Baadhitaannadii FIFA oo weli socda, Sepp Blatter iyo xubno kale oo lagu eedeeyey xoolo-urursi

FIFA President Sepp Blatter (R) and Julio Rocha (L), president of the Nicaraguan Federation of Football (NFF), inaugurate a new football stadium in Managua April 14, 2011. REUTERS/Oswaldo Rivas

In kastoo uu sannad ka hor is casillay Madaxweynihii Xidhiidhka Kubadda Caalamiga ah ee FIFA, haddana waxa weli soconaya baadhitaannada lagu hayo khaladaad lagu tuhunsan yahay in uu sameeyey.

Maamulka  hadda ee FIFA ayaa tibaaxay in shirkadda qareennada u ah oo la yidhaa Quinn Emanuel ay soo ogaatay in Madaxweynihii FIFA Sepp Blatter, Xoghayihii Guud Jerome Valcke iyo Xisaabiyihii Guud ahaana Madaxweyne-Xigeen Markus Kattner ay ku kaceen dhaqaale urursi iyagoo isku qoray lacago xadka ka baxsan oo ay ku sheegeen dhiirigelin iyo mushahar-kordhino.

Blatter waxa lagu haystaa 11 milyan oo Doollar oo sharciga baal-marsan, Vlacke 9 milyan halka Kattner lagu haysto 3 milyan oo Doollar.

Baadhitaannadan ayaa lagu sheegay in ay hor-dhac yihiin laakiin la sii wadi doono.

Maamulka ururkan ciyaaraha dunida ugu weyn ee FIFA ayaa dhibaato weyni ka soo gaadhay fadeexado musuq-maasuq oo Maraykanku ku eedeeyey sannadkii la soo dhaafay taas oo sababtay in tuhun lagu soo oogo 42 masuul oo ay ku jiraan Golihii Fulinta oo isku dhan. Taasi waxay sababtay in Madaxweyne Sepp Blatter is casilo kadibna bishii labaad ee sannadkan la doorto  Gianni Infantino.

Waxa weli ku socda ururkan isbeddel iyadoo la filayo in laga nadiifiyo dhammaanba hoggaankii hore ee ururkan.

Hoos ka akhriso warbixino hore oo Bandhige ka diyaariyey FIFA

Gianni Infantino oo ku guulaystay Madaxweynenimada FIFA

FIFA oo ku dhawaaqday musharaxiinta u tartamaya jagadda Madaxweynenimo

Musharaxa Madaxweyne ee FIFA Amiir Cali waxa uu ka soo horjeestay in dib loo dhigo doorashada

Shariikadihii FIFA maalgelin jiray, Coca Cola iyo McDonald’s, waxay ku baaqeen in Sepp Blatter dhakhso isku casilo

Baadhitaannadii FIFA oo la filayo in ay galaaftaan xubno iyo ururro hor leh

Xoghayihii FIFA oo shaqadii laga joojiyey eedo musuqmaasuqna loo jeediyey

Ninkii labaad ee Afrikaan ah ayaa isku sharaxay jagada madaxweynenimada FIFA

FIFA oo magacowday madaxa dib- u-habaynta iyada oo ay dul hoganayaan eedaymo musuqmaasuq

Micheal Platini waxa uu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay madaxweynaha FIFA

Wakhtiga ay dhacayso doorashada FIFA oo la cayimay

Madaxweyne-Xigeenkii hore ee FIFA wuxu iska difaacay eedaymo musuqmaasuq

Eedaymaha musuq-maasuq ee FIFA oo galaaftay madaxii xidhiidhka kubbadda cagta Bolivia

Iswisarlaand oo gacanta u gelisay Maraykanka 7 ka mid ah saraakiisha FIFA ee loo haysto musuq-maasuqa

FIFA waxay xayiraad maamul saareen guddoomiyihii xidhiidhka CONCACAF Blazer

Maraykanku wuxu Iswiisarlaand ka dalbaday in ay u gacangeliso saraakiishii FIFA ee la xidhay

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Laybeeriya wuxu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay madaxweynaha FIFA

Booliska Caalamiga ahi wuxu FIFA ka xanibay 24.4 milyan oo Doollar

FIFA oo dib u dhigtay kala-xulidda waddamada u tartamaya martigelinka Koobka Adduunka ee 2026-ka

Caddaymaha musuq-maasuqa ee soo ifbaxayaa FIFA miyay gilgili doonaan mise way gambin doonaan?

Xubin ka mid ah Guddidii Fulinta ee hore ee FIFA ayaa qirtay eedaymo laaluush

Fadeexadda eedaha musuq-maasuq ee FIFA waxay gaadhay heerkii u sarreeyey, ma laga noqon doonaa martigelintii Koobka Adduunka ee Qadar iyo Ruushka?

Sepp Blatter wuxu sheegay in Faraansiiska iyo Jarmalku farogeliyeen codayntii xulista marti-gelinta koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022

bandhige@gmail.com

Bandhige@gmail.com