Golaha wakiilada ee haatan ku dhow in ay laba iyo toban jirsadaan ayaa waxay maanta fadhigoodii ku meelmariyeen cod aqlibiyad ah go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday laba doorasho ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda.
Fadhigan saaka ayaa waxa joogay 59 xildhibaan, kuwaas oo 52 ka mid ahi ogolaadeen go’aanka Madaxweynaha halka 5 xildhibaana diideen go’aankaasi, sidoo kale Guddoomiyaha shir-gudoonkuna muu codeyn.
Guddoomiye-ku-xigeenka golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo isagu shir guddoominaayey fadhigan saaka oo waraabinta la hadley waxaa uu sheegay in go’aankooda Maxkamadda Sare loo gudbin doono isla markaana muddo kordhinta golaha wakiilada loo sameynaayo mudada ay noqon doonto ay go’aan ka gaadhi doonan golaha guurtidu.
Xisbiga Waddani oo ka biyo diiday go’aanka Madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho ayaa waxa la filayaa in ka hadlaan go’aanka Golaha wakiiladda ee taageeray kala qaadista Madaxweyne Siilaanyo, inkasta oo uu Guddoomiye Waddani Cirro ay saaaxibadii taageeraa muujiyeen balse wali waxaan la ogayn jawaabta Cirro ee baarlamaanka.