Xadhigii halgamayaasha “UFO”, doorkii Eng Faysal iyo cadaymo sugan. Q5aad (WQ: Drs. Hoodo Yuusuf)

Qormooyinki hore waxaan ku iftiimiyay ujeedooyinkii uu Jeneral Gaani jeelka Muqdisho uga soo saaray Eng. Faysal Cali Waraabe oo u xidhnaa wax-iswaydaarin iyo xatooyo.  Eng Faysal wuxuu yimi Hargeysa  Julaay, 1981-kii waxaanu markiiba ku dhaqaaqay  in uu ka shaqeeyo nidaamkii uu isagu xidhi lahaa UFFO. Jeneral Gaani  iyo  Daahir Ciid oo ahaa Taliyihii ciidamada Dhabar-jabinta.

Waxaan halkan ku iftiimin doona shirkii uu Eng Faysal   Cali Waraabe ku wanjalay halgamayaashi UFF0. Shirkaasi wuxuu  ka dhacay guri ku yaalla Xaafada Shidka oo ku dhegan Dugsiga Sheekh Bashiir, waxa gurigaas deganaa  Axmed Xuseen Caabi oo ka  mid ahaa xubnihii ugu fir-fircoona UFFO.  Kulankaas oo dhacay Ogost, 1981-kii  “oo ku beegnayd bil Ramadaan”, waxa kasoo qayb galay xubno fara badan oo ay ka mid ahaayeen  Eng Maxamed Baaruud, Axmed Xuseen Caabi iyo Prof.Axmed Jabane.

Waxa hadal dheer iyo hoga-tusaalayn soo jeediyay Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu soo bandhigay laba qodob oo kala ah:

  1. Dagaalka iyo hirdanka  ka socda  Soomaalia wuxuu u dhaxeeyaa Mareexaan iyo Majeerteen, maslaxada Reer Sheekh Isxaaqnawaxay maanta ku jirtaa in la taageero Taliska  Maxamed  Siyaad Barre, waana in laga  faa’iidaysto fursada dahabiga ah “Golden Chance “. Sidaa awgeed, waxa haboon in lala shaqeeyo  Maamulka Sare  ee Goboladda Waqooyi, taliyena  ka yahay Jeneral Gaani. Wuxuu Jeneral Gaani diyaar u yahay  iskaashi buuxa, waxaanu ganacsatada waawayn u furi doona “Franko Valuta “, aqoonyahanada iyo mutacalimiintana  wuu  meelayn doona.
  2. Nimanka qurba-joogta ah ee Londonkaga dhawaaqay ururka SNM,April 1981, khalkhal  iyo xasilooni darro ayay gelin doonaan  Goboladda Waqooyi , siiba caasimadeena Hargeysa, siday Jabhadii  SSDF halaag u gelisay Gobolka Mudug. Sida awgeed, waa in laga hortaga SNM  oo nabadgelyadeena la ilaaliyaa.

Ajandayaasha Eng Faysal  Cali Waraabe soo bandhigay waxay fajaciso ku noqotay xubnahii UFFO ee shirka fadhiyay oo u badnaa shaqaale-dawladdeed iyo  aqoonyahano kasoo noqotay dibedda. Waxay kula taliyeen Eng Faysal in uu ajandayashaas u geeyo ganacsatada iyo siyaasiyiinta waawayn ee Muqdisho jooga. Waxay u sheegeen in ay ayagu yihiin shaqaale iyo waxgarad kaalmeeya hawlaha samafalka, shaqana  aanay ku lahayn siyaasadda iyo ganacsiga.

Eng Faysal jawaabtaa muu jeclaysan,  goobjoogyaashi shirkaa ka qayb galayna dhammaantood xabsiga ayaa loo taxaabay bishii Noofambar,1981-kii. Qaabkii loo xidh-xidhay  iyo doorkii Eng Faysal ka qaatayna waxaynu  kaga sheekayn doona qormadda 6th  ee soo socota.

Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

yhoodo@yahoo.com.