“Tani waa warqad furan oo aan u direy Kooxda Akhriska ee Qalin-Leef ee magaalada Winibeeg (Winnipeg) ee dalka Kanada oo lahaa wadatashi bishan 7deedii.”
Gacaliyeyaal,
Muuse (NNKH) ayaa Eebbe ka baryey in laabta loo ballaadhiyo, hawsha loo fududeeyo, iin wixii uu islahaa gudashada xilkaaga ayey kaa horjoogsanaysaana laga tirtiro (Daaha 25 – 28). Waa inoo eegasho haboon markasta oo hawl baaxad weyn leh la gelayo – baaxad u weyn sida ta akhriska iyo hawlaha la halmaala.
Ducadaas anigoo kaashanaya kadib, waxa sharaf ii ah inaad fursad ii siisaan in aan idinla wadaago kulankiinan anigoo idinka maqan. Ajiibkaygii sharfintiinu waa qormadan hortiina taal. Waxa iyadna sharaf kale ii ah inaad igu martiqaadaan kulanka aqooneed ee 25ka bishan lagu ballansan yahay. Waxaan ka cudurdaaranayaa in aanan bal cad bixin karin ilaa laga gaadho 17ka bisha oo ay ii kala caddaanayaan fursad in aan u heli karo hawshaa iyo in kale. Si Alle badane, hadday suurtoobi weydo, quluubta ayaa idin la joogta.
Labadaas jeer ee aad i maamuusteen ma ahayn waxaan idinka mutay ee waa waxaad igu galladaysateen. Idinka ayuunbaana milgaheeda leh.
Hoos waxaan idin kula wadaagayaa waa isku sidkanaanta akhriska, afka iyo aqoonta iyo kaalinta koox akhris uga bannaan. Qormadan gaabani eegi mayso qaab dhismeedka urur ahaaneed iyo kartida fulineed ee koox ahaaneed. Waxay ku egtahay waa dhinaca qaradka jiritaankooda.
Intaan hawshan ku jirey, waxa maanka si uun ugu jirtey su’aal saaxiibkay Khadar Muxumed Idiris maalin hore isoo weydiiyey oo ahayd ‘Maxaa wax loo akhriyaa?’ Su’aal uga haboon inay isweydiiyaan koox akhrisna ma jirto; meel kaga haboon in lagaga jawaabo kooxdaas dhexdoodana ma jirto.
Gacaliyeyaal,
Baaxadda hawshu waa mid la mug ah qiimaha afka marba haddii akhrisku yahay mid ku sidkan afka. Waxaan ogsoonnahay in aadmigu keli ku ahayn tebinta xogta ee uu la wadaagayo xayawaanka kale. Waxa kale ee aan ogsoonnahay in aadmigu keli ku ahayn samaynta cod ama codad kala jaad ah. Digaagu haddii ay arkaan ey, bisad ama xayawaan kale oo halis ku ah, tusaale ahaan, markaaba cida ayey isku daraan ‘dug-dug-dugaag.’ Bal u fiirso codkaas iyo ka waaberiga diigu sameeyo sida ay u kala gedisan yihiin, ‘guu-gu-guu-guu.’ Waxase aadmigu keli kaga yahay xayawaanka intiisa kale waa afka oo Eebbe inoogu manasheegtay inaan ku helnay naxariistiisa (Ar-Raxmaan 4).
Maamuuska uu Eebbe ku galladay Aadan (NNKH) ayey ahayd in la baray magac oo dhan (Al-Baqara 31). Tan iyo Aabo Aadan (NNKH) dabadii, ma joogsan aqoongoobka dadku iyo galadda waxbarista ee Eebbe. Qisada Khadar iyo Muuse (NNKH) waxaad arkaysaa in Khadar loogu deeqay naxariis lana baray aqoon (Al-Kahfi 52) iyadoo la isku mataaneeyey naxariista iyo aqoonta. Aqoontaas waxa saldhig u ah waa afka oo ah weelka sida iyo gaadiidka gudbiya aqoonta. Labadaas awgoodna, afku waa ka ina dhaxalsiiya xogtii, tabihii, iyo quruxdii ay arkeen, maqleen ama suureeyeen dad aan dal iyo duni maanta inala joogin.
Sidaasoo ay tahay, waxa Maxamed (NNKH) ugu horreynba la faray in uu akhriyo iyadoo Eebbe cid waliba uga ogaal badan yahay in aan Maxamed (NNKH) aanu waxna akhrin, waxna qorin. Halkaasayna kusoo afmeerantay taxihii kasoo unkamay amarkii bilowgiiba Aadan (NNKH) la siiyey ee ahaa ‘U sheeg iyaga [malaa’iigta] magacyada waxaas…’ (Al-Baqra 33) iyo kii ugu dambeeyey oo ahaa ‘Akhri magaca Eebbe…’ (Al-Calaq 1). Bal u fiirso labadaas dhacdo. Marka hore waxa loo bandhigayey malaa’iigta waxa Aadan (NNKH) Eebbe baray, marka dambe waxa loo bandhigayey aadmiga waxa Maxamed (NNKH) Eebbe baray; marka hore aadmigu wuu xusuusnaa Eebbe, marka dambe way ilaaween; marka hore halka Aadan (NNKH) ka taxay wax la magacdhabo, Maxamed (NNKH) wuxuu ka ahaa ummi.
Gacaliyeyaal,
Waxaad moodaa in sidii laga soo tebiyey in Maxamed (NNKH) uu yidhi aan asal ahaanta guud kala mid nahay ‘Ma ihi ku wax akhriya.’ Laga soo bilaabo marka uu dhasho ilaa uu godka ka gelayo, aadmigu waa kii maalin walba la kulma wax uu ka aqoon la’yahay – garawsayaa aqoondaradiisaas ama ku gayaxsanaayaaba. Waakaas dareenadiisa shanta iyo caqligiisa sida uu joogtada ugu adeegsanayo wax ku baranaya marba erey.
Akhrisku marka hore waa qiraal in wax kaa dhiman yihiin. Waa qirashada in aanad ku kaaftoomayn waxa aad haysato oo keliya ee aad u baahan tahay wax gacanta qayrkaa ama Eebbe ku jira, hadday tahay sifo madadaalo, xog, farsamo ama wax kaleba. Waa bu’da ahaanshaha aadamaha oo ah ku dhiman, baahiyo badanna leh. Dhanka kale, akhrisku waa rajo. Waa rajada aad ka qabto in waxaas kaa dhiman laguugu yaboohi karo. Waa rajada aad ka qabto in baahidaada iyo hulooyinka kugu bannaan gufeysmi karaan. Waa rajada aad ka qabto qayrkaa iyo Eebbe wixii aad keligaa iskaga filnaan kari weyday inay kaaga toosaan. Ugu dambeynta se, akhrisku waa buuxinta muggaaga qof ahaaneed. Waa u tebinta wixii aad ka korodhsatay qayrkaa iyo Eebbe inaad ku dhisto heerka ugu sarreeya ee qof ahaan aad noqon karto. Waa awdista dhinnaantaada iyo ka jeelbaxa baahiyahaaga, labadaba wixii aad ka kartid.
Inkastoo akhrisku yahay wax qof ahaan loo qabto, qof ahaanna saamayn kuugu leh, haddana akhrisku isla markaa waa wadaaga macnaha, sidaas darteedna waa arrin iyo hawl bulsheed. Wadaaga macnaha oo meesha ka baxaa waa afka oo meesha ka baxay oo iyaduna ah in wax isku gudbin meesha ka baxday. Sidaas darteed, waxa inoo hadhi karaa waa uun ilhaamin sida xayawaankaba Eebbe ugu ilhaamiyo noloshooda. Sidaasaa marnaba akhrisku u noqon karin wax qof ahaaneed ee uu u yahay macno wadareed ama wadaag ah.
Tani meesha kama saarayso in macnihii guud macnayaal gaar ahaaneed lagala sii kala baxo oo fahamka lagu kala gedisnaado inkastoo waxa la arkayaa wax isku mid ah yahay. Awooda dareemayaasheena iyo ta afku uu ku qaadi karo macno qeexan oo sugan wixii dareenka iyo caqligu isla kaashadeen labaduba waa kuwo xadidan.
Gacaliyeyaal,
Su’aasha idiin taal waxay tahay halkee ayey ka gali karaan hawsha baaxadda intaas le’eg leh Kooxda Akhriska ee Qalin-Leef?
Sida aad ka wada warqabtaan, geyiga Soomaaliyeed iyo dibeddiisaba, maanta waxa ku kordhaya akhristayaasha Soomaaliyeed dhisidda kooxo akhris. Intooda u badan way iskaga eg yihiin sida urur ahaan ay u dhisan yihiin, iyo hawsha ay qabtaan. Waa kooxo ka kooban akhristeyaal tiro ahaan u kooban, leh hab maamul isla markaana leh kulamo la sii qeexay xilligooga, oo hal qof oo buug soo akhriyey kooxdaas iyo dadweyne kale oo kala qaybqaataba ugu soo bandhigo buuggaas af Soomaali. Intooda badan waxay ka siman yihiin buugta aan la akhriyin ee kama sinna kuwa la akhriyo. Badankoodu waxay diidaan in la soo bandhigo buug male awaal ah (fiction).
Ammaan weyn waxay ku leeyihiin kooxahaasi waa in ay fureen haasaawe cusub oo aad uga gedisan kii awal – waa haasaawe aqooneed. Waxay kor u qaaday ka warhayntii qoraayo iyo aragtiyo imika ahaan aad loogu dhego nugul yahay. Waxa kale oo ugu yaraan hal mar bishii ka horjoogsadeen dhallinyar badan oo ku lumin jirey wakhtigooda arrimo badan oo aan waxtar badan u lahayn. Laakiin ka sheekaynta ammaanahooda badan waxa ka haboon in loo fiirsado dhaliilahooda si Qalin-Leef iyo koox kasta oo kaleba uga faa’iideysan lahaayeen.
Gacaliyeyaal,
Sida aad kor ka dheehan kartaanba, dhaliisha koowaad waa qofka kelinimo wax ku soo akhrinaya ee dadka hor imanaya. Waxa quman in buugga la soo wada akhriyo, ama ugu yaraan dadka badhkii soo akhriyaan, dabadeedna la iskula yimaad fahamyo laga kala dheegtay.
Garashadu waa biiro ee qofkii soojeedinta sameeyey iyo kuwii ka dhegaystayba waxa haboonayd inay wax ka wada korodhsadaan isla kulankaas halkii qofka soojeedinta lahaa uu ka noqon lahaa bare oo kale. Kooxaha dalkii waa wax laga garaabi karo in aanay taasi samayn maadaama ay adag tahay in buugaas la wada helo. Dalalka se ay fududahay in buugta la wada helo, qiilku wuu yaraanayaa.
Dhaliisha labaad ee culayskeeda leh waa in kooxaha badankoodu meesha ka saareen soojeedinta buugta male awaalka ah oo malaha ay ka dhadhamayso inay si uun ugu arkeen qaar aan lahayn qiimaha kuwa xogta iyo aqoonta kale xambaarsan. Dheefka ugu weyn ee male awaalku, sida qaybaha kale ee suugaanta, waa hodminta afka iyo tilmaamista sida qurxoon ee ereyga iyo qaabdhismeedka afka loogu gudbin karo aragtiyo kakan. Dheefse aan taas waxba ka yaraysan waa suuraysashada isbedelka iyo qiyamka toosan.
Tusaale ahaan, Juxa waxay naftiisu tustay qofka garan kara in laantu la soo dhacayso (oo ka ah qayb xaggiisa) inuu garan karo goorta dhimashadiisana (oo ka ah qayb qof kasta). Sidoo kale, Cali Beenaale waxa lagugu tusay sida beentiisii hore u dishay runtiisii dambe. Waxaadse ku qaadatay casharadaas fog ee diimeed, akhlaaqadeed, iyo caqliyeed si fudud oo ah male awaalo yaryar oo laguu rakibay.
Dhaliisha ugu weyn waxay tahay in aan ururadaasi si qoto dheer u eegin danta ay ka leeyihiin akhriska iyo kobcintiisa. Sidaan kor ku sheegnay, danta fog ee akhrisku waa buuxinta mugga qof ahaaneed iyo ka bulsho ahaaneed oo isku sidkan. Baahiyaha kala duwan ee qofku ama bulshadu waxay ku daboolmi karaan waa in marka hore la qeexo waxay yihiin, dabadeedna loo doono dawadooda gaar ahaaneed.
Lidkeeda, waxaad arkaysaa kooxo badan oo akhris oo maalinba buuggii la heli karo uun gacanta ku laaba iyagoon lahayn hadaf cad oo akhriska ay ka leeyihiin. Hadafkani waa kii akhriska ka dhigi lahaa wax lagu qunsado dantaada ee aan u arkayn akhriskaba halka loo socdo. Yoolka cad waxa kale ee uu keenayaa kala soocidda dadka ka mid ah kooxda iyo kuwa aan ka mid ahayn. Kooxahani dadka ka midka ahi ma aha kuwo si gaar ah uga akhris badan bulshada inteeda kale. Buugta la soo bandhigaana ma aha kuwo si gaar ah hoosta uga tolan. Sidaas darteedna, halka loo socdo imika ahaan waxay ka dhigteen waa uun in wax la akhriyo.
Gacaliyeyaal,
Gunaanadkii, waxaad arkaysaan inaan ka dhawrsaday in dariiq gooni ah aan taladayda ku jeediyo. Taasna waxaan sidaas u yeelay waa anigoo yaqiinsan in weydiimaha idinka idiin yaala aanu u heli karin qof kale jawaab waafi ah. Waxase kor aan idin kula wadaagay waxyaabo u baahan in aad hoos u deydaan oo aad ku eegtaan kooxdiina. La arke, kooxdiinu in ay horseed u noqoto dhismaha dad iyo bulsho kobocsan.
Guulaysta…
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Mukhtaar Xasan Maydhane
Jaadadka Keligii-Taliyaha Reer Afrika
In Defense of The Defenseless: Both Somalis and Cadaan
maidhane@yahoo.com