Booliska ku sugan waqooyiga Faransiiska waxa ay toogteen laba qof oo hubeysnaa oo dhowr qof ku qafaashay Kaniisad ku taalla magaalada Rouen.
Wararka waxa ay sheegayaan in inta u dhexeysa afar illaa lix qof lagu haystay kaniisadda gudaheeda.
Booliska waxay sheegeen in mid ka mid ah dadka la afduubtay oo ahaa baadari 92 sanno jir ahaa la dilay.
Qaar kamid ah dadka la afduubtay ayaa dhaawacmay, sida wararka qaar ay tilmaamayaan.
Dableyda weerarka qaaday illaa iyo hadda lama ogaan.
Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande iyo wasiirkiisa arrimaha guddaha ayaa hadda ku wajahay goobta uu weerarka ka dhacay.
Dhacdadan waxay imaneysaa iyadoo laba isbuuc ka hor in gaadhi xamuul ah watay uu dilay 84 qof oo ka qeybgalysay dabaal deg ka dhacayay magaalada Nice ee koofurta Faransiiska.
Weerar mintidiinta ayaa waxay ku soo badanayaan dalalka Yurub, iyadoo Faransiiskana ay ka dhaceen weeraro isdaba joog ah.