Geesigii Geeska, Q.1aad (WQ: Cabdi Cawiye)

 

Waxaan ku bilaabayaa qoraalkayga macaga ALKUMAHA samooyinka iyo arlada iyo waxa ku dhex sugan oo dhan isagu abuuray waana ALLAH SWC. Waxaa amaan iyo sharaf mudan nabigeenii MUXAMED BINU C.LAHI intaa kadib waxaan ka cudur daaranayaa hadii ay jiraan wax qaladaad madbiciya.

BARBAARIDDII IYO WAXBARASHADIIย  GEESIGII GEESKA

Xaaji Faarax Oomar waxa uu ku dhashay Degmada Xagal ee Gobolka Saaxil, Somaliland, sannadkii 1879kii. Qoyska Reer Oomaar waxa uu ahaa xool dhaqato hodan ah oo aad looga tixgelin jiray bulshada dhexdeeda. Taasi waxay u suuro gelisay in Farax oo daโ€™adiisu aad u yar tahay uu helo waxbarasho, waxana lagu daray malcaamad qurโ€™aan. Muddo markii uu beesha dhexdeeda qurโ€™aanka ku dhiganayey, ayaa aabbihii Oomaar Ileeye u qaaday magaalada Berbera, halkas oo uu ka sii watey barashadii qurโ€™aanka kariimka ah iyo Af-carbeedka.

Ka dib markii gumaystayaasha reer Yurub magaalada Berlin ku qaybsadeen dhulalkii ay boobayeen ee Qaaradda Afrika sannadkii 1884kii, ayaa waxa Somaliland qoondaysigii qori-tuuradka ahaa ku helay gumaysigii Ingriiska. Ujeedooyinka gumeysi ee Ingriiska oo badnaa ayaa waxaan kka madhnayn sidii diinta masiixiga loogu beeri lahaa Somalida oo 100% muslim ahayd. Dadka Somalidu iyaga oo og arrintaa ayey Ingriisku markii uu dalka soo galayba ay heshiis qoraal ah la galeen. Waxana ka mid ahaa qodobyadii heshiisyadaa inaan Ingriisku dalka ka samayn karin dugsiyo waxbarasho oo faafiya diin aan ahayn ta islaamka.

Nasiib-darro muddo yar ka dib, Ingriisku waxaa uu jebiyay heshiiskaas waxanu ka furay meel la yidhaaho Dhaymoole oo u dhow magaalada xeebta ku taal ee Berbera dugsi Baaderi oo lagu barto diinta masiixiga. Dugsigaas cusub oo Diinta Kiristaanka fidinteeda looga gol lahaa ayaa waxa lagu xareeyay kow iyo toban (11) wiil oo uu Faarax Oomaar ka mid ahaa.

Furitaanka dugsigaas waa laga xumaaday markii la ogaadey, waana lagu kacay oo waxa ka-hor-yimid odayaashii heshiiska amuurtaas ku saabsan hore ula galay Ingriisaka iyaga oo kaashanaya shacbweynihii Somaliyeed. Lama qoran arday dambe, waanu xidhmay dugsigaas markii dambe.

Haddaba nimankii baaderiyaasha ahaa ayaa markii ay arkeen inaanu dugsigu sii jiri doonayn, waxa ay 11kii arday ee lagu bilaabay u qaadeen magaalada Cadan si loogu soo baro diinta kiristaanka iyo tacliinta kale ee maadiga ahba. Xilligaa baaderigu Cadan u qaaday ardaydaas waxa Faarax Oomaar daโ€™diisu ahayd qiyaastii toddoba jir jir. Inamadii kale ee lala qaaday Faarax oo dhammaantood daโ€™doodu aad u yarayd waxa ka mid ahaa:

1: Ciise Faranji

2: Fideer

3: Xuseen Kaatoli

4: Axmed Cali (Micheal Mariano aabihii)

5: Maxamud Diiriye Suulaawe

Faarax Oomaar waxa la geeyey dugsi la odhan jiray Marry Church School oo ku yaalay badhtamaha Cadan. Faarax dugsigaas ayuu ku dhammaystay waxbarsahsiisa ilaa dugsiga sare halkaas.

Kow iyo tobankii wiil ee baaderigu qaatay shan ka mid ahi waxay noqdeen kiristaan lixina muslim, wuxuuna faarax Oomaar ka mid ahaa lixdaa muslimnimadoodii ilaahay u badbaadiyey. Sida laga soo xigtay dhallinyaradii ay wax wada baran jireen, waxa Farax oo awelba diinta islaamka aad u yaaqaanay caado u ahayd inuu hoosta ka akhriyo qullhuwalaha marka loo dhigayo casharrada diinta kiristaanka oo ardayda khasab ku ahayd inay bartaan.

Faarax Oomaar wuxuu dalka dib ugu soo laabatay 18 sannadood ka dib isaga oo 25 jir ah. Waxanu isla markiiba guursaday gabadh la odhan jiray Shaqlan Buureed oo Reer Berbera ahayd, waxanay u yeelatay oo alle ka siiyey wiil keliya oo la odhan jiray Jaamac Faarax Oomaar kasoo dhintay isagoo aabbihii X. Faarax Oomaar weli nool yahay. Jamac X. Farax wuxuu ifka kaga tegey gabadh keliya oo la yidhaaho Ugaaso Jaamac X. Faarax Oomaar oo ilaa hadda nool.

BILOWGII HALGANKII X. FAARAX OOMAAR

Markii uu soo dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare ee uu dalka ku soo laabtay 1904 ayaa dawladda inggiriisku u magacowday inuu noqdo taliyaha ciidamada bariga Somaliland ee Rakuublayda (Regiment sergent camel crops), taasoo ahayd markii ugu horreysey ee uu qabto shaqo dawladeed. Shaqadaas ayaa ahayd tii uu Faarax Oomaar ku dareemay gumeysigii lagu hayey dadkiisa. Faarax Oomaar oo ahaa nin ilaahay hibo u siiyey geesinimo iyo af-tahanimo,ayaa waxa uu si aan gabbasho lahayn isu hortaagay, una diiday dulmigii, cadaadintii, iyo duudsigii xuquuqda dadka Soomaaliyeed uu ku hayey gumaysigu.

Ingriiska ayaa u yeedhay Faarax Oomaar oo suโ€™aalay waxa ninka madow ku filan dhinacyada mushahaarada, raashinka iyo darajada iwm. waxanu Xaajigu ku jawaab celiyey xog xigmadaysan oo hoosta ka xarriiqaysa xeel-dheerida garashadiisa iyo fikirkiisa siyaasiga ah, waxanu Xaajigu ugu jawaabey Ingriiska in ninka madow ay ku filan tahay inta ninka cad ku filnaan karta dhinac kasta! Jawaabtani waxa ay af-kala-qaad iyo lama filaan ku noqotay Ingriiskii, waxanay horseeday in isha la geliyo Faarax Oomaar oo loo fiirsado, gaadh gaarahina uu hoosta kala socdo dhaqdhaqaaqiisa.

Markii Ingirisku ogaaday in Faarax Oomarr ka horjeedo ujeedooyinkooda gumaysiga ku dhisan, kana xanuunsanayo tacadiga lagu hayo dadkiisa, ayaa waxaa u muuqatay in Faarax yahay dhibaato ku soo fool leh maamulkoda. Waxay dareemeen in Faarax Oomaar uu yahay nin firfircoon, ilbax ah, aftahmo ah oo dadka soo jiidan kara, isla markaana lahaa aqoon sare oo aan xilligaa dalka ka jirin, sidaa daraadeed waxaa la isla gartay in Faarax Oomaar isha lagu hayo. Waxa maamulkii Ingriiisku sameeyay ciidan Somali ah oo dabagal ku sameeya, lana socda dhaqdhaqaaqiisa meel kasta oo uu joogo, kuwaasoo mushahaaro dheeraada loogu qoray.

Waxa Faarax Oomaar la geliyey cidhiidhi dhinac walba ahaa oo marba isa soo tarayey, iyadoo loo sameeyay shirqoollo iyo qoraalo been abuur ah si dambi loogu helo. Waxa mudan in la tilmaamo shirqool caan noqday oo ahaa qoraal been abuur ah oo ay sameeyeen karaanigii xafiiska Faarax Oomaar iyo rag kale oo ka mid ahaa madaxdii Soomaalida ee ciidamada Ingiriska la shaqaynaysay sannadkii 1911. Nimankaasi waxay qoreen waraaq ay ka dhigeen inay ku socoto Sayid Maxmaed Cabdille Xasan oo xilligaas dagaal kulul kula jiray gumeysigii Ingriiska. Waraaqdan oo wadatay shaabaddii iyo saxeexii Faarax Oomaar, waxa loo dhiibay askari Somali ah oo kooxda shirqoolka waday ay sii qorsheeyeen jidka uu marayo iyo xilliga uu baxayo. Ka dib waxa la sii dhigay ciidamo jid-gooyo ah tuulada la yidhaaho Ina Af-madoobe, halkaasoo lagu qabtay askarigii iyo warqaddii uu sidayba.

Markii warqaddii loo geeyey DCgii xukumayay magaalada Burco, waxa uu isla markiiba shaqadii ciidamada dawladda Ingriiska laga eryeyey Faarax Oomaar oo markaa derejo sare oo ciidan lahaa. In kasta oo Faarax laga eryay shaqadii haddana ma noqon mid ka joojisa halgankii uu kula jiray gummaystaha, wuxuuna fagaarayaasha kala hadli jirey dadka, isagoo ka dhaadhicinaya waxyeelada Ingiriiska iyo xukunkiisa, fartana ugu fiiqaya isku dirka iyo iska horkeenka qabaaโ€™ilka Soomaalida (Divide and Rule), taasoo ahayd tiir dhexaadkii siyaasaddii gumeysigii Ingiriiska

 

LA SOCO QAYBAHA DAMBE………………………

Qalinkii: Cabdi Caawiye

shaywaal12@gmail.comย