Fariin iyo talo ku socota jilayaasha Sooraan iyo Jawaan (WQ: Qareen Khadar Ibraahim Aar)

Sooraan iyo Jawaan waa laba nin oo inta badan majaajileeya ama sameeya waxyabaha ay dadku ku qoslaan, balse haddana Hal-abuurnimadoodu waxa ay u badan tahay waxyaabo badan oo la odhan karo waxa ay faa’iido u tahay dadwaynaha daawada ama dhagaysta barnaamij-yadoodaa, kuwasi oo soo bandhiga barnaamijyo wax ku ool ah.

Saxibayaal Sooraan iyo Jawaanow runtii aniga laftaydu waxa aan ka mid ahay dadka idin xiiseeya mararka qaarna daawada barnaamijyo badan oo aad leedihiin oo aad dadka usoo gudbiseen, kuwaasi oo haddii loo kuur galo la odhan karo waa fa’iido iyo tala bixin ku wajahan bulshada Soomaaliyeed ee idin jecel.

Saxiibayaal Soraan iyo Jawanow waxa aan jeclaystay in aan qoraalkan idiin soo gudbiyo aniga oo ay adkaatay in aan si gaara idiin la hadlo balse hadda waxa aan go’aansaday in aan halkan idiinku soo gudbiyo talooyin aan isleeyahay saaxiibada in loo sheego ayay u baahan yihiin, iyada oo soo gudbintan talada ay ila qabaan dad badan oo idin xiiseeya.

Sooraan iyo Jawaanow waxa aad inta badan soo bandhigtaan dhacdooyin xaqiiqa ah, kana dhex dhaca bulshada Soomaaliyeed, waxa aad usoo bandhigtaan si kalsooni leh ama waaqiciya oo ay dadku aad uga helaan, waxa aad dad waynaha tustaan waxbadan oo aan isleeyahay waa ay ilaw san yihiin. Waana sababta keentay in wakhti yar oo kooban aad ku noqotaan laa Nin oo caanka ah gayiga ay Soomaalidu dagto.

Sooraan iyo Jawanoow waxa baryahan danbe saaxiibayaal aad caado ka dhigateen in Filim kasata oo aad jilaysaan ay ka muuqato lana daawado idinka oo si darandoori ah sigaar u cabaaya, iyada oo aanay jirin sabab idinku kalifaysaa in aad idinka oo sigaar cabaya aad dadka usoo gudbisaan, waayo idinku waxa aad tihiin kuwii la rabay in ay dadka xumaanta ka reebaan ee ma tihidin kuwii soo gudbin lahaa.

Waxa ay ahayd in aad soo duubtaan Barnaamijyo dadka ka wacyi galinaya sigaarka cabistiisa iyo khataraha uu leeyahay, ee may ahayn in Sooraan iyo Jawaan inta ay baakidh sigaara soo qaatan in ay bulshada horteeda lasoo fadhiistan kuna hor cabaan, may xumaateen haddii sigaarka aad cabaysaan uu qayb ka yahay barnaajidka aad markasi ku guda jirtaan ama uu wacyi galin yahay, balse intaasi midna isaga oo aan ahayn ayaa waxa aad caado ka dhigateen cabista sigaarka, taasi oo dadka qaar u arkeenba in aad shirkadaha sigaarka u xayay’siinaysaan.

Saaxiibayaal aniga oo ixtiramaya balwadiina idiin gaarka ah, haddana waxa aan ka hadlayaa waa waxa aynu wada leenahay ee inaga wada dhaxeeya, kasi oo ah, Filimada aad noo soo gudbinaysaan in ay noqdaan kuwo markasta dadka wacyigalin u ah ee aanay noqon kuwo dadka ku dhiiri galinaya xumaanta.

Waxa aan ogahay in aad in badan ka hadasheen Qaadka iyo dhibta uu bulshada ku hayo, idinka oo usoo gudbiyay si waaqici ah, madaama aad ka mid tihiin dadka aqoonta dheeraadka u leh dhibaatada uu Qaadku ku hayoi Bulshada Soomaaliyeed.

Sooraan iyo Jawaanow saaxiibayaal naga daaya sigaarkan aad ku dhex cabaysaan guryaha dhexdooda, taas waxa aan uga jeeda guri kasta oo la idinka daawado waxa aad shaashada kasoo baxaysaan idinkoo sigaar qiijinaaya, dadka waxa xun ka wacyi galiya laakiin idinku waxa xun horseed haw noqonina.

Waa in aad ogaataan in aad tihiin Macalimiin dadka wax u sheegaya, isla markaana xummo iyo wanaag kolba kii aad dadka usoo gudbisaan ayaa Illaahayna idin kula xisaab tamayaa, waxa loo baahan yahay in wanaaga aad ummadda ugu baaqaysaan uu markasta ka muuqdu barnaamij-yadiina.

Aniga oo ixtiraam gaar ah idiin haya, jecelahayna in barnaamij’yadiinu ay noqdaan kuwa midha dhala, waxaan idinkula talin lahaa markasta oo aad barnaamij soo saaraysaan waxa aad u fiican in aad ka baaraan dagteen, idinka oo ka eegaya faa’iido iyo khasaare midkee ayuu dadka u leeyahay.

Waxa dhawaan aad soo saarteen Filim yar oo gaaban oo aad kaga hadlaysaan Kufsiga Haweenka, waa sax in aad ka hadashaan soona gudbisaan dhibaatada aadka u badan ee maanta lagu hayo Haweenka, balse haddana Filimkiinaasi waxa laga dheehan karayey fariin qaldan oo ka muuqatay dhammaadkii Filimka, taasi oo ahayd in ay is gubtay gabadhii kufsiga loo gaystay, taasi oo dadka badankiisu u arkeen in uu ahaa Filim aan si fiican looga fiirsan fariinta uu gudbinaayo.

Waxa ay ahayd in Filimkaasi oo kale marka aad soo saaraysaan uu wacyigalin u batto ee may ahayn in ay meesha timaado isdil ama gubniin iwm. Waan ogahay in ay dhacdo in ay sidan oo kale ay gabdhaha qaar sameeyaan, balse taas lafteeda ayay ahayd in aad idinka ka wacyidaan oo aad keentaan xal kale oo ay gabadhu nolol fiican ku heli kari lahayd inta aad batroolka iyo dabka sheekadi kusoo gunaanadeen.

Soraan iyo Jawaanow saaxibayaal soo dhawaada, dadkuna markasta waxa ay idiin arkaan macalimiine macalimiin noqda, balse idinku Arday ha noqonina.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar