si cilmiyaysan hadii aan u dhigo qanjidhada (Adrenal glands) ayaa sii daaya dheecaamo sababa cabsi,cadho oo sii xoojiya inuu si qoto dheer ugu adkaysto doodiisa sax iyo khalad midkoodba .

Maxaa sababa in naftaada aad ku qanciso inaad saxantahay iyadoo lagaa saxanyahay ?

Erayada mawduucani ku saabsani wuxuu daaranyahay haasaawaha muranka badan ama dooda ee golayaasha la isu arko sida baraha internet-ka laga kulmo,maqaaxiyaha shaaha laga cabo iyo golayaasha siyaasada lagu falanqeeyaba oo ninba gees baas ula kaco doodiisa ilaa ay gaadho heer inoo kala gura waxaanay usii gudubtaa in jawigu isu badalo cadho iyo isdifaac cadaawadeed oo caadifadaysan si jaahilnimo ahna la isku shakhsiyad taataabto .

Qabyaaladu waxay ka mid tahay rukumadda lumiya ujeedooyinka doodaha waxaanay maskaxda ku abuurtaa xog dareen oo isku dank a dhigta inta isu bahwadaagta ah astaan colaadeedna u yeesho qabaailada kale ee isu deegaanka yihiin (diversification)

Bulshada reer soomaaliland hadii aynu tusaale usoo qaadano waxaad arkaysaa iskadaa odayaashee dhalinyartii oo qollaba qollada kale waxgaar ah ka aaminsantahay, dhamaan qabaailada soomaaliyeed qollaba cajalad gaar ah ayaa uduuban cajaladaasi si jiilba jiilka kale ugu sii xanbaaro ayay waxay uga buuxiyaan warbixinno dhiirigalinaya in xogtani sii jirto oo ah:-

  • Reerkeenaa waligeenba talin jiray
  • Waligeen geel aynu dhacno mooye geel la innagama dhicin
  • Geesi aan innaga ahayni soomali kamuu dhalan

Warbixintani waa guubaabo u badan guulaha reerku gaadhay habayaraatee hal guuldarro ah looguma darro waxaanay sheekadaasi sii jirtaa ilaa maanta oo 2017 aduunku gaadhay heer lagu kala adkaaday aqoonta casriga ah (knowledge of technology ) iyo horumarinta garaadka biniaadanka .

Maxaa sababa in ay adkaato in aqoonyahanka, indheer garadka iyo culumaduba wax isla fahmi waayay oo ninba dhinac ujeediyo xikmadda dooda

  1. Waxaa sababa in shakhsiyaadka doodaya ay jiraan cilmi nafsiga abuura jacaylka iyo nacaybka bilaa sababta ah (Prejudice) oo sababa isku muuqasho labada qof ee dooda wadaagaya.
  2. Warbixin khaldan oo ay kala aaminsan yihiin dhinacyada dooddayaa (Personal Bias information)
  3. Khilaafyo qabaaileed oo waqti hore dhacay oo raad ku reeba inta dhagwaynta ah oo abuura shaki kala fogaanshiyo kaasoo xoojiya ismaan dhaafka dooda
  4. Heerka aqooneed iyo ta garaadka oo kala hirar duwan sida fikirka iyo qiyaasta aqooneed ee wax lagu cabiro

Maaha caqliyadani cuqdadaysan inaynu qarniga sii xanbaarno oo aduunka tagay inaga reebto, dooddu waxay asal ahaan tahay goob laga korodhsado aqoon lana helo fikrado naaxnaaxsan oo kasoo maaxday dad caqli iyo aqoonba leh .

Qaabkee looga faaidaysan karaa Doodda:

  • In aan maskaxdu gaadhin xukun aan raad lahayn oo sabab u noqda dood khilaaf leh, caadifadaysan meeshana ka saarta xikmadii doodda
  • In doodda u fahano meel laga dhaxlo aqoon oo aan laga cabsan fikir ahaan lagaa saxanyahay
  • In la dhaafo xadka adag ee soo koobaya korodhsiga aqoon intaa ka balaadhan
  • Is difaaca ama dhufayska bilaa xogta ah oo aynu u badalno jaanis xog cusub ku helno
  • Heeryo dhigida rarka naxliga leh ee qabyaaladu sii fogaysay kalsoonidii la isku garabsan lahaa

Waxa qoray : Axmed-Yaasiin Sheekh Cumar Sheekh Axmed