Qaramada Midoobay waxay walaac weyn ka muujiyeen xidhiidhka Boko Xaraam iyo Daacish

Xidhiidhka kooxaha Daacish iyo Boko Xaraam oo soo kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa ayaa waxa walaac weyn ka muujiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xilli Nayjeeriya maanta martigalinayso shir ku saabsan sida loola dagaalami  lahaa kooxaha xagjirnimada.

Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in Boko Xaraam ay sii waddo waxyeelaynta nabadda iyo deganaanshaha Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.

Kooxda hubeysan ee Nayjeeriya ayaa sannadkii hore ku dhawaaqday in ay daacad u tahay kooxda Daacish, waxaana lagu soo warramayaa in ay Liibiya u dirto dagaalyahanno ku biira kooxdaasi.

Hasayeeshee heerka xidhiidhka ee ka dhaxeeya labada kooxood ayaanan la ogeyn.

Shirka ka dhacaya Nayjeeriya ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyayaasha Galbeedka Afrika iyo sidoo kale Madaxweynaha Faransiiska Hollande.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska Philip Hammond, ayaa isna ka mid ah madaxda shirka ka qeybgalaysa.

bandhige@gmail.com