HAVOYOCO oo Raashin u qaybisay qoysaska ay abaaruhu saameeyeen ee Gobollada Gabiley iyo Ceerigabo

Sida aynu ka wada  warqabno waxaa waddankeena saameeyeey abaar baahsan taas oo galaafatay xoolihii iyo deegaankiiba ummaddu manaafacaadsan jireen labadaba, waxaase Illaaahay mahadiiya in roobabkii gu’gu ka curteen guud ahaanba Somaliland.

Iyadoo roobabku curteen, haddana waa xilliga dadku ugu baahida badan yihiin, maadama xoolihii iyo duunyadiiba ka madheen, waqtina ay qaadan doonto xilliga ay ka soo kaban karaan abaarta.

Hay’adda waddaniga ah ee HAVOYOCO oo ka warqabta xaalada adag ee ay ku sugan yihiin dadkii ay abaaruhu saameeyeen,  ayaa tobodaadkii ina dhaafay  dabayaaaqadiisii deeq  raashiin ah gaadhsiiyey 130 qoys  oo ka mid ah dadkii ugu liitay ee abaaruhu saameeyeen ee deeganka Marda ee Gobolka Gabiley, Genbi iyo ceel-qoray ee Goboloka Sanaag, deeqdan ayaa ka koobnayd bariis , sonkor, daqiiq, timir iyo saliid.

Munaasiibaadaas raashin qaybinta ah waxaa ka hadlay masuuliyin ka socatay HAVOYOCO iyo madaxada degamada Gabiley iyo maamulka degaankaas.

Waxa ka soo qaybgalay Mayor-ku-xigeenka degmada Gabiley, Xilidhibaano iyo masuuliyiin kalla duwan oo ka socda labada gobol.

Munaasibadahaas Raashin Qaybinta Waxa hadalo ka soo jeediyay Cabdilaahi Maxamuud Xasan oo ah Wakiilka Somaliland u fadhiya hay’adda HAVOYOCO, waxaanu uga mahad celiyey  Maamulka deeganka Gabiley sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen diyaarinta dadka jilicsan ee deeqdan loogu  talo galay, Cabdilahi waxaa uu sheegay in aanay deeqdani ahayn tii ugu horaysay ee HAVOYOCO deeganka soo gaadhsiiso, noqona doonin tii ugu dambaysan laakiin ay halkaa dedaalka ka sii wadi doonaan.

Waxaa kale oo isna goobta ka hadalay wakiilka HAVOYOCO u fadhiya waddanka Maraykanka oo deeqdan raashinka ah  ina soo gaadhsiiyey Maxamed Xassan, waxaanu faah-faahin ka bixiyey sidii ay u soo gaadhisiyeen iyo dedaalkii ay u soo mareen hawshan isaga ka waramay  dhibaatada ay abaaruhu leeyiin, waxaanu aad ugu mahadnaqay deeqdan uu ka soo ururuyay dadka Soomaalida ah ee degen magaalada Columbus Ohio ee carriga Maraykanka.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta deegaankan deeqdan la gaadhsiiyey oo ka hadlay deeqda la gaadhsiiyey ayaa ka mahad-celiyey deeqdan. Waxayna sheegeen in deeqdan wax badan ka tari doonto baahiyaha haysta dadka abaareysan ee la gaadhsiiyey.

Maayarka-ku-xigeenka Gabiley Cabdi Iid Goole  oo qaybinta deeqdaa ka qayb-qaatay, ayaa u mahad-celiyey HAVOYOCO  Waxaanu yidhi:

“Raashinkan  waxa na soo gaadhsiiyey HAVOYOCO , waxaanu leenahay Illaahay ha idinka abaal-mariyo.”

Waxaaanu sidoo kale tilmaamay mashaariicda horumarineed ee HAVOYOCO deegaanka gabiley ka fuliso  iyo sida ay bulshada mihiimada ugu leeyiihiin.

Geesta kale HAVOYOCO waxay deeqan raashinka mid la mid ka qaybisay qaybo ka mid ah gobolka Sanaag gaar ahaan tuulooyinka Genbi iyo Ceel-qoray

Waxaana la gaadhsiiiyey 80 qoys oo ka mid dadkii abaaruhu saameeyeeen  ee ku dhaqan deegaaanadaas

Maamuulka degaanadaaas  ayaa gacamo furan ku  soo dhawayey uguna mahad celiyey HAVOYOCO wax tarkaa balaadhan ee gaadhsiiyeen ummadda tabaalaysan

Gababadiina waxaa ugu mahad celiyey sidii wanaagsanayd ee ay ugu qayb qaateen qaybinta raashiinakaas Xassan Axmed Xayir oo wakiilka HAVOYOCO ee gobolka Sanaag  waxaanu hadalkiisii ka miid ahaa:

“Markaynu isku naxariisano ayuu Illaahayna in oo ranaxriisanayaa.”

Hayada HAVOYOCO waxay u taagan tahay taakuleynta, taageerida iyo kor u soo qaadida nolosha dadka dhibaataysan ee abaaruhu saameeyeen, waxaanay cod dheer bulshada ku leedahay waa in la is taakuleeyo oo ninba ninka uu ka gacan sareeyo taageero, gacmo wadda jirbaa wax lagu qaban karraa.

 

bandhige@gmail.com