Cali Warancade oo la sheegay in uu ka noqday qabashada xilka wakiilka Somaliland ee Itoobiya

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday, ayaa ka noqday goโ€™aan uu ku aqbalay inuu noqdo wakiilka Somaliland u qaabilsan Itoobiya.

Cali Maxamed Warancade, ayaa warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay waxay xaqiijinayaan in uu la tashiyo badan ka dib goโ€™aan ku gaadhay in aanu qaadan xilka wakiilka Somaliland u fadhiyi doona Addis Ababa, waxaanay wararku intaas ku dareen in Warancade Madaxweyne Siilaanyo gaadhsiiyay goโ€™aankiisa cusub.

Warkan uu Geeska Afrika helay wuxuu sheegayaa in Warancade Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inuu u magacaabo la taliye islamarkaana uu masuul kale u magacaabo wakiilka Somaliland ee Itoobiya.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa isku dayay in uu Cali Warancade weydiiyo mawqifkiisa rasmiga ah iyo waxa ka jira wararkan, laakiin uma suurtogelin.

Hase yeeshee Cali Warancade, ayaa la sheegay in uu goโ€™aankan cusub qaatay kadib markii uu la tashiyo badan la sameeyay taageerayaashiisa, kuwaas oo u soo jeediyay in uu iska casilo xilkan.

Cali Warancade ayaa goob fagaare ah oo uu ku wareejiyay xilkii wasaaradda arrimaha gudaha wuxuu ku cadeeyay in uu isagu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday in loo magacaabo wakiilka Itoobiya islamarkaana uu aqbalay in uu qabto xilkaas, waxaanu markaas beeniyay warar soo baxay oo sheegayay in uu Madaxweyne Siilaanyo xilkaas ka diiday.

bandhige@gmail.com