Astaamo isa soo taraya oo muujinaya in diyaaraddii Masar la qarxiyey

Xukuumadda Faransiiska ayaa goor dhawayd ku dhawaaqday in ay heshay caddaynta ah in uu diyaaradda qiiq ka kacay ka hor intii aananay burburin qalabyadii xogtebinta ee diyaaraddu.

Diyaaradda Egypt Air ee duulimaad lambarkeedu ahaa 804 ayaa ku burburtay badda Midhiteraniyaanka, meel u dhaxaysa Giriigga iyo Masar laakiin u dhaw dhinaca Masar iyada oo ka soo duushay magaalo-madaxda Faransiiska, Paris una jeedday Qaahira.

“Way adag tahay in hadda la yidhaa diyaaradda waa la qarxiyey maadaama aan weli la helin sanduuqii madoobaa ee xogtu ku duugnayd iyo qolfaddii burburka diyaaradda. Laakiin astaamaha aynu arkaynaa waxay ina tusayaan in aanay diyaaraddu si dabiici ah u burburin” ayay yidhaahdeen Kooxda Baadhitaanka Duulimaadyada ee Faransiisku.

Kooxda baadhitaanku waxay sheegtay in daqiiqad ka hor wakhtigii ay diyaaraddu khadka ka ย baxday ee shidmeen guluubyo digniino ah oo kala duwan kuwaas oo muujinayey in diyaaradda wax degdeg ahi ku yimaadeen.

Jimcihii ayaa qaar ka mid ah maydadka dadkii diyaaradda saarnaa iyo agabyadii ay siteen laga helay meel 290 kiiloomitir u jirta magaalo-xeebeedda Alexandaria.

Bandhige@gmail.com