Ku: Madaxweynaha/ Baarlamaanka JSL
Ujeedo : Garnaqsi Gobolnimo doonka Gabiley gar mise gardaro?
1.Warbixin kooban Deegaanka Gabiley
Mudane Madaxweyne, Golayaasha Sharci dajinta,
Deegaanka Gabiley waa degmo darajadeedu tahay (A) marka loo eego nidaamka qiimaynta degmooyinka Somliland, Gabiley waa degmada kali ah ee la darajo ah caasimadaha lixda gobol ee rasmiga, waxaad ka war qabtaan dhaqaale ahaan in deegaanku yahay goobaha ilaha dhaqaalaha Somaliland, dhul ahaan baaxada deegaanka waxaa lagu qiyaasaa 4,300 km2.
Mala’awaalka tirakoobyadu waxay qiyaasayan inay deegaanka ku nool yihiin tiro dad ah oo dhan 200,000, Dad badnida deegaanka waxay keentay in lagu loolamo, laguna xisaabtamo xiliyada doorashooyinka iyadoo lagu harawsado halka ay u nugul yihiin oo ah Gobalnimo. Mudane Madaxweyne aan ka xasuusiyo wakhtigi doorashada waxaad ku olalayn jirtay in aad Gobolnimada Gabiley aqoonsan doontaan balse markii aad kursiga fuushay Shacabkii Reer Gabiley ee kuugu codeeyay Rajada Gobolnimadooda wali waa kaa dhursugayaan.
Deegaanka Gabiley waa deegaan caan ku ah wax soo saarka beeraha waxaa lagu qiyaasaa inay ku yaalaan 27,000 beer roobaad ah iyo 3,500 beer waraab ah, 66% wax soo saarka Gobolada Galbeedka Somaliland waxaa laga soo saaraa deegaanka Gabiley ay maamusho, Deegaanku sido kale waa xoolo dhaqato waxaana badanaa lagu dhaqaa Lo’da iyo adhiga, waa teel teel geeluna.
Deegaanka Gabiley waxa uu caan ku yahay waxbarashada, waxaa wax kusoo bartay aqoonyahano gayiga Somaliyeed caan ka noqday, Halka ay dhalinyartii wakhtiyadii danbe Deegaanka Gabiley wax kusoo bartay laftoodu aad uga muuqdaan Goobaha shaqooyinka Somaliland, Deegaanka waxaa ku yaal Jaamacad, sideetameeyo Iskuul Sare/dhexe, ardayda wax ka barata waxa ay ku dhaw yihiin 20,000 arday.
Deegaanka waxa kaso mudhay ama dhalasho ahaan kaso jeeday/jeeda dad labeen baal dahab ah ku leh bogaga taariikhda, Isla markaa magacoodu xuduudaha Soomaaliyeed ka gudbay waxaa ka mid AHUN Abwaan C. Suldaan Timacade,Ganacsade Jaamac Oomaar, Ganacsade X. Axmed Daahir cumar Baxsane, AHUN Ganacsade Ibrahim Cabdi Kaahin (Ibrahim dheere), AHUN Ganacsade Maxamed Cabdilahi Kaahin (Xoogsade), Prof. Axmed Ismacil Samatar, Abdi Ismacil Samatar, MO Farah iyo Qaar kale oo badan.
Gabiley oo gobol noqotaa waxay ahayd rajada ugu wayn ee reer gabiley mudo nus qarni ku dhaw, walise laguma guulaysan, loomana ansixin Gobolnimo buuxda, Hadaba Reer gabiley ma iyagaa gar daran oo doonaya gobolnimo aanay u qalmin mise iyagaa gar leh oo waa la duudsiyayy xuquuqdaasi? Deegaanka Gabiley ma u qalmaa Gobolnimo mise waa sadbursiimo ay rabaan?
Mudane Madaxweyne, Golayasha Baarlamaanka, Reer Gabiley gar ayay u leeyihiin inay helan Gobolnimo buuxda marka loo eego Sharci ahaan,dhaqaale ahaan, Dad ahaan, Dhul ahaan iyo istaraajiyad ahaanba, Deegaanku waxa uu buuxiyay shuruudihii Gobolnimo sida ay Somaliland u buuxisay shuruudihii dawladnimo. Waxaa laga yaabaa inaad is waydiinaysaan sida dhibta yar ee aan uga falceliyay su’aalaha sare in Gabiley Gobol u qalanto, Balse Garnaqsigayga iyo doodaha aan cuskanayo waxaan si faahfaahsan ugu falaynqayn doonaa qormooyinka danbe ee garnaqsigan.
Lasoco Q2aad
Fu;aad Cabdillahi Xasan
Qalinmaal.blogspot.com
Hargeisa,, Somaliland