Xoghayaha guud ee FIFA oo loo magacaabay gabadh u dhalatay Sinigaal

Fatma Samba Diouf Samoura oo u dhalatay waddanka Sinigaal ayaa waxa loo magacaabay in ay noqoto xoghayaha guud ee FIFA.

Fatma ayaa waxay muddo 21 sanno ah u shaqaynaysay Ha’yadda Qaramada Midoobay, waxaanay haatan aheyd isku xidhaha arrimaha bani’aadamnimada iyo wakiilka UNDP u jooga Nayjeeriya.

Magacaabisteeda ayuu Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino kaga dhawaaqay kulanka 66aad ee FIFA, kaasi oo lagu qabtay Mexico.

Sida qeynuunka FIFA yahay, waxaa la hubin doonaa sida ay ugu haboon tahay xilkaasi oo ay sameynayaan guddi madax banaan.

Fatma ayaa waxay bilaabi doontaa badhtamaha bisha Juun, inkasta oo uu Madaxweyne Infantino ku dheeraaday ammaanta qibradeeda shaqo oo uu filayo in ay wax badan ku kordhin doonto FIFA.

Fatma ayaa waxay waxbarashadeed sare ku qaadatay luqadaha Ingiriiska iyo Isbaanishka jaamacada Lyon, sidoo kalena waxbarashadeeda koowaad ee jamaacadana waxay ka qaadatay ganacsiga machadka IECS.

bandhige@gmail.com