Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo lagu naanayso “Mr LABA”, loona bixiyay markii uu 2 cod helay tartankii uu la galay Marxuum Cigaal, waxa lagu yaqaan madax-adayg siyaasadeed iyo mucaaridnimo mutuxan.
Wuxuu mucaarid mutuxan ku ahaa Marxuum Cabdirahman Tuur, Marxuum Cigaal , Madaxwayne Riyaale iyo Madaxwayne Siilaanyo.
Waxa kale oo loo bixiyay “Keligi Saxane”. Eng Maxamed Xaashi wuxuu had iyo jeer sheega lacagayo ka badan Boqolal Milyan oo doolar oo la musuqmaasuqay, isaga oo aan cadayn soo bandhigin. Wuxuu ku tiraaba in waddanka waxa lagu maamulaa qabyaalad, eex, qaraabo kiil iyo nin jeclaysi.
Dunuubtaas faraha badan wuxuu ku eedeeyaa dadka aan ku abtirsan Qabiilka iyo Qoyska uu isagu kasoo jeeedo. Tusaale ahaan, kamuu hadal musuq-maasuqa wayn ee dhawaan saxaafadu soo bandhigtay ee lagu eedeeyay Marwo Samsam. Kamuu hadal beeraha iyo dhulka uu dhacay Col. Muuse Biixi ee dadkii lahaa hortuban yihiin Maxkamadaha. Maantana Eng Maxamed Xaashi waxuu amaan kula dul kufay Madaxwayne Siilaanyo, markii uu digreeto kusoo saaray in lixda gobood ee muranku ka taagan yahay laga qabto “ Diiwaan gelin”.
Eng Maxamed Xaashi wuxuu qaatay mowqifkii Suldan Maxamed Cabdilqaadir iyo Suldaan Sabayse ee ahaa dhulkaa waxa iska leh “Isaaq “ ama “ Sacad Muuse “.
Wuxuu muujiyay qabyaalad cad oo aanu geedna ugu soo gaban. Waxa haboonayd in uu Eng Maxamed Xaashi dib ugu noqdo distoorka qaranka iyo kala xadayntii Somaliland ee lixdankii, kana foogaado caadifada qabyaaladaysan.
Drs.Hoodo Yusuf , London, UK.